You are currently viewing Noocyada iyo faa`iidooyinka safarada cirka, dhulka iyo badda

Noocyada iyo faa`iidooyinka safarada cirka, dhulka iyo badda

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa Nin aan dhul marini dhaayo ma leh iyo bartii yaqaan bari uma korodho. Labadan maahmaahood ee caanka ahi waa dhiirigalin dadka lagu dhiirigalinayo  in ay safraan, socdaalaan, tacabiraan isla markaana dhaafaan deegaanka ay ku dhasheen ama koreen.  Safaradu waxa ay noqon karaan kuwo cirka, dhulka ama badda.

Safarku sidiisaba waa in qofku uu ka tago goobta uu joogo ama degan yahay oo u kicitimo goob kale (magaalo/dal). Ujeedada safarku way kala duwan tahay oo safarada qaarkood waa safaro shaqo (Business), qaarkood waa dalxiis (Tourism), kuwo kale waa waxbarasho (Education), kuwo caafimaad ayaa jira (Medical), qaarkood ayaa ah safaro cibaado sida Xaj iyo Cumro (Religion) iyo safaro lagu booqanayo Qoysaska, Qaraabada iyo Asxaabta (Family and Friends).

Noocyada Safarka

Guud ahaan Safarka waxa loo qaybiyaa dhawr qaybood marka laga eegayo dhinaca masaafada la safrayo, muddada la maqnaanayo, iyo ujeeddooyinka loo safrayo:

Safarka Gudaha

Safarka guduhu waa marka qofku safro isaga oo aan ka bixin xuduudaha dalkiisa. Waa safar uu qofku ku dhex safray dalkiisa. Waa safar qofku ku soo fushado danihiisa iyo hawlihiisa magaalada ama dalkiisa gudihiisa. Waa safar qofku uu ku booqan karo goobaha dalxiiska ee dalkiisa sida Matxafyada, beeraha xayawaanka, xeebaha, iwm. Waa safar uu qofku kaga qaybgali karo shirarka, kulanada, isu soo baxyada ka dhacaya dalkiisa gudihiisa. Waa safar uu qofku ku booqan karo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo asxaabtiisa. Qofku ujeedo kasta ha u baxee, waa safar ku kooban xuduudaha dalka gudihiisa.

Safarka Dibadda

Waa safarka ay dadku ugu kicitimaan waddan ka baxsan ka ay ku nool yihiin. Ujeedada safarkan ayaa noqon karta dalxiis, ganacsi, waxbarasho, cibaado, caafimaad iwm. Safarkan dibadda loogu baxayo ayaa u baahda qorshayn iyo diyaargaraw maadaama qofka looga baahan yahay dalkugal (visa), tigidhada gaadiidka uu raacayo iyo diyaarinta goobta ama hoyga uu dagayo iyo hubinta goobta uu muraadka u leeyahay (dalxiis, Dhakhtar iwm).

Qofku marka uu galo safar dibadeed, waxa uu la kulmaa bulshooyin, dhaqano iyo afaf kala duwan, taasina waxa ay kor u qaadaa qofka fahamkiisa iyo aqoontiisa caalamka.

Safar Gaaban

Waa safaro qaata saacado ama maalmo kooban. Safaradan gaagaaban waa kuwo nasasho gaaban, shaqooyin kooban, ganacsi, ama booqasho qoys, qaraabo iyo asxaab lagu fushado. Safaradani waxa ay u baahan yihiin qorsheyn yar oo fudud, diyaaargraw kooban, kharsh kooban iyo wakhti kooban. Waxa dhici karaysa safarkan gaabani in uu noqdo gudaha dalka ama dibediisaba.

Safar Dheer

Safaradani waa kuwo qaata maalmo badan iyo bilo ama ama xitaa sannado. Safaradani waa kuwo ay dadku ugu baxaan safaro dhaadheer oo dalxiis iyaga oo aduunka oo dhan ku wareegaya, waxbarasho sannado badan qaadanaysa, ama shaqo dibadeed oo sannado badan qaadanaysa. Safaradan dhaadheeri waxa ay u baahan yihiin qorsheyn balaadhan, kharsh badan  iyo diyaargarow, iyada oo laga yaabo in ay saameyn ku yeeshaan dhinacyo badan oo nolosha qofka ah, sida dhaqaalaha, xidhiidhada bulshada, iyo xirfadaha shaqo.

Noocyada Gaadiidka lagu safro

Marka uu qofku safrayo waxa uu u baahan yahay in uu isticmaalo gaadiidka saxda ah ee ku haboon safarkiisa iyo goobta uu u socdo. Tani waxa ay ka caawisaa qofka safarka ah inuu si bilaa mashaqo ah ku gaadho meeshii uu u socday isaga oo ka faa’iideysanaya wakhtigiisa.

Hoos waxa ku xusan qaybo ka mid ah gaadiidka lagu safro:-

Gaadiidka Cirka

Diyaaraduhu waa gaadiidka ugu dhaqsaha badan ee lagu safro iyaga oo isku xidha magaalooyin iyo qaarado kala fogfog saacado gudahood. Safarada diyaaraduhu waxa ay noqon karaan kuwo toos ah oo qofku magaaladii uu ka tagay iyo magaaladii uu u socday aan waxba u dhaxayn ama safar aan toos ahayn oo qofku sii marayo magaalo ama dal kale ka hor inta aanuu gaadhin halkii uu u socday.

Diyaaraduhu waa gaadiidka ugu amaanka ama badqabka badan dhamaan noocyada gaadiidka. Maalin kasta 100,000 duulimaad ayaa u kala duula dacalada dunida. Waxa yar shilalka ku yimaada diyaaradaha, laakiin marka uu shil dhaco waxa uu noqdaa mid aduunka wada gaadha.

Diyaaraduhu waa gaadiidka ugu qaalisan ee lagu safro, gaar ahaan safarrada gaagaaban iyo kuwa aan hore loo sii qorsheyn. Sidoo kale, hababka amniga garoomada iyo waqtiga sugitaanka diyaaradu in ay kacdo ayaa noqon kara kuwo daaliya rakaabka.

A380

Gaadiidka Dhulka

Gaadiidka dhulka gaar ahaana noocyada kala duwan ee Baabuurtu sida Tagaasida, Basasku iyo gawaadhida yaryar ee gaarka loo leeyahay waa kuwa ugu badan ee safar dhul lagu galo. Waxa ay ku haboon yihiin safarada gaagaaban ama dalka gudihiisa ah. Waa gaadiid mar kasta oo loo baahdo la heli karo oo aan wakhti badani ku lumin helidooda sida gaadiidka badda oo kale. Waa gaadiid qofku si nafis ah ugu safri karo, safarka kala qaybqaybsan karo, kolba meel ama mgaalo cusub sii istaagi karo.

Gaadiidka dhulku waa uu ka qiimo jaban yahay dhamaan gaadiidka kale oo dhan marka safarada lagu galayo. Hase yeeshee, gaadiidka dhulku waxa ay inta badan la kulmaan dib u dhacyo, sababtuna waa cidhiidhiga dariiqyada, wadooyinka oo xanibma iyo shilalka oo ku badan wadooyinka. Intaa waxa dheer, Safarada dhaadheer waa daal iyo caajis gaadiidka dhulku.

BUS TOURISM

Gaadiidka Xadiidka

Gaadiidka xadiidka oo loola jeedo Tareenadu waa mid ka mid ah gaaadiidka sida wayn loogu safro, marka laga hadlayo safarada gaagaaban iyo kuwa dhexe. Sidoo kale, waxa loo adeegsan karaa safarada dhaadheer ee qofku dalal kala duwan isaga gudbayo sida qaarada Yurub oo kale. Tareenadu waa gaadiid dheereeya oo xawaare sare ku socda, taa oo suurtogalisa in qofku halkii uu u socday uu ku gaadho wakhti kooban. Waa gaadiid aan wasakhayn badan u gaysan deegaaanka. Waa gaadiid raaxo leh, cunto iyo cabitaana laga dhex heli karo. Tareenada qaarkoodna waxa ay leeyihiin goobo la seexdo, waana gaadiid qiimaha lagu raacaa uu macquul yahay.

Tareenadu waxa ay dul maraan oo kaliya xadiidka loo sameeyey, sidaa daraadeed way xadidmi karaan goobaha ay tagaan.  Tareenada u kala goosha dalalka balaadhan ama qaaraduhu waxa ay baxaan wakhtiyo kooban taas oo haddii qofku ka habsaamo wakhtigaa loo qorsheeyey ay suutogal tahay in uu saacado badan dib u dhaco si uu u raaco tareenka xiga.

TRAIN

Gaadiidka Badda

Maraakiibta iyo doonyuhu waa mid ka mid ah kuwa aadka loo jecel yahay ee ay raacaan dadka dalxiisayaasha ahi. Waa gaadiid loogu kala goosho jasiiradaha iyo qaaradaha aduunka. Sanadahan danbe, waxa aad u soo batay maraakiib waaweyn oo qaadi kara kumanaan qof oo ay raacaan dadka dalxiisayaasha ahi. Maraakiibtani waxa ay ku wareegaan aduunyada, waxaana ay badda ku jiraan bilo, iyaga oo marba deked ku xidhanaya oo dadku ay ku dagayaan hadba magaaalo ama dal cusub. Magaalooyinka baddaha leh waxa si joogto ah uga dhex shaqeeya doonyo yar yar oo dadka safraya u kala qaaada qaybaha kala duwan ee magaalda. Sidoo kale, dadka dalxiisayaasha ah ayaa doonyaha yaryar u kala raaca goobaha dalxiiska ee magaalooyinka baddaha leh ku yaala.

Gaadidka baddu wuu ka xawaare yar yahay noocyada kale ee gaadiidka, sidaa daraadeed wakhti badan ayey ku qaadan kartaa qofka in uu ku gaadho halkii uu u socday. Sidoo kale, safarka baddu waxa uu u nugul yahay saameynta cimilada sida duufaannada iyo mowjadaha waaweyn kuwaas oo hakin kara safarada gaadiidka badda.

CRUISE SHIP

Faa’iidooyinka Safarka

Wanaajinta Caafimaadka qofka

Safarku waxa uu qofka siiyaa fursad uu ku beddelo jawiga uu ku nool yahay, taasoo saamayn togan ku yeelan karta caafimaadka maskaxda iyo jidhka. Safarku waxa uu yareeyaa isku buuqa, walaaca, iyo werwerka, waxaanuu kor u qaadaa niyadda qofka. Dhaqdhaqaaqa joogtada ah ee qofku sameeyo marka uu ku jiro safarku, waxa uu caawiyaa in uu si fiican u wareego dhiigu, taas oo yaraysa halista cudurada ku dhaca Wadnaha, xididada dhiiga, xanuunada ku dhaca lafaha iyo muruqyada.

https://www.who.int/health-topics/travel-and-health#tab=tab_1

Horumarinta Aqoonta

Safarku sidiisaba waa waxbarasho. Marka qofku safro ee uu tago ama arko deegaano iyo dad kala duwan, waxa uu la kulmaa fikrado iyo aragtiyo cusub. Waxa uu arkaa ama ogaadaa taariikho iyo dhaqano aanuu hore u arag ama ogayn. Waxa uu isdhexgal la sameeya dadka ku nool halka uu tagay oo wax badan ka ogaadaa. Tani waxa ay qofka siisaa aqoon durugsan iyo faham qoto dheer oo ku saabsan sida dunidu u shaqeyso ama dadka dunida joogaa u nool yihiin. 

Safarada qaaarkood si gaar ah ayey aqoonta u kaabaan sida kuwa lagu booqdo goobaha waxbarashada, matxafyada, goobaha taariikhiga ah, iyo jaamacadaha caalamiga ah, taasoo sii balaadhin karta aragtida qofka iyo fahamkiisa dunida.

Barashada afafka iyo dhaqanada kala duwan ee dadka

Safarku waa dariiqa ugu fiican ee lagu baran karo dhaqamada bulshooyinka aduunka iyo luqadaha ay ku hadlaan. Taasi waxa ay xoojisaa isfahamka iyo ixtiraamida dhaqamada kale, sidoo kale waxa ay abuuri kartaa fursado shaqo. Safaradan waxa laga helaa fursado aan la qiyaasi karin oo lagu baran karo taariikhda, farshaxanka, siyaasadda, iyo bulshooyinka kala duwan ee dunida.

Guud ahaanba, la kulanka iyo dhexgalka dad kala duwani, waxa ay yarayn kartaa isir nacaybka, takoorida, xagjirnimada, cunsuriyadda, iyo in ay abuurmaaan caqabado dad samee ah oo u dhexeeya bulshooyinka caalamka.

Kobcinta Dhaqaalaha

Safarku waxa uu kobciyaa dhaqaalaha, maadaama socotada iyo dalxiisayaashu ay lacag geliyaan dhaqaalaha deegaanka ay booqdaan, iyaga oo lacag ku bixiya alaabada iyo adeegyada, sida Hoteelada la seexdo, Makhaayadaha cuntada laga cuno, iyo Gaadiidka la raaco, taasoo abuurta shaqooyin. Intaa waxa dheer, goobaha safarka iyo dalxiiska loogu talogalay, waxa ay soo jiitaan maalgashi kordhiya dakhliga ganacsiyada maxalliga ah iyo kuwa deegaamada ku dhaw.

Isbeddelka Shakhsiyeed

Safarku waxa laga faa`iidaa faham aad si dhab ah u fahamto naftaada, ogotaato xadkaaga iyo xamilkaaga, iyada oo aad la kulmi karto duruufo iyo xaalado cusub oo kugu qasbaya inaad noqoto qof madax-bannaan oo hal-abuur leh, isna dabari kara kaligii. Safarku waxa uu  kobciyaa madax-bannaanida iyo isku-kalsoonaanta qofka, maadaama uu qasab ka dhigo inuu la qabsado xaalado cusub iyo inuu xalliyo dhibaatooyin aanu hore u arag oo uu la kulmi karo.

Talooyin la siinayo Qof kasta oo safar galaya

Diyaarinta iyo Qorsheynta safarka: marka aad goosato in aad safarto, diyaari qorshishii safarkaaga sida gaadiidkii aad raaci lahayd, goobtii aad seexan lahayd, goobtii aad u socotay oo aad hubsato iwm. Qorshayntani waxa ay kaa baajin kartaa jahawareer kugu dhaca iyo khasaare xaga wakhtiga iyo maalkaba ah oo ku soo gaadha, haddii ay wax kaa khaldamaan. Diyaarinta sidoo kale waxa ka mid ah hubsasahada helitaanka dal ku galka (visa), iyo wax kasta oo lagaaga baahan karo si aad dalkaa u gasho.

Daryeelka Caafimaadka: Ka hor safarka, hubi caafimaadkaaga guud, gaar ahaan haddii aad qorsheyneyso safar dheer ama aad u baxayso meelo durugsan oo aan gargaar caafimaad ka dhawayn. Sii qaado haddii ay jiraan dawooyin aad si joogto ah u isticmaasho. Way fiican tahay in aad sii qaadato dawooyin aad u baahan karto sida dawooyinka loo isticmaalo xanuun baabiinta, calool xanuunka ama shubanka, ka hortaga kaneecada, qaniinyada bahalaha iwm. Hubso in aad buuxisay shuruudaha caafimaad ee lagaaga baahan yahay sida talaalada oo kale.

Qorshee miisaaniyada safarkaaga: Dhaqaaluhu waa lafdhabarka safarada, la`aantiina safar ma suurtogalayo. Sidaa daraadeed, deji miisaaniyad macquul ah, xisaabi kharashaadka safarka oo dhan, oo ay ku jiraan kuwa aan la filayn ama emergencyga loo yaqaan. Lacagaha aad u baahan tahay qayb ka dhigo cadaan ama cash, qaybna ku hayso bankiga oo qaado kaadhka Bankiga si aad ula bixi karto marka aad u baahato.

Wax ka sii baro Dhaqanka goobta aad tagayso: wax badan ka sii ogow ama baro dhaqanka iyo caadooyinka dadka, dalka iyo goobta aad u socoto sida luqada, cuntada, diinta iwm si aad u noqoto marti ixtiraam leh. Dhaqanka dadka aad u tagayso oo aad sii barataa waxa ay kaa baajin kartaa la yaab, filanwaa iyo mashaakil aad la kulmi karto marka aad dhex tagto.

Gabagabo

Safarku waa qayb ka mid ah horumarka shakhsi ahaaneed iyo bulsho ahaaneedba. Waxa laga helaa fursado lagu horumariyo aqoonta, caafimaadka, iyo dhaqaalaha. Safarku waxa uu xoojiyaa isfahamka, ixtiraamka iyo isdhexgalka dhaqamada kala duwan. Waxa muhiim ah in safarka si fiican loo qorsheeyo, loo diyaar garoobo, oo si masuuliyad leh loo safro si loo helo faa`iidada laga doonayo, loona gaadho hadafka laga leeyahay.

https://cirmaax.com/ku-dalxiis-dubai