You are currently viewing Arday, Aabe, Shaqaale iyo Dalxiise booqday dhulka ugu taariikhda fiican Spain. Q 2aad

Arday, Aabe, Shaqaale iyo Dalxiise booqday dhulka ugu taariikhda fiican Spain. Q 2aad

Sheekadu waxa ay inoo joogtay, Aniga oo soo gaadhay Malaga oo hoteelkii aan sii boooking garaystay ku degay.

Arday, Aabe, Shaqaale, Dalxiise iyo Safarkii Malaga ilaa Qurduba

Subaxnimadii hore ayaan kacay, salaadii ayaan tukaday, dib ayaan u eegay dariiqa iyo routka uu busku ila mari doono. Quraac “Continental Breakfast” ah ayaan kaga sii dhuftay Hotelkii aan deganaa. Ka dibna qolkaygii Ayaan xamaantii ka soo qaatay oo waxa aan imid receptionkii oo aan furihii qolka ku wareejiyey.

Wakhtigaa Ardaynimo ayaan ka soo baxay oo lacagtu waa igu qaliil, sidaa daraadeed in aan lacagta yare e sito tashiilaa waa lagama maarmaan. Taxi ma raacayo ee kuwii hotelka ayaan ku idhi ii sheega buska tagaya Central Bus Station. Waa la ii sheegay. Waan ku booday oo hadana ka booday markii aan gaadhay halkii aan u socday iyo istaankii Malaga Bus station.

Waxa aan Malaga ka raacay Bus ay leedahay shirkada Buseska ee la yidhaahdo ALSA. Waa bus raaxo badan oo socod wanaagsan. Busku wuu buuxaa. Dadka la socdaa waxa ay u badan yihiin dalxiisayaal aan u dhalan dalka Spain. Laakiin, anigu cid aan afgarto ama igu xigta oo aan sheekada ku xidhiidhsado waan ka waayey buskaa (boring). Buug aan sitay oo ah kuwii aviationka ee aan stresska ka qaaday akhrintooda wakhtigii jaamacada, ayey hadana dantu I baday in aan akhristo inta safarkan lagu jiro.

https://www.alsa.com

Dhulka la marayo ee u dhaxeeya Malaga iyo Cordoba (Qurduba) waa buuralay, hadana dhulkaa buuraha ah beero ayaa ku yaala. Liinta, Cinabka, Saliid Saytuunka iyo Tamaandhada ayaa ka mid ah dalagyada dhulkaa ku beernaa. Wadada iyo dariiqa la marayaa waa mid wanaagsan oo si fiican looga shaqeeyey (malaha dadka ayaa si hagar la`aan ah u bixiya cashuurta WADO MARISTA. Saacado badan ka dib waxa aanu gaadhnay magaaladii Cordoba oo aan aad u xiiseynayey aragtideeda.

image 39

Magaalada Qurduba

Magaalada Qurduba waxa ku nool dad wax yar ka badan 300,000 qof. Waa caasimada Muslimiinta Spain. Taxi ayaan ka qaatay bus stationkii Qurtuba. Waxa uu I geeyey hotelkii aan ku dagayey. Markii aan xamaanta dhigtayba waxa aan waraystay goob cunto xalaal ah lagu sameeyo. Waxa la ii tilmamay meherad cunto oo ay leeyihiin muwaadiniin asal ahaan ka soo jeeda dalka Morocco.

Makhaayadii ayaan abaaray waan helay, Cuwaaf yar oo aan degdeg u cunay, ka dib waxaan u toobiyeystay aniga oo talaabo dheereynaya (sidii oo aan Safa iyo Marwa dhexdooda marayo) xagaa iyo Medinat Al-Zahraa iyo masaajidkii weynaa ee Cordoba (the great Mosque).

https://www.spain.info/en/destination/cordoba

image 40

Medinat Al Zahraa iyo Qurduba

Medinat al Zahraa waa magaalo qadiimi/taariikhi ah. Marka aad dhex marayso raadadkii ka hadhay, waxa aad dareemaysaa in meeshaa xadaarad iyo ilbaxnimo weyni ay ka jirtay. Goobtu waxay ahayd caasimada xukunkii Muslimiinta ee ka hirgalay Andalusia. Magaalada waxa dhisay Khaliifkii la odhan jirey Cabdiraxmaankii 3aad ina Naasir, wakhtiga magaalada la dhisayna waxa ay ahayd sanadihii u dhexeeyey 936 – 940 taariikhda miilaadiga.

Magaaladu waxa ay ka koobnayd dhismayaal badan oo kala duwan sida Masaajido, goobaha qaabilaada wufuuda soo booqanaysa khaliifka, Maktabado, goobo waxbarasho, xafiisyada kala duwan ee dawlada oo Bangiga lacagtu ka mid yahay, xeryo ciidan, guryo xaasaka ciidanku degaan, beero, iyo dhismayaal kaleba.

Sida la wariyey mudadaa uu socday dhismaha magaaladani, dad gaadhaya 10 kun oo wada xirfad yaqaan ah ayaa ka qayb qaatay dhismaha magaaladan. Nasiib darro magaaladani waxay ku burburtay gacanta Muslimiinta ka dib markii ay dhexdooda ka dagaalameen iyaga oo xukunka isku haysta.

image 41

Sanadihii 1910 iyo 1911kii ayey xukuumadii Spain ee markaa xukunka haysay ay Qurduba ka bilowday inay baadho/qodo magaaladaa taariikhiga ah ee aasantay, waxaana la helay raadad badan oo muujinaya xadaaradaa muslimiinta.

Sanadkii 2010, dawlada Spain waxa ay ka dhistay goob ku dhow halkii ay ahayd magaaladii Alzahraa xarun ka kooban saddex dabaq oo lagu kaydiyo raadadka iyo waxyaabaha qoditaanka lagu helo ee la xidhhidhsan magaaladii Al-Zahraa.

Marka laga yimaado Madiinat Al-Zahraa, masaajidkii waynaa ee Qurduba isaguna waa goob caan ah oo muujinaysa xadaaradii iyo ilbaxnimadii ay muslimiintu gaadheen, wakhtiyadaas hore oo badiba dalalaka Yurub ay ku jireen xaalad qalafsan nolol ahaan.  Wakhtiyadaa waxa ay reer Yurub u yaqaaneen “wakhtiyadii madoobaa”, halka dunida muslinka wakhtigaasi uuu ahaa “wakhti dahabi”ah. Masaajidkan wayn oo ilaa hadda dhismayaashiisu taagan yihiin, waxa dhisay khaliifkii muslimiinta Andalusia ee la odhan jirey Cabdiraxmaan.

Masaajidku markii hore waxa uu ahaa kiniisad, hase yeeshee khaliifka ayaa iibsaday oo u bedelay masaajidkii ugu quruxda badnaa Yurub. Masaajidkan oo hadda loo yaqaano magacyo kala duwan oo ka kala turjumaya wakhtiyo taariikheed oo kala duwan sida “Masaajidkii Kiniisada”, La Mesquita, ama kiniisada Qurduba (Cathedral of Cordoba) waa goob maalin kasta ay soo booqdaan boqolaal qof oo ka kala yimid dacalada aduunka.

image 42

Marka aad gasho gudaha masaajidka waxa aad ku ashqaraaraysaa sida farshaxanimada leh ee loo dhisay masaajidkaa iyo sida quruxda badan ee aayadaha quraanka kariimka ah loogu xardhay gidaarada masaajidka. Mixraabka masaajidku waxa uu ka samaysan yahay dhagxaan lagu naqshadeeyey dahab, oo waliba si cilmiyeysana loogu qoray aayado quraan ah. Qudbiga masaajidka, tiirarkiisa, gidaaradiisa, marmarka yaala iyo sida farsamada sare ah ee loo sameeyey ayaa aad kuu soo jiidanaya.

Cabaar ayaan meel cidlo ah keligay taagnaa aniga oo ka fikirayey sida dhulkaa muslimiinta iyo masaajidkani ku lumay oo ahayd khilaaf muslimiinta dhexdooda ah. Waa arimo uu ilaahay SWT uga digay muslimiinta in aanay is khilaafin; haddii ay is khilaafaana in ay fashilmi doonaan oo awoodoodu lumi doonto.

Taas ayaa dhacday, ka dib markii muslimiintu dhexdooda isku mashquuleen ayaa xoogag ay horkacayaan kiniisadaha reer galbeedku, waxa ay dagaallo arxan darro ah oo mudooyin badan socday, ka dib la wareegeen dhamaanba goobihii muslimiintu lahaayaan oo masaajidkana ka mid ahaa.

Masaajidka waxa kiniisad loo bedelay sanadkii 1236kii. Waxa wax laga xumaado ah in markii kiniisada iyo ciidankeedu ay qabsadeen dhulkaa muslimiinta, in dadkii muslimiinta ahaa xasuuq lagu bilaabay, oo wax la dilay iyo wax lagu khasbay inay diinta ka noqdaan laga dhigey. Tiro yar oo aan badnayn ayaa firxad kaga baxsaday Cordoba oo dib ugu soo gurtay dhulalkii kale ee muslimiintu ka talinayeen ee ku yaalay waqooyiga afrika.

Intii aan ku jiray dalxiiskaa Masjidka, waxa aan kula kulmay oo aanu iswaraysanay niman Maryakan ah oo ah taageerayaasha xisbiga Trump ee Republicanka oo ka yimid gobolka Texas ee dalka maraykanka, kuwaas oo duubanayey taariikhdaa qaaliga ah ee islaamka. Waxa aan si kaftan ah ugu idhi haddii markii Maraykanku uu nagu soo duulay (Somalia) 1990naadkii uu naga adkaan lahaa, sidaa Spain ay yeeshay ayuu masaajidayada u bedeli lahaa kiniisado. Ismaba ay dhibin ee waxa ay yidhaahdeen annagu wax diin ah ma qiimayno – America first. Aniguna ku socda ayaan idhi.

UNESCO iyo taariikhda islaamka ee Spain

Sanadkii 1994, Hay`ada Qaramada Midoobay u qaabilsan dhaqanka iyo waxbarashada ee magaceeda loo soo gaabiyo UNESCO, waxa ay masaajidkan iyo dhamaanba dhismayaasha qadiimka ah ee ku xeeranba u aqoonsatay in ay yihiin goobo taariikhi ah oo u baahan in la ilaaliyo, lana daryeelo. Ugu yaraan 15 goobood oo Islaami ah ayaa ku jira liiska UNESCO ee dalka Spain. Waxa ka mid ah qasriga caanka ah ee Alhambra.

https://whc.unesco.org/en/list/313

Ka dib kormeerkaa ruuxiga iyo taariikh barashada ah oo qaatay saacado badan, waxa aan dib ugu luuday goobtii aan deganaa, aniga oo qiiraysan oo taariikh badana faraqa ku soo guntaday. Waxaan in badan ka fikirayey aqoonta iyo ilbaxnimadii ay muslimiintu ka hirgaliyeen Andalusia sida wax qorista iyo wax akhriska oo ay bareen dadkii ku hoos noolaa xukunkaa islaamiga ah, habka dhismayaasha waaweyn ee casriga ah loo dhiso (architecture), cilmiga daweynta dadka iyo xoolahaba (Medicine), culuumta xidigiska (astronomy), xisaabaadka (mathematics) iyo culuum badan oo la xidhiidha dhirta iyo waxtarkooda (herbal) iyo nadaafada shakhsiga ah iyo dahaaarada.

Ileyn xareeda lagama dhargee, subaxdii dambe markii uu waagu baryey waxaan hadana mar labaad ku noqday isla goobihii aan shalay soo booqday aniga oo durduuranaya taariikhdaa qaalliga ah ee muslimiintu kaga tageen Spain! Keligay maaha ee dadka goobahaa booqdaa kama xiiso gooyaan daawashada Medinat Al-Zahraa iyo masaajidka weyn.

image 43

Safarkii Qurduba ilaa Granada

Shirkadii buseska ee Alsa Ayaan mar kale ka soo raacay Qurduba ilaa Granada. Labadaa magaalo waxa busku u kala socday 2 saacadood iyo 45 daqiiqo. Waa dhul buuralay ah oo hadana wada beeran. Waa dad ka faa`iiideystay dhulkooda dabiicad kasta ooo uu yahay. Istaankii buseska ee Granada Ayaan kaga dagay buskii. Ka bacdina Taxi Ayaan u qaatay hoteelkii aan dagayey oo ku dhawaa qasriga caanka ah ee loo dalxiis tago ee ALHAMBRA.

Magaalada Granada

Granada waa magaalo dalxiis. Waa caasimadii muslimiinta Andalusia. Granada waxa ay ku jirtay gacanta muslimiinta 700 sanadood. Wakhtiyadaa waxa ay ka mid ahayd magaalooyinka ugu camiran Yurub. Waa magaaladii ugu danbaysay ee laga qabsaday muslimiinta sanadkii 1492kii.

Maanta magaaladan waxa ku nool dad lagu qiyaasay rubuc malyuun qof. Magaaladu waxa ay nasasho gashaa saacadaha u dhaxeeya 13:30 – 16:00, sida muuqata waa dhaqan ay Muslimiintu kaga tageen. Magaaladu waxa ay can ku tahay muusiga iyo jaaska loo yaqaano Flamenco. Waxa ku taala mid ka mid ah jaamacadaha ugu qadiimisan Spain oo la yidhaahdo University of Granada oo la dhisay 1531kii. Tareenkaa yar ee hoos ka muuqda ee aad buska moodo ayaan magaalada ku soo dalxiisay dhawrkii maalmood ee aan joogay

https://www.spain.info/en/destination/granada

image 44

Qasriga taariikhiga ah ee caanka ah ee Alhambra

Qasrigan loo yaqaaano Alhambra waxa la dhisay mudadii u dhaxaysay 1238kii ilaa 1358kii. Waxa dhisay Amiirkii muslimiinta ee la odhan jirey Ibn Al Ahmar. Waa goob wakhtigaa ahayd jannadii ifka. Waa goob aad loo qurxiyey oo ku taala buur dusheed ku soo foorarta magaalada Granada.

image 46

Gidaarada waxa lagu naqshadeeyey aayado quraan ah oo ilaa maanta ku yaala. Beero iyo biyo wareegaya oo si farshaxanimo ah loo sameeyey ayaad ku arkaysaa. Maanta waa mid ka mid ah goobaha loogu booqashada badan yahay Yurub. Sannad kasta waxa booqda oo u dalxiis taga dad ka badan 3 million qof. Qasrigani waxa uu ku jiraa liiska goobaha taariikhiga ah ee Spain ee u diiwaan gashan UNESCO.

image 45

Marka aad tagayso Qasrigan, magaalada waxa aad ka raacaysaa bus ku gaynaya Qasriga. Haddii aad xoog tahay oo aad buurta fuuli karaysona lug ayaad ku tagi kartaa. Qasrigan lacag ayaa lagu galaa, wakhti go`an ayaad qabsanaysaa oo aaad ku galayso isla markaana kaga soo baxayso si loo yareeyo cidhiidhiga. Anigu 2 maalmood oo kala duwan ayaan tagay. Maalin buska ayaan raacay.

Malintii 2aad waan lugeeyey bal si aan magaalada ku xeeran Qasriga wax uga soo arko. Waa aayad ilaahay. Waa taariikh aaanad ka xiiso goynayahn. Waa dhaxal taariikheed oo ay muslimiintu ka tageen. Waa goob, xadaarad iyo taariikh aad faani karto. Aniga oo aqoon badan ka soo guntaday Qasrigan iyo guud ahaanba taariikhdii muslimiinta ee Andalusia, ayaan ku laabtay Hoteelkaygii, subaxdiii xigtayna waxa aan u baxay Malaga oo aan maalmo yar ka dib uga sii gudbay Bristol iyo gurigaygii.

https://www.spain.info/en/places-of-interest/alhambra

image 47

Ku noqoshadii Bristol

Hore ayaa loo yidhi sheeko iyo shaahid isku mid maaha (wax aad indhahaaga ku aragtay wuu kaaga duwan yahay waxa lagaaga sheekeeyo), wax badan oo aan sheeko ahaan ku maqlay amaba ka akhristay buugaagta taariikhda ayaan soo taabtay!

Waxa aan aaminsanahay taariikhdayda (Islaamka/Muslimka) oo aan bartaa inay ka muhiimsan tahay barashada taariikhda kacaankii faransiiska (The French Revolution), kacaankii Ruuska (the Bolshevik revolution), socodkii dheeraa ee Mao (the long march of Mao Zedong) iyo kuwa la midka ah ee iskuulada la inoogu dhigi jirey. Aniga oo daaltirtay, nastay, taariikh muhiim ah oo islaamku lahaa soo bartay/arkay, wacyigaygu kobcay, dal iyo dad cusuba soo arkay ayaan ku noqday Bristol iyo reerkaygii. Alhamdullilaah.