Waxbarashadii Kuliyada City of Bristol College
Sanadkii 2009kii waxa aan waxbarasho ka bilaabay kulliyada city of Bristol College oo ku taala magaaladii aan degenaa ee Bristol. Waxa aan baran jirey Aviationka. Sidoo kale, waxa aan baran jirey luqada ingiriisida oo ah luqada rasmiga ah ee aviationka. Waxa aanu isku fasal noqonay arday yaryar oo cadaan u badan, kuwaas oo hadda uun soo dhameeyey waxbarasahadii dugsiga sare.
Table of Contents
Hakadkii ku yimid waxbarshadaydii asaasiga ahayd
Anigu waxbarasho rasmi ah oo aan fasal u fadhiisto waxa iigu danbaysay 20 sanno! Waan ilaawayba ardaynimadii iyo habkii waxbarasahada. Laakiin, waxa aan leeyahay khibrad shaqo oo aviationka ah taas oo aanay lahayn dhalinyaradan yaryar ee aan wali aviationka ka soo shaqaynin. Waa halka aan kaga horeeyey yaryarkan aanu isku fasalaka noqonay. Khibradu waa muhiim!
Muddo sannad ku dhaw, ayaan waday waxbarasahadaa kulliyada, aakhirkiina waxa aan ka qaatay shahaado diploma ah, Aniga oo ku baasay distinction (first class). Alxamdullilaah
Magaalada Bristol
Bristol waa magaalo madaxda gobolka Koonfur Galbeed ee dalka UK. Waa magaalo qadiim ah oo la dhisay sanadkii 1051kii. Waa magaalo can ku ahayd ganacsiga alaabta iyo dadka (Slavery). Manta waa magaalada 10naad ee ugu wayn dalka UK, waxaana ku nool dad lagu qiyaasay 500,000 qof. Goobaha caanka ah ee ku yaala wax aka mid ah biriishka laalaada ee uu dhisay engineerkii la odhan jirey Brunel.
Shaqadii Bristol Airport
Sanadkii 2010kii waxa aan ka shaqogalay madaarka magaalada Bristol. Waxa aan ahaa Qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah ee shaqadan oo kale qabta. Waxa aan ahaa u adeege rakaab ama check-in staff. Dadka ayaan diyaarada ay raacayaan ku check garayn jirey aniga oo hubin jirey tigidhada, passporada iyo dhamaan documentska kale oo daruuriga ahba. Ka bacdina, waxa aan siin jirey warqada diyaarada lagu raaco ee loo yaqaano boarding pass ilaa aan diyaarada ku hubsado.
Helitaanka shaqadan waxa ii fududeeyey khibradii shaqo ee aan hore ugu lahaa shaqadan oo kale iyo waxbarashadaa kulliyada oo noqotay shahaado muhiim ah (qualification). Diyaarado badan ayaa ka duula garoonka diyaaradaha ee Bristol oo aan u adeegi jiray. Waxa ka mid ah diyaarada caanka ah ee Ryan air.
Muddo kooban markii aan ka shaqaynayey Bristol airport, waxa aan goaansaday in aan waxbarasho jaamaceed bilaabo, aniga oo doonayey in aan sii kordhisto aqoonta aviationka. Laakiin, nasiib darro magaalada aan deganahay ee Bristol Jaamacadaha ku yaala laguma dhigo aqoonta aviationka ee aan doonayey.
Dantu waxa ay igu khasabtay in aan Jaamacad London ku taala iska diiwaangaliyo, si aan uga mid noqodo ardayda sanadkaa waxbarasahada bilaabaya. Nasiib wanaag, Jaamacadii way I aqbashay oo ogolaansho Ayaan ka helay.
Hadaba, waxa ii soo baxday in shaqadii iyo waxbarasahadii oo laba magaalo kala ahi in aanay isku socon karin. Sidaa daraadeed, waxa aan iska casilay shaqadaydii airportka aniga oo u go`ay waxbarashadii jaamacada London.
Waxbarasahadii sare iyo jaamacada University of West London
Waxa aan waxbarashadii Jaamacadeed ee ugu horaysay ka bilaabay Jaamacada University of West London oo markaaa aan is qoray la odhan jirey Thames Valley University. Waa jaamacad wayn oo qadiimi ah oo ku fiican maadada aviationka. Waxa ka baxay masuuliyiin badan oo ku jira aviationka, sidaa daraadeed, xidhiidh wanaagsan ayey la lahayd bahda aviationka.
Waxa si joogto ah noogu iman jirey masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday shirkadaha diyaaradaha iyo garoonka wayn ee diyaaradaha ee Heathrow oo casharo na siin jirey. Annaga laftigayagu waxa aanu booqasho ku tagi jirnay airportyada iyo goobo badan oo aviationka ah.
Waxbarashadaasi waxa ay ahayd 3 sannadood. Waxa ku dhexjiray sannad ardaydu ay khibrad shaqo raaadsnayeen inta ay waxbarashada sii xidhaan. Anigu sanadkaa waan ka booday maadaama aan khibrad shaqo lahaa. Waxa aan sannadkii ugu danbeeyey la bilaabay ardaydii 1ka sanno iga sii horaysay.
Duruufo badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin ayaa iga soo maray waayahaa ardaynimo. Aakhirkiina darajo fiican ayaan kaga baxay jaamacadaa 2013kii.
Safaradaydii joogtada ahaa ee Bristol ilaa London
Aan ku noqdee, Magaalada aan jaamacada ka dhiganayey waxa ay ahayd London, magaalada uu reerkaygu deganaana waxa ay ahayd Bristol, waxa ay isu jiraan masaafo dhan 120mile ama 193km. Masaafada intaa leeg ayaan todobaad kasta 3 maalmood u kala socon jirey 2daa magaalo si aan u xaadiro fasaladii jaamacada.
Gaadhi yar waan lahaa oo aan kaxaysan karayey, laakiin maan ku safri jirin. Waa midda koowaade shidaalkiisu qaalli ayuu igu ahaa arday ahaan. Waa midda 2aade parking iyo meel la dhigo oo ku dhow Jaamacada oo bilaash ahi ma jirto, haddiiba parking laga helona waa lacag qaalli ah waayo waa badhtamihii London.
https://www.nationalexpress.com/en
Sidaa daraadeed, waxa aan inta badan raaci jirey busaska waaweyn ee u kala baxa magaalooyinka ee National Express. Maadaama aan muddo dheer raacayey buseskaa, Darawalada wada basaska u kala baxa London iyo Bristol badankooda waanu is baranaay, mararka qaarkoodna saacadii baskayga oo aanay gaadhin ayaa baska hore in aan raaco la ii ogolaan jirey. Marmar aan badnayn waxa aan raaci jirey shirkada basaska loo yaqaano MEGABUS.
Maalin kasta oo aan jaamacada tagayo, dariiqa waxa aan ku qaadan jirey ugu yaraan 6 saacadood (3 saacadood sii socod iyo 3 saacadood soo socod). Halka dadka aanu isku fasalka nahay badankoodu ay ka soo toosayeen meel dhawr talaabo u jirta jaamacada, iyaga oo aan safar soo galina ay fasalka si xarrago leh u iman jireen. Anigu wakhti badan Ayaan ku qaadan jirey safarka, laakiin ardayda degan London wakhtigooda way ka faa`iidaysan jireen (akhris, Qoraal iwm).
Iyada oo sidaa xaalku yahay hadana, Buska ayaan wax ku dhex akhrisan jirey oo buugaagtayda waan sitaa. Cid lama sheekaysan jirey oo dadkuba ma jecla in busaska lagu dhex hadlo, aniguna mashquul ayaan iska ahaa maskaxiyan, jidh ahaana waan daalanaa oo hadalba maan xiisayn jirin.
Waxbarasahadii heerka 2aad iyo Jaamacada South Wales University
Waxa aan u malaynayaa Jin waxbarshada jecel ayaa igu jiree, isla markii aan dhameeyey Jaamacdii London iyo degreegii koowaad, waxa aan waxbarashada heerka labaad ee Master ka bilaabay Jaamacad ku taalla meel u dhaw Cardiff. Magaca Jaamacadu waxa uu ahaa University of South Wales, horena waxa loo odhan jirey University of Glamorgan.
Magaalada ay Jaamacadani ku taalo waxa la yidhaahdaa Treforest. Waa magaalo u jirta halka iyo magaalada aan degenahay ee Bristol 50 miles. Waxa aan raaci jiray tareenka Bristol ilaa Cardiff, ka bacdina tareen kale ayaan u raaci jirey ilaa Treforest, pontyprid. 1 sanno Ayaan dariiqaa marayey oo aan waday waxbarashadaa Masterka ah, natiijo fiicana waan kaga baxay jaamacadaa.
Waxbarasahadii kale ee heerka 2aad iyo Jaamacada University of Westminster
Mar kale, sanadkii 2017, waxa aan ahaa “Arday Nin weyn”. Waxa aan Jaamacada University of Westminister ka dhigan jirey magaalada London. Waxbarashadaa aan waday waxa ay ahayd heerka labaad ama Master. Mawduuca aan baranayeyna waxa uu ahaa Aviationka oo aan in badan ku soo dhex jiray. Waxa uu ahaa Executive course ay dhigtaan Maamulayaasha iyo Masuuliyiinta aviationka oo ka kala socday aduunka oo dhan. Waxa aan gali jirey safar dheer oo aan kaga iman jirey Bristol ilaa London. Wax kale kuma garatide, mintid ayaan ahaa dhadhan ku haya waxbarashada oo ugu tagaya waxbarashada meel kasta oo ay ila gashoba!
Tartankii aan la shaacin ee Waxbarasahada
Jaamacada waxa aan la dhiganayey oo aanu isku fasal ahayn, dadkii afkan wax lagu baranayo ee ingiriisida ah iska lahaa, isla markaana ka shaqeeya goobo muhiim ah oo aviationka ah. Waa dad waxbarasho xidhiidh ah soo waday ilaa fasalkii 1aad. Anigu waxa aan ahaa qaxooti dhawr goor qaxay, oo bayhoof ku galay dalka UK, ka dibna dhalashada la siiyey oo dalkaa soo galeeti ku ah. Luqada ingiriisida wallow aan bartay hadana uguma hadli karo, umana qori karo si la mid ah sida qofka u dhashay (Native). Sidaa daraadeed, mar kasta waxa kaa horaynaya xaga fahamka, qorida iyo soo gudbintaba qofka afka u dhashay!
Midda labaad, goobta aan deganaa way ka fogayd LONDON oo safar dheer oo 6 saacadoood ah (sii socod iyo soo socod) ayaan soo gali jirey. Halka dadka aanu isku fasalka nahay badankoodu ay ka soo toosayeen meel dhawr talaabo u jirta jaamacada, iyaga oo aan safar soo galina ay fasalka si xarrago leh u iman jireen. Aniga wakhti badan ayaa igaga lumi jirey safarka, laakiin ardayda degan London wakhtigooda way ka faa`iidaysan jireen (akhris, Qoraal iwm).
Si walba marka loo eego nin ardaydaa la meeqaam noqon kara xaga waxbarasahada ama derejooyinka ay keeni karaan kuwo la mid ah keeni kara la iima arkaynin bilowgii hore. Hase yeeshee, ilaahay ayaan kaalmo weydiistay, talo saartay, waanan dedaalay ilaa aan aakhirkii ku guulaystay in aan First Class (distinction) kaga baxay Jaamacadii (faan ha moodina).
University of Westminster
Jaamacadan oo ah mid qadiim ah waxa la asaasay 1838kii iyada oo markaa ahayd machad lagu barto farsamada gacanta. Waxa ay noqotay Jaamacad sanadkii 1992kii. Jaamacadan waxa dhigta sanadkiiba 22,000 arday oo ka kala yimid dacalada dunida. Ku dhawaad kala badh ama 48% ardayda dhigataa waa arday aan u dhalan dalka UK. Waxa lagu dhigaa maadooyin fara badan, waxa ka mid ah Aviationka oo aan baranayey.
London caasimada ceeryaanta badan
London waa caasimada dalka ingiriiska. Waa magaalo qadiimi ah oo jirtay ilaa wakhtigii Roomanka. Maanta magaaladan waxa degan ama ku nool dad lagu qiyaasay 8 million. Dadkaasi waxa ay ka soo kala jeedaan dhamaan qowmiyadaha ku nool aduunka oo dhan. Waa magaalo dalxiis oo ay sanadkii walba soo booqdaan dad ka badan 15 million. Waa xarunta looga taliyo UK ee uu ku yaalo Parliamantku. Waa xarunta ganacsiga iyo maaliyada ee Yurub. Waxa ku taala saylada way nee lagu kala iibsado lacagaha qalaad iyo saamiyada ee loo yaqaano FTSE.
Shaqadii Waashmaanka ahayd ee aan doortay!
Culayska waayahaa ardaynimo ay leedahay oo cidii soo martayba ay garan karto, Aniga waxa ii raacayey waxa aan ahaa Aabe masuuliyad qoys saran tahay. Sidaa daraadeed, waan shaqayn jirey oo waliba Sabtida iyo Axada (Weekend) oo ahayd wakhtigii aan nasan lahaa ayaan shaqayn jirey.
Waxa aan ahaa Security Guard ama Waashmaan. Shaqadaa aniga ayaa doortay. Waxa aan ilaalin jirey dhismayaasha xafiisyada shirkadaha ee laga maqan yahay maalmahaa fasaxa ee Sabtida iyo Axada. Aniga oo waajibaadkayga shaqo gudanaya, hadana Buugaagtayda Jaamacada iyo Laptopkayga inta aan qaato ayaan shaqada ku dhex diyaarin jirey, wax alla wixii Jaamacada la iiga baahnaa ee assignments ahaa. Sidaa daraadeed, shaqo iga baylihi jirtay ama aan sagsaagi jireyna ma jirin, waxbarashadaydiina waan wadan jirey.
Doorkii Aabenimo iyo masuuliyadii Qoyska
Maadaama aan ahaa Aabe qoys dhan ka masuul ah, hawlahaa aan soo sheegay ee safar, waxbarasho iyo shaqo, waxa ii dheerayd masuuliyidii waajibka ahayd ee qoyska iyo caruurta sida shoppingkii todobaadlaha ahaa ee qoyska, la socodka iyo ka warhaynta waxbarashada caruurta, tagida ballamaha iskuulada kala duwan, ilaalinta iyo daryeelka caafimaadka caruurta, dhakhtar geyntooda marka loo baahdo, ciyaar geyntooda, iyo wad-wadkooda maalmaha ay fasaxa yihiin iwm.
Wax kale kuma garatide, waxa aan ahaa nin fasalka, guriga iyo shaqada uun noloshiisii ku soo koobantay. Waxa dhamaan hawlahaa qoyska iyo waxbarashoba igu garab taagnayd xaaskayga HUDDA X. ISMAACIIL BARRE oo sida runta ah la`aanteed aanay waxbarashadaydu suurtogal noqoteen (I love you, Honey❤). Kolay reer hawdku waa wada kalgacal miidhane!
Daaltirashadaydii iyo safarkii Spain
Wakhtigii aan qorayey ama diyaarinayey buugii Jaamacada (Thesis) ee lagu qalin jabinayey, waxa igu dhacday hawl aad iyo aad u culus. Safaro badan oo cilmi baadhiseed ayaan galay. Soo jeed baadan ayaan mutay. Waraysiyo badan ayaan qaaday. Baadhitaano badan ayaan sameeyey. Saacado badan oo fadhi ah ayaa ii dheeraa. Indhaha iyo maskaxduba way I daaleen. Waxa aan dareemay culays aad u badan. Waxa aan u baahday nafis iyo in aan culayska iska soo maydho.
Sidaa daraadeed, waxa aan go`aansaday in aan safar ugu baxo meel aan maalmo ku soo nasto. Caadiyan, mar kasta oo aan wakhti helo (iyo dabcan lacag ka badan kharaska joogtada ah ee qoyskaygaba) waxa aan safaro aqoon korodhsi ah u tagi jirey hadba halka aan ku tuhmayo inay taalo aqoon iyo raadad xadaaradeed oo muhiim ahi.
Macno badan iima sameyso inaan booqdo magaalooyin ay ku yaalaan daaro dhaadher oo wada quraarad ahi, waxase maankaygu la hayaa magaalooyinka gaboobay iyo dhulka taariikhdu ku duugan tahay (malaha waa da`da iyo guga ii kordhaye). Sidaa daraadeed, doorkan safarkaygu waxa uu ku wajahan yahay Spain.
Bristol ilaa Malaga
Diyaarada la yidhaahdo Ryanair ee laga leeyahay dalka Ireland, oo lagu sheego kuwa qiimahoodu jaban yahay (low cost carrier) ayaan goor casar liiq ah ka raacay gegida diyaaradaha ee magaalada Bristol, halka aan ku jihaystayna waa gegida diyaaradaha ee magaalada Malaga oo ku taala koonfurta Spain, isla markaana ah caasimada gobolka Andalusia oo ah gobolka aan booqanayo.
Ka dib 2 saacadood iyo 40 daqiiqo oo aanu hawada sii lalaynay, waxa ay diyaaradii cago dhigatay garoonkii Malaga oo wakhtigaa aad ceeryoon u ahaa. Inkasta oo aanan mar-dhoof ahayn, hadana waa markii iigu horeysay ee aan ka dago Spain. Wakhtigu waa habeenimo, afka beledkaa lagaga hadlo kelmadna kama aqaano, mana jirin cid aan ka garanayey amaba igu sugaysey goobtaas (gaashaan-qaad ma habaabo iyo mutuhis ayaan ku socday).
Diyaaradii ka soo degay, saf dheer ayaan galay si loo hubiyo passporada aanu sidano. Goobtii hubinta passporada (immigration) markii aan dhaafay, waxaan qaatay shandadaydii, ka bacdina waxa aan u baxay banaankii Airportka. Waa markii ugu horeysay ee aan arko Malaga
Magaalada Malaga
Malaga waa caasimada gobolka Andalusia ee dalka Spain. Waxa ay ku taalaa koonfurta dalkaa. Waa magaalo qadiim ah oo dhisnayd ilaa xadaaradihii Giriiga iyo Roomanka. Waxa si fiican loo dhisay sanadkii 770kii. Waxa ku yaala goobo badan oo taariikhi ah sida qasriga Alcazaba oo ay Muslimiintu dhiseen waagii ay xukumi jireen qaybo badan oo ka mid ah Spain. Magaalada waxa ku nool dad gaadhaya 600,00 qof. Waa magaalo dalxiis oo sannad kasta waxa soo booqda malaayiin dad ah oo dacalada aduunka ka kala yimid.
https://www.spain.info/en/destination/malaga
Taxi banaanka Airportka taagnaa ayaan u dhiibay warqad uu ku qoran yahay cinwaanka goobta aan caawa xero-guusha ku sii ahay (Hotel). Darawalkii meeshii wuu gartay, ka dibna ila dhaqaaq. Waxoogaa ka dib, waxa aan soo gaadhay Hotelkii aan dagayey oo aan xamaantaydii dhigtay. Waan tukaday. Casho yar oo fudud cunay. Ka bacdi waxa aan bilaabay in aan sii qorsheeyo safarkaygii ruuxiga ahaa ee aan berri subaxa ugu ambabaxayey xagaa iyo Qurduba (Cordoba), aniga oo leh ilaahayow yaan waaga ka hor waraabe I cunin!