Sanadku waa horaantii 1999kii, goobtuna waa Dubai caasimad ganacsiyeedka dalka Midowga Imaaraatka carabta. waxa aan markaas uun shaqo ka helay shirkadii diyaaradaha ee Damal Airlines ee xarunteeda guud ahayd magaalada Dubai..
Table of Contents
Taariikh kooban oo ku saabsan shirkadii diyaaradaha ee Damal Airlines
Damal Airlines waxa la asaasay sanadkii 1993kii. Waxa mulkiyadeeda wada lahaa Cabdi Nuur Aadan (Nuur yare} iyo Khaliif Ciise Mudan (AHN). Shaqadan la I qoray waa raacida diyaarad xamuul (Cargo), aniga oo masuul ka noqon doona alaabta hadba diyaarada la saaro, isla markaana hubin doona in la gaadhsiiyey halkii loogu talogalay (load Master).
Waxa aan raaci jirey diyaarad xamuul oo alaabta ka qaadi jirtey garoonka diyaaradaha ee Sharjah Airport isla markaana gayn jirtey Garoomada Kalabaydh oo ku yaala degmada Gabiley, Gobolka Maroodijeex, Somaliland iyo garoonka Boosaaso oo ku yaala Puntland, Soomaaliya.
Shaqadaydii raacida Diyaarada xamuulka (Load Master)
Anigu alaabta diyaaradu sido ee laga soo raray Shaariqa ayaan Masuul ka ahaa oo aan ku salimi jirey wakiilkii diyaarada aan u shaqaynayey ee Damal Airlines ee Kalabaydh. Ka bacdina, soo noqodka waxa aan halkaa ka soo qaadi jirey lacagtii ganacsatada diyaarada ku xidhan ee alaabtooda saaraa diyaaradu ay alaabta Dubai kaga soo iibsan lahaayeen. Lacagtaasi waa lacagtii safarka danbe alaabta ay diyaaradu soo qaadayso lagu soo iiibinayey.
Lacago badan ayaan qaadi jirey oo sida caadiga ah u dhaxayn jirey $100,000 ilaa $300,000. Lacagtaasi wakhtigaa lacag aad u badan ayey ahayd. Sababta aan anigu lacagahaa u qaadi jireyna waxa ay ahayd nidaamka xawilaada lacagaha ayaan si fiican uga hirgalin dalka.
Sidoo kale, ganacsatadu may jeclayn in ay lacagtoodaa badan xawaalada dhigaan si loogu diro Dubai, waaayo lacag badan oo khidmad ah ayaa ka gao`aysay. Wax kale kuma garatide Aniga ayaa xawaalad ahaa. Ma jirin lacag gooni ah oo aan ku qaadan jirey qaadista lacagtaa ee waxa ay ahayd uun qayb shaqadayda ka mid ah.

Garoonka Diyaaradaha ee Kalabaydh
Garoonka Kalabaydh (oo ah garoon macmal ah oo si degdeg ah loo sameeyey), waxa la bilaabay in la isticmaalo oo diyaaraduhu ka dagaan, wixii ka dambeeyey markii ay dagaalada sokeeye ka qarxeen Hargeisa 15 November 1994kii. Waxa uu ahaa halka ay ka dhooofaan masuuliyiinta dawlada ee dibeda u baxayey. Waxa uu ahaa halka ay ka soo degaan dadka u dhashay Somaliland ee ku abtirsada xulafadii dawlada maamulaysay ama “Maryo aloolkii”.
Dhinaca kale, dadka ku abtirsada mucaaridkii dawlada ama “Maleeeshiyadu” waxa ay isticmaali jireeen 2 garoon oo kala ahaa Kabadheere oo ku yaalay duleedka Oodweyne, Burco, Gobolka Togdheer iyo Sallaxley oo ka tirsanayd Gobolka Maroodijeex.
Hadaba, markii colaadii u dhaxaysay reer Somaliland muddo 2 sannadood ah, heshiis lagu soo afjaray ee ay dhamaatay, kuna soo khatimantay weedhii caanka noqotay ee uu yidhi Madaxweynihii Somaliland ee wakhtigaa Maxamed X. Ibraahin Cigaal (AHN) ee ahayd (Dagaalku waa Mashruuc), diyaaradihii rakaabku waxa ay dib ugu noqdeen oo u wareegeen madaarka Hargeisa oo dib loo furay.
Hase yeeshee, diyaaradihii alaabta xamuulka ah ka soo qaadi jirey Imaaraatka Carabta ee dalka keeni jirey, waxa ay muddo sii isticmaalayeen garoonkaa Kalabaydh, maadaama uu ku dhaw yahay xadka Ethiopia oo alaabtu ay si dhakhso ah ku gaadhayso Harta Sheekh oo ahayd suuqa ganacsi ee ugu wayn Ethiopia wakhtigaa (Wajaale waa shalay).
Sida caadiga ah, Diyaaradu marka ay ka duusho Kalabaydh, waxa ay ka dagi jirtey Boosaaso, halkaa oo aanu ku dajin jirnay waxoogaa aan badnayn oo xamuul ah oo laga soo qaaday Sharjah. Sideedaba, alaabta xamuulka ah ee u socota Boosaaso ee ka imanaysa Dubai, waxa inta badan la saari jirey doonyaha oo wakhti yar ku gaadhi jirey Boosaaso. Sidaa daraadeed, xamuulka diyaaradu qaadayso ee tagaya Boosaaso kana iman jirey Dubai muu badnaan jirin. Magaalada Boosaaso waxa aanu ka sii qaadi jirnay rar ka kooban Lobster (Caar goosato), Kalluun iyo Foox ama Maydi.
Safarkaygii Kalabaydh iyo Diyaaradii Antonov 8
Habeen Jimce soo galayo ayaan iska xaadiriyey Airportkii Shaariqa. Waxa aan raacayaa diyaaradaydii alaabta Xamuulka ah u qaadaysey Kalabaydh iyo Boosaaso. Diyaaradan aan raacayaa waa Antonov 8. Waa diyaarad Soviet Union kii sameeyey 1957kii oo gabowday, gabowday, gabowday!
Gudaha diyaarada marka aad soo gasho waxa aad markiiba urinaysaa biro duug ah, saliid, shidaal iwm. Waa sidii qof soo galay geerash oo kale. Muuqaal ahaan waa diyaarad foolxun. Qaar ka mid ah fiiilooyinka ama waayirada dabka ee diyaarada ayaa kuu muuqanaya iyaga oo aan qarsoonayn. Gudaha diyaaradu waa cidhiidhi oo meel yar oo ka danbaysa cockpitka diyaarada laga wado ama shidhka ayaan fadhiistaa, mar marna seexdaa.
Diyaarada inta kale bundado xamuul ah ayaa ka buuxa ilaa siliiga oo way jamiran tahay. Diyaaradu suuli ma laha. Ka hor duulimaadka waa in aad soo dhamaysataa musqushaada. Inta duulimaadka lagu jiro haddii ay kaadi ku qabato caagad ayaad isticmaalaysaa, laakiin waa kaadi uun, wax kale lama ogola (waad I fahamtay).
Anigu diyaaradan duuga ah dan iyo muraad toona kama lihi oo waan naxdin dhamaystay, oohin dhamaystay, mana jixin jixayo. Muddo ayaan diyaaradaa aad qabriga moodo raacayey. Naftadayda ayaan la shawray oo aan ku idhi haddii aad shaqo doonaysona numberkaaga xejiso oo diyaaradan iyo tii kasta ee lagu saaraba raac, haddii aad shaxaad iyo baryo Bini`aadam doonaysona dhulka u dag oo meelahaa ka sheekee. Nafta heshiis baanu kala saxeexanay. Mintid ayaan ahay oo iigama danbayso.
Alras, Deira, Dubai
Xaafada aan ka deganahay magaalada Dubai waa Alras, Deira. Garoonka ay diyaaradu ka duulaysaana waa Sharjah. Sidaa daraadeed, labadaa magaalo ayaan u kala safraa mar kasta oo aaan dhoofayo ama soo dagayo.
https://www.tripadvisor.com/Attractions-g295424-Activities-zfn15620593-Dubai_Emirate_of_Dubai.html
Garoonka Sharjah marka aan galo, waxa aan sii maraa Immigartionka. Passportkayga ma isticmaalo ee waxa aan immigrationka ku dhaafaa isla markaana dalka ku soo galaa warqad la siiyo crewga diyaaradaha oo loo soo gaabiyo GD, warqadaa oo magacaygu ku qoran yahay ayaa la ii shaanbadeeyaa oo aan dalka ku joogi karaa muddo 7aad ah.
Immigrationka marka aan dhaafo, Bus ayaan ka raacaa Terminalka oo I geeya hadba halka ay diyaardu taalo. Sida caadiga ahna halka ugu dambaysa madaarka oo lagu naanaysi jirey Militariga ayaa laga rari jirey diyaaradaha xamuulka ee Soomaalida. Sababta garan maayo.
Oohintii Ganacsadaha iyo arxandaradii Duuliyaha!
Habeenkaa waxa diyaarada ila raacaya Nin ganacsade ah oo Reer Boosaaso ah. Waa Qurbejoog. Waa mustacajil. In uu Berri Boosaaso gaadho ayuu doonayaa. Balse, Diyaarad rakaab waxa ugu soo horaysa isniinta. Sidaa daraadeed, waxa uu ku khasbanaaday in uu qalfoofkii aan raaci jiray ila raaco. Isagu war kama hayo nooca diyaaradan la raacayo. Waxa uu qurbihii ka soo raacay diyaarad qurux badan oo hablo cad cadi fadhiga ugu shaqaynayaan. Laakiin, tani way ka duwan tahay .
Ninkii waxa aanu isugu nimid airportka shaaariqa. Bus ayaanu ka raacnay terminal kii, waxa uu na hor istaajiyey diyaaradii oo rarkii lagu dhameeyey, crewgii saaran yahay oo Aniga iyo ninkaa uun la sugayo. Ninkii mar alla markii uu arkay diyaaradan la raacayo ayuu baqday oo gariiray. Buskii wuu ka soo degi waayey. Hoosta ayaan ka yara khaawisayaa ninkan wayn ee wax ka yara khaldan yihiin. Darawalkii ayaa nagu yidhi dega waa tan diyaaradiiniiye. Waan ka dagay isaguna wuu I soo daba luuday.
Diyaaradii ayaan ku booday oo shandadaydii saartay. Halkii aan fadhiisan lahaa hadhowna seexan lahaa ayaan hagaajistay. Ninkii wali dibeda ayuu tagaan yahay. Masuulkii diyaarada habeenkaa shaqada lahaa oo na la socday ayaa yidhi fuul diyaarada. Diyaaradii wuu fuulay. Laakiin, mar alla markii uu soo galay gudaha diyaarada ee uu arkay madowga, foolxumada, cidhiidhiga iyo waxa ka soo uraya ayuu ninkii oohin bilaabay. Hadda waa oohintii waaweyneyd.
Werwerkii Ganacsadaha iyo ka walaacidii raacida Diyaarada
Salaankii yaraa ee birta ahaa ee aanu diyaarada ku kornay waa laga hoos saaray oo shaqaalihii madaarka ayaa qaaday. Ninkii Qurbejooga ahaa oo naxdin, werwer, ciil iyo cadho wixii dunida yaalay wajigiisa ka muuqato ayaa halkan taagan. Albaabkii diyaarada ee aanu ka soo galay ayuu taagan yahay, isaga oo madaxa kala baxay diyaaradii. Waxa uu hadalo ku tuurtuurayaa oo la tiigsanayaa masuulkii diyaarada oo buskii aanu ka soo raacnay terminalka dib u sii raacaya. Masuulkii macasalaama ayuu ku sii leeyahay Ganacsadaha.
Qiyaastii Ganacsadahana kalmadaasi waxa ay uga dhigan tahay waad dhimanaysaa ee macasalaama 😀. Qurbejoogii ku lahaa “Bullshit, waar hebelow waxakan Anigu raaci maahayo, Disg***ing, even Animalka in lagu qaado safe uma aha” cididse hadalka kama gurine masuulkii wuu iska tagay.
Dagaalidii Qurbejooga iyo amakaagaygii
Qurbejoogii oo wali halkii taagan ayuu Flight Engineer kii diyaaradu ka soo baxay shidhkii diyaarada isaga oo cadhaysan, ka bacdina waxa uu dagaalay Qurbejoogii oo uu dhinacan diyaarada u soo riixay isaga oo hadalo kulkulul oo cay ka mid tahay ku yidhi. Flight engineer kii albaabkii ayuu si xoog ah oo bilaa naxariis ah u xidhay, ka bacdina waxa uu u sii gudbay xagaa iyo shidhkii diyaarada laga waday. Waan ka argagaxay naxariis darrada Engineerka iyo sida uu ula dhaqmay Qurbejoogaa rakaabka ah.
Flight Engineerku waxa uu ka xanaaqsan yahay ninkan diyaarada habsaaminaya sabab la’aan ee sii duryamaya wakhtigii albaabka la xidhi lahaa ee ay diyaaradu kici lahayd. Qurbejooguna intaa yare ee uu ifka sii joogayo ayuu nafis ka dhiganayey ilayn waxa uu raacayaa wax wadkii oo kale ah weeyee!. Waaba kala maan.
Qurbejoogii agtayda ayuu soo fadhiistay. Hadal kuma jiro. Wuu fikirayaa. Wuu baxsan yahay. Qiyaastii wuxuu is leeyahay kan yar ayaa caawa kula dhimanaya oo wehel aakhiro ayaadba haysataa.
Kicitaankii Diyaarada Shaariqa ilaa Kalabaydh
Mishiinadii diyaarada ayaa la istaadhay. Olol ama holac 🔥ayaa judhiiba ka booday mishiinadii. Waa wax caadi ah. Maalintii si fiican looma arko, laakiin habeenkii si wayn ayuu u muuqanayaa ololku. Qurfqurum qadhqadh viim codad kala duwan ayaad maqlaysaa oo mishiinka ah. Markiiba gaastii (Jet A1) diyaarada oo qadhmuun ayaa noo soo urtay. Qurbejoogii oo dhagaha iyo indhuhuba taagan yihiin oo muraayada yar ee daaqada wax ka eegayey ayaa arkay ololkii mishiinka ka booday.
Qurbejoogii: Boowe, boowe day day waa gubanaysaa, ayuu si naxdin leh iyo cod isdhiibay ku yidhi.
Aniga: Ma gubanayso ee waa istaadhkii oo waa caadi. ayaan ku idhi aniga oo is leh ninka cabsida ka bii.
Qurbejoogii: You’re kidding me. ayuu yidhi.
Aniga: Maxaad tidhi? ayaan ku celiyey.
Qurbejoogii: “Caruur ma ahi waa u jeedaa dabka” ayuu igu soo tuuray. Waan iska aamusay.
Almuhiim ninkii oo miyir beel ku dhaw ayey diyaaradii orodkii duulitaanka bilowday. Dhabaha halkii ugu dambaysay ayey ka duushay ilayn way culus tahaye. Si tartiib tartiib ah ayey kor ugu kacaysay (low climb rate). Diyaaradii hawadii ayey si fiican u gashay. Alxamdullilaah.
Ninkii dhagaha wax buu gashaday oo wax buu dhagaysanayaa. Indhahana maro yar ayuu iska saaray. Aniga ila hadli maayo oo “cadawgii gudaha” ee diyaaradan xun soo saaray ee jabiyey ayuu igu tirinayaa 😀. Aniguna hadalba uma jeedo oo ninkan nafta Abu beedka ah ee Qurbejooga ahi ku jirto ayaan la yaabanahay. Dhinaca kale, ninkani waa passenger oo Aniga ayaa ka masuul ah, maadaama aan ka tirsanahay shirkada.
Wakhti badan markii aanu soconay ee uu waagii si fiican dilaacay ayaan salaadii subax fadhiga ku tukaday. In uu isagu tukaday iyo in kale ma hubo. Markii waagu si fiican u baryey ayuu hadal bilaabay oo dhawr suaalood I weydiiyey.
Qurbejoogii: Meeqa saac ayaa inooga haray flight ka?
Aniga: Ma badna
Qurbejoogii: Maxaad shaqo kale oo safe ah u raadsan wayday tani waa disaster?
Aniga: Tan ayaabaan dirqi iyo wasto ku helay 😀.
Qurbejoogii: Ma la soo laabanaysaa diyaarada?
Aniga: Haahey. Wuu aamusay. Dhagihiisii ayuu iska dabooshay.
Markii aanu Badda cas ka talawnay ee aanu berrigii Somaliland dul marayno, ayaan Qurbejoogii u sheegay in Airport kii Kalabaydh uu dhaw yahay oo wax yar ka bacdi aanu ka degi doono. Insha Allah. Insha Allah. Insha Allah.ayuu ku celceliyey isaga oo aad moodo in culays wayni ka dagay!
Degitaankii Diyaarada ee Kalabaydh
Wakhtigu waa subax hore. Kalabaydh ayey diyaaradii ka degtay. Dig dig gig gig hirririg iyo bood bood ayaanu dareenay. Siigo ayaa is xidhay. Airport ku waa meel yar oo la xaadh-xaadhay, diyaaraduna aad ayey u culus tahay. Dhulka way jeexaysaa oo taayirada ayaa raad wayn kaga tagaya. Yeelkadeede, waanu nabad qab dagnay. Alxamdullilaah.
Flight engineer kii ayaa furay albaabkii diyaarada, wuu ka dagay, Aniguna waan ku xigay oo Warqadihii alaabta xamuulka (cargo manifest) ayaan ku wareejinayey wakiilkii diyaarada. Qurbejoogii oo aad moodo in jeel laga soo daayey ayaa isaguna ka soo booday diyaaradii. Markiiba wakiilkii diyaarada ayuu canaan iyo cabasho ku bilaabay. Iyaguna kamay gurin oo sida lagu helo diyaarad alaab kuu keenta Kalabaydh ayaaba adkayde, shaah, quraac iyo biyo ayey ku qaboojiyeen.
Rarkii waa laga dajiyey diyaaradii. Safarkii ilaa Boosaaso ayey diyaar u tahay. Ninkii Qurbejoogii ayaan ku idhi “ina keen, soo fuul diyaarada”.
Qurbejoogii: “Boowe nabadeey” ayuu iigu jawaabay!
Aniga: “Maxaa dhacay?
Qurbejoogii: “Kuma raacayo, Hargeisa ayaan aadayaa”
Aniga: Miyaanad Boosaaso u socon?
Qurbejoogii: Hadeer Maya. I changed my mind” 😮. Waan fahmay in uu baqay.
Walee dhulow kaama kaco ayuu taagan yahay. Ninkii u socday Boosaaso waxa uu go’aansaday in uu diyaaradii kaga hadho Kalabaydh. Shaqaalihii shirkada ayuu u sii raacay Hargeisa. Ilaa isniinta Hargeisa ayuu joogayaa, ka bacdina diyaarada isniinta ka imanaysa Dubai ilaa Hargeisa ilaa Boosaaso ayuu raacayaa.
Duulitaankii Diyaarada Kalabaydh ilaa Boosaaso
Anigu diyaaradii ayaan raacay. Boosaaso ayaanu ka dagnay. Rarkii yaraa ee ay sidayna ku dajinay. Ninkii la I weydii. Diyaarada ayaa kaga soo kacday Kalabaydh oo wuu habsaamay ayaan ku idhi. In uu fiishtaamay ama diyaarada ka baqday uma aan sheegin ilayn raga sumcada lagama dilee. Caar goosato (Lobster) ayaanu ka qaadnay Boosaaso, waanu ka duulnay oo waxa aanu Shidaal ka sii qaadanay Ryan Airport, Mukalla, Yemen, ka bacdina waxa aanu u duulay oo ka dagnay Sharjah iyo halkii aanu xalay ka soo duulay.
Crewga Ruushka ah ee diyaarada wada xidhiidh fiican ma lihin. Waa askar aan social ahayn. Markaa diyaarada ayuun baa na kulmisa ee marka laga dago taxi ayaan ka raaca Sharjah ilaa Dubai oo isma naqaano.
Safarkaygii Dubai – Hargeisa – Boosaaso iyo Diyaaradii Ilyushin-18
Duulimaadkii isniinta ee shirkadii aan u shaqaynayey ee Damal Airlines ayaa la igu qoray. Waa Aniga iyo Saaxiib aanu wada shaqayno. Waxa aanu diyaarada ka soo raacnay Sharjah maadaama aanu crew nahay. Dadkana waxa laga qaadayey oo ay diyaaradu ka soo dagaysay Dubai Airport Terminal 2. Dadkii soo fuule diyaarada. Tiradii iyo documentskii la hubi. Albaabkii la xidh. Mikirifoonkii ayaan rakaaabkii kala hadlay. Soo dhaweeyey. U sheegay in suumanka la xidho. Suumankii la xidhay. Diyaaradii duushay. Cuntadii siinay. Dadka badankiisa way seexdeen.
Waa safar 5 saacadood ah ilaa Hargeisa. Markii Hargeisa lagu dhawaa ayaan mikirifoonka dadka uga sheegay in la dagayo dhawaan. Suumankii la xidhay. Diyaaradii ayaa Hargeisa ka dagtay Alxamdullilaah.
Alaabtii iyo Dadkii Hargeisa u socday laga deji, Dadkii u socday Dubai ayaa soo fuulay oo ay diyaaradu la sii marayso Boosaaso. Mise dadkan soo fuulay waxa ku jira qurbejoogii “mawd ka carar”. Waanu isa salaanay. Isku qosolay. Wali waan noolahay ayaan kula kaftamay 😀. Diyaaradii kacday. Cabaar ayaanu ninkii sheekeysanay. Markii danbe waxa aan ogaaday in uu ahaa ganacsade share wayn ku lahaa shirkadii Barakaat oo meel laga dhinto aan joogin.
https://cirmaax.com/cabsidii-diyaarada-iyo-wadne-xanuunkii-qurbejooga