April dhamaadkeedii 2021, ayaan ka dhoofay magaalada Hargeisa aniga oo ku sii jeeda dalka UK oo reerkaygu degan yahay. Hase yeeshee, maadaama lagu jiray xilligii uu xanuunkii COVID 19 aduunka ka jiray, si toos ah looma gali karayn dalka UK, maadaama Somaliland iyo Somaliya labaduba ay ku jireen liiska cas ee quarantineka ah ee dadka ka yimaada lagu xidhi jirey hoteelada UK muddo 14 cisho ah.
Table of Contents
Saamayntii xanuunka Covid 19
Xanuunkaa Covid19 ee ka bilowday dalka China dhamaadkii 2019, ka bacdina ku faafay aduunka oo dhan waxa uu ahaa qiyaame yar. Intii uu socday xanuunkani dad gaadhaya 114 millllion ayaa ku waayey shaqooyinkooodii. Dad badan oo lagu qiyaasay 7 million ayaa uu galaaftay oo u god galay. Ganacsiyo iyo shirkado badan sida shirkadaha diyaaradaha, hoteelada, goobaha cuntada laga cuno, goobaha dalxiiska iwm ayaa khasaare wayni soo gaadhay ama masalafay.
Meelaha ugu badan ee uu sida wayn u saameeyey waxa ka mid ahaa isu socodkii dadka oo gabi ahaanba joogsaday, muddo dheerna ay qaadatay in la fasaxo isu socodka oo noloshii dadku caadi ku soo noqoto.
Dhinaca kale, shirkado u badan kuwa soo saara qalabka caafimaadka sida talaalada, qalabka neefsashada, handwash, facemask iwm ayaa ka macaashay masiibadaa. Guud ahaanba, hab nololeedkii dadka aduunka oo dhan ayuu wax weyn ka badalay xanuunkaasi.
Anigu shakhsiyan waxa aan ka mid ahaa dadkii uu xanuunkaasi ku dhacay, isla markaana uu safaro badan ka xanibay.
https://www.unwto.org/tourism-and-covid-19-unprecedented-economic-impacts
Hadaba, si loo xeeladaysto, dadka UK u socdaa waxa ay sii mari jirey dal furan oo aan xanibaadi saarnayn, isla markaana dalka UK uu ogol yahay in looga soo dhoofo. Dalka ugu macquulsan ee ay wakhtigaa Soomaalidu mari jireen waxa uu ahaa dalka Turkiga.
Soomaalida oo kaliya maaha ee ciriqaa waxa fahmay oo dalka Turkigu, gaar ahaan magaalada Istanbul, ay marin u ahayd dadka u socda dalka Ingiriiska ee ka imanaya dalalka liiska cas ee quarantine ka ku jira sida Pakistan, India, Bangladesh iwm.
Sababta ay dadkani u sii marayeen Istanbul ayaa ahayd in ay 10 cisho joogaan, iyaga oo dalxiisayaal ah, halka ay doonaan mari kara, iyaga oo xor ah. Ka dib marka ay dhamaato mudadaa 10ka cisho ah ee dawlada UK goaamisay in uu qofku ka sii maqan yahay dalalka liiska cas ee qurantineka ku jira, ka hor inta aanuu dalkeeda soo galin, ayey dadkan ku sugan Turkey u dhoofi jireen halkii ay u socdeen iyo UK. Sidaana waxa ay kaga badbaadi jireen in 14 cisho Hotel lagu xidho, lagana qaado lacag dhan $2000. Waxa looga baahnaa waa cadeynta in aanay qabin COVID 19, warqadaana waxa laga sii qaadan jirey Istanbul.
https://www.arabnews.com/node/1854051/world
Duulimaadkii Hargeisa ilaa Addis Ababa
Diyaarada Ethiopian Airlines oo duulimaadkeedu ahaa ET375 ayaan goor galab ah ka raacay Hargeisa international Airport ilaa Bole international Airport, Addis Ababa. Inkasta oo ay diyaaradu yarayd (DASH 8), hadana duulimaad wanaagsan ayuu ahaa. Saacad iyo wax yar ayaanu u soconay Addis Ababa.
Wakhti dhan 3 saacadood iyo 50 daqiiqadood ayaan transit ku ahaa garoonka Addis Ababa. Iyada oo lagu jiro wakhti xanuunkaasi jirey, hadana airportka addis ababa wuu camirnaa oo dad Afrikaan u badan ayaa dacalada dunida (inta furan) u kala socday. Diyaarada Ethiopian Airlines na waxa ay ahayd mid aan istaagin ama shaqadeeda la joojin xataa markii uu ugu badnaa fiditaanka xanuunku.
Taariikhda Ethiopian Airlines oo kooban
Shirkadan Ethiopian Airlines waxa la asaasay 21 December 1945, wakhtigaa oo uu dalka Ethiopia ka talinayey Boqorkii Haile Selassie. Si rasmi ah waxa ay shaqadeeda u bilowday diyaaradu 08 April 1946, iyada oo duulimaadkeedii ugu horeeyey ku tagtay magaalada Qaahira ee dalka Masar iyada oo sii martay magaalada Asmara.
Ethiopian Airlines waxa ay ku bilowday shaqadeeda 5 diyaaradood oo yaryar nooca loo yaqaano C-47. Maanta Ethiopian Airlines waa shirkad wayn oo duulimaadyo ku tagta 136 magaalo. Waxa u shaqeeya dad ka badan 17,000 qof. Waxaana ay leedahay 154 diyaaradood oo shaqeeya iyo 72 oo ay dalbatay oo sanadaha soo socda lagu soo wareejin doono.
https://www.ethiopianairlines.com/us
Bole International Airport
Garoonka aanu ka degnay waa Bole international Airport oo la dhagax dhigay 1962kii. Marar badan ayaa lagu sameeyey balaadhin iyo dib u casriyeyn. Sanadkii 2019kii ayaa dib u habayntii ugu danbaysay lagu sameeyey. Maanta garoonku waa xarunta ama saldhiga Ethiopian Airlines. Waxa uu sanadkii u adeegaa 24 million oo qof.
https://www.ethiopianairlines.com/aa/services/services-at-the-airport/addis-ababa-airport
ka degitaankii Istanbul Airport iyo bandoodii saarnayd magaalada
Addis Ababa waxa aan ka raacay diyaaradii Istanbul ii qaadaysay oo flight numberkeedu ahaa ET720. Waxa aanu sii soconay 5 saacadood iyo 45 daqiiqadood. Aakhirkii waxa aanu ka dagnay Istanbul. Alxamdullilaah.
Diyaaradu waxa ay ka degtay madaarka cusub ee Istanbul oo ah madaar cusub oo xadhiga laga jaray 2018, una adeegi kara 200 milllion qof sannadkii. Airportku waa mid wayn oo qurux badan oo si farshaxanimo leh loo dhisay. Wax kale kuma garatide waa indho daraarandar. Madaarkani waxa uu ka baxsan yahay ama ka fog yahay magaalada Istanbul 40km. waxa si joogto ah ugu kala shaqeeya madaarka iyo magaalada buses waaweyn iyo tagaasi.
Markii ay diyaaradii degtay, gudaha madaarka waxa nagu sugayey koox ka tirsan ciidamada amaanka dalka Turkey oo dhar cad ahaa. Qof kasta waxa la eegay oo la hubiyey Passportkiisii, ka dibna waxa loo tilmaamay immigrationkii.
Wakhti yar ayaan ku dhaafay immigrationkii, shandadaydii ayaan hore ka sii qaatay, ka bacdina waxa aan gundhada jaray Taxi ii qaaday Hutelkii aan ku dagayey oo ka durugsanaa badhtamaha magaalada kuna yaalay xaafada Mahmutbey.
Dagitaankii Hotelka TRYP by Windham iyo wixii aan kala kulmay
Magaca Hotelku waxa uu ahaa TRYP by Windham. Waxa uu ahaa hotel 5 star ah oo aan ugu talogalay in aan 10kaa maalmood ee aan xalaaloobayo in aan ku sii nasto. Hoteelkii ayaan goor dambe oo habeenimo ah gaadhay, soonkii ayaan niyeystay, waan iska soomay aniga oo aan suxuuran.
Casarkii ayaan weydiiyey hotelka in cunto la heli karo. Cashada ayaa ugu horeysa ayaa la yidhi. Suuqa ayaan u soo baxay si aan wax uga iibsado. Maba jirto meel cunto oo furan oo igu dhaw. Iska soo noqday. Online app ayaa la ii sheegay in cuntada laga dalbado (Yemeksepeti). Cunto ayaan dalbaday, lacagtii bixiyey waa la ii keenay. Halkan ayaan iska dhigtay.
U diyaargarawgii Afurka
Wax yar ka hor afurkii ayaan soo furay buqshadii cuntadu ku jirtay mise HAMBURGER ayaaba ku qoran. Ma bahalkii cagoyaraha ahaa ayaa la ii soo miisay, mise magacan ayey wax kale uga jeedaan. Mooyi. In aan cagayare cuno iyo in aan iska gaajoodo waxa ay ila noqotay in aan iska gaajoodo ilayn ma hubee. Xashiishka ayaan ku riday cuntadii. Sharaabkii la socday iyo Biyo ayaan ku afuray. Casahadii huteelka doontay. Wax yar oo kalluun ah ayaa lacag badan la igaga furay. Abaaal ayaan ku qabaa ilayn meel furani ma jirtee.
Qoladii huteelka ayaan ku idhi waar quraacdan aad dadka subaxdii siisaan, aniga caawa I siiya kolay waad diyaarisaan wakhti horee si aan ugu suxuurto. Waa la iga diidey. Waan iska seexday. Maalintaa maan soomin ee quraacdii ayaan iska cunay!
Raadintii Cunto aan ku afuro
Wakhtigu waa Ramadaan. Dalka Turkiguna bandoo ayuu ku jiraa. Dadka ajaanibka dalxiisayaasha ahi way socon karaan oo meel kasta waa ay mari karaan, laakiin anigu warkaa maan haynin. Hoteelkii ayaan go`doon ku ahaa maalintii labaadii. Casarkii ayaa la ii tilmaamay dukaan yar oo khudrada lagu iibiyo. Kii ayaan khudrad caloosha soo tiirin karta ka soo iibsaday (Cambe, Tufaax, Liin, iwm). Xaalkaygu galabtaa ma xuma. Laakiin, nasashadii iyo werwer la`aantii aan ku talogalay waa la iga jiidhay!
Caawimadii aan ka helay saaxiibkay iyo barshadii xaafada Aksaray
Nin aanu saaxiib ahayn oo dhintay (Illaahay waxaan uga baryayaa in uu jannadiisa firdowsa geeyo) oo Istanbul deganaa ayaanu habeenkii wada hadalay. Tilmaamo ayuu I siiyey iyo meel aanu isugu nimaadno. Suuqa la yidhaahdo Yusuf Pasha oo uu igu sugayey ayaan laba bus u soo raacay.
Waan imid. Meeshuba waa wada Soomaali. Ogow, dalku bandoo ayuu ku jiraa, hadana Soomaalidu meelahaa ayey taagtaagan yihiin. Beer yar oo suuqaa ku dhawaydna cida kaliya ee fadhiday waxa ay ahaayeen Soomaali!. Dadkii kale bandooda ayey guryahoodii fadhiyaan. Qofkii haysta warqada dhaqdhaqaaqa oo HES loo soo gaabin jirey ayuun baa loo ogolaa in uu dibeda u baxo. Laakiin Soomaalidu iyaga ayaa isu wada qoray warqadaa dhaqdhaqaaqa.
Almuhiim, Saaxiibkay is helnay, maalintii oo dhan wada joognay. Casar gaabkii ayaan ku caraabay huteelkaygii fogaa, aniga oo afur wanaagsan sii iibsaday. Maalmihii dambe, wadadaa waan jabsaday oo maalin kasta waan iman jirey suuqaa soomaalidu ku badan tahay si aan cidlada huteelka isaga ilaaliyo, cunto afur iyo suxuur aan ka dhigtona uga iibsado. Goobtani waa xaafada Aksaray ee ay Soomaalidu ka degto Istanbul
Dalxiiskii Istanbul iyo warkii naxdinta lahaa ee ka danbeeyey
Mudadii aan joogay Istanbul ee aan sugayey xalaalowgii COVID19ka, waxa aan booqday goobo badan oo taariikhi ah sida Masaajidka Aya Sofia, Sultan Ahmed Mosque, Top Kapi Museum, Biriishka Istanbul ee isku xidha labada dhinac ee Istanbul (Europe iyo Asia) iyo meelo kale oo badan. Dhawr goorna doon ayaan ku dalxiisay ilaa gacanka loo yaqaan Golden horn.
https://www.tripadvisor.com/Attractions-g293974-Activities-Istanbul.html
Waxa aan 10kii cisho ee aan joogayey Istanbul tiriyoba, maalintii 8aad ayey dawlada ingiriisku soo saaartay war naxdin leh oo lama filaan ah, waxaanay ku dhawaaqday in dadka ka iman doona dalka TURKEY la galin doono karantiimo (quarantine).
Taa macnaheedu waxa uu ahaa dalka TURKEY waxa lagu daray liiska case ee dalalka quarantineka. 3 maalmood oo fursad ayaa jirtay ka hor dhaqangalida sharcigaa UK ee cusub. Boqolaal qof oo Soomaali badani ku jirto ayey arintani saamaynaysey. Aniguna ka mid baan ahaa. Naxdin waynaa.
Safarkii aan soo galay iyo kharashkii iga baxay oo dhami waa khasaare haddii ay bandoodu iigu dhacdo Turkey. Maalinta liiska cas lagu darayo Turkey waa isla maalintii aan ku beegnaa in aan ka dego London. Xaaladu waa jiq. Dadkii badnaa ee ku sugnaa Turkey ee 10 ka cisho ku sii xalaaloobayey, waxa ku dhacay jahawareer.
Xanibaadii Covid 19 ee dalka Turkey iyo xeeladii aan ku dhaafay
Markii warkaa dhiilada lihi uu soo baxayba, Qofkii awoodi karayey waxa uu goostay tigit degdeg ah oo qaaali ah ilaa UK. Tigitka sii socodka kaliya ah (one way) ISTANBUL – LONDON ee ugu jabani waxa uu noqday $1000. Qofkii hela ayaaba nasiib lahaa. Degdeg ayaa kuraastii diyaarada Turkish Airlines oo toos ahayd ku buuxsameen. Dadkii awoodi karayey waxa ay ku qamaameen oo iibsadeen tigidhadii qaaliga ahaa ee Business Class iyo First Class, bal si ay Turkey uun uga baxaan oo u gaadhaan UK ka hor inta aanuu dhaqangalin sharciga lagu karantiimaynayo cidii ka timaada Turkey.
Taariikhda Turkish Airlines oo kooban
Turkish Airlines waa shirkad qadiimi ah. Waxa al asaasay 20 May 1933. Waxa lagu asaasay 5 diyaaradood oo yar yar iyo 30 qof oo shaqaale ah. Maanta Turkish Airlines waxa ay u duushaa 120 wadan. Waxa ay leedahay 454 diyaaradood. Waxa u shaqeeya dad gaadhaya 30,00 qof.
Warwarkii iyo walaacii waagu iigu baryey
Aniga habeenkaa waxa maskaxdayda u daarnayd heestii uu ku luuqayn jirey Alfanaan Axmed Cali Cigaal ee ahayd “Cakuye hawl aduun badanaa, ma cidla ciirsilaan fadhiyaa, Cir kaa dheer dhul kaa dheer, Caways ma kuududaa, way iga ciirsantee taladu, cayn wareegsantee Aniga, culays baa I saarane, Allow ciilka iga bixi, nin caydhi waligii ceeb kama fogaadee, caaway u darantee xagee baan cuskadaa”.
Waa su`aal wayn. Anigu Lacag aan tigit qaali ah ku iibsado maan haysan oo inta iga baxday markaa ayaaba igu badnayd. Tigitkaygiina waa ka kac oo wakhtigii karantiinka UK dhaqan galayey 3 saacadood ayuu ka dambeeyaa marka aan ka dagayo London. Turkish Airlines lacagtii tigitka ee aan mid kale ku kordhisan lahaa, haddiiba la helo, ii celin wayday. Xaaladu waa igu adag tahay. Waxase aan goostay in aanan is dhiibin, niyad jabin (luqunta haddii la idin jaro lugaha meermeersha).
Baadhitaankii Covid 19 iyo warwarkii ku lamaanaa!
Waxa aan tagay Istanbul Airport oo aan ku soo maray baadhitaankii COVID19 oo degdeg ah si aan dalka meel uun uga bixi karo. Lacag dheeraad ah ayaan bixiyey si dhakhso la iigu dhameeyo. Werwer ayaa I haya oo haddii xanuunka la iga helo quarantine ayaa la I galinayaa oo xaaladu way xumaanaysaa, safarkaygaasina ka kac ayuu noqonayaa.
Markii ay gaadhay wakhtigii la ii qabtay in ay jawaabtu diyaar ku noqonayso ayaan tagay halkii laga qaadanayey jawaabta baadhitaanka. Waan naxsanahay laakiin waxa aan isku dayeyaa in aan la iga garan. Gabadhii Nurseka ahayd ayaa warqadii jawaabta ii dhiibtay. Waan eegay, Ilaahay mahadii negative ayaan noqday. Hadda waxa aan ka bixi karaa Turkey mar haddii aan caafimaad qabo. Laakiin xagee ayaan u bixi karaa??? Mooyi.
Raadinta xalkii aan kaga bixi lahaa Istanbul, Turkey ilaa UK
Taxi ayaan ka soo raacay airportkii. Waxa aan ku laabtay Hotelkii aan deganaa. Laptopkaygii ayaan la soo baxay. Waxa aan baadhay dalalka Turkey la jaarka ah dal furan oo la gali karo, isla markaana UK looga sii gudbi karo, oo marka aad gaadho UK aan kanarantiimo lagu galinahayn. Waxa ii soo baxay dalka Bulgaria oo Turkey la jaar ah.
Diyaarad banaan oo tigitkeeda la goosan karo oo I gaysa Bulgaria ma jirto. Markaa safar xaga cirka ah oo aan ku gaadho Bulgaria suurtogal ma aha. Ka bood.
Tareenku ma shaqaynayo oo waa xiligii COVID19ku aduunka kala xidhay, markaa safar tareen ahina suurtogal ma aha. Isagana ka bood.
Waxa aan baadhay gaadiidka dhulka iyo shirkadihii buseska dalxiiska lahaa ee ku yaalay magaalada Istanbul. Qaar badan ayaan helay, 5 ka mid ah ayaan la hadlay. Aakhirkii, waxa aan helay shirkad Metro la yidhaahdo oo buseskeedu tagayaan Sofia oo ah caasimada Bulgaria.
Timaantii xafiiskooda ayaan qaatay oo aan degdeg u abaaray. Waa gudaha magaalada Istanbul. Waan gaadhay ka bacdina Tigitkii buska ayaan ka soo goostay. Safarku waa habeen danbe, waana 09ka fiidnimo wakhtiga bixitaanku. Hoteelkii ayaan ku noqday. Waan xidhxidhay oo safar dheer oo dhulka ah u diyaar garoobay (Istanbul ilaa Sofia waa 9 saacadood). Laaakiin, waan ku khasbanahay oo xal kale ma jiro.