Shirkadihii Diyaaaradaha iyo Ganacsigii Soomaalida ee Dubai ka hanoqaaday horaantii 1990kii, waxa ay markhaati cad u ahaayeen kartida ganacsi iyo firfircoonida Soomaalida.
Anigu muddo dheer ayaan ku noolaa magaalada Dubai oo ah caasimada dhaqaalaha ee dalka Imaaraatka Carabta, isla markaana lagu tilmaamo in ay tahay xarunta Ganacsi ee ugu muhiimsan Bariga Dhexe. Sidoo kale, waxa ku noolaan jirey ilaa hadana ku nool dad badan oo Soomaali ah oo Ganacsato ah. Tirakoob sugan lagama hayo tirade dadka Soomaaalida ah ee ku noolaa Dubai, balse waxa hubaal ah in horaantii 90kii ilaa dhawaan in ay Dubai ku noolaayeen jaaliyad balaadhan oo Soomaali ahi.
Dadka Soomaalida ah oo lagu tilmaamo in ay yihiin dad firfircoon, oo karti badana lihi, waxa ay kaalin muhiim ah kaga jireen Ganacsiga Iyo Baayac-Mushtarka xoogan ee ka socday Dalka Imaaraatka Carabta guud ahaanba, gaar ahaana Dubai.
Sida lagu xusay warbixin sanadeedkii ay soo saartay Rugta Ganacsiga ee Dubai (Dubai Chamber of Commerce) sanadkii 2002dii, waxa lagu sheegay in ganacasiga Soomaalidu uu galay kaalinta koowaad sanadkii 2000, halka sanadkii 2001-dana uu galay kaalinta labaad. Tirakoobkani waxa uu xusay oo kaliya export-ka ama Dhoofinta Bucshurada oo keliya, maadaama aanay jirin badeecado ganacsi oo la sheegi karo oo laga keeno dhulka ay Somalidu degto marka laga reebo Xoolaha Nool.
Ganacsigii Soomaalida ee Dubai waxa uu ahaa mid kelli kelli ah ama qof kastaaba uu si gaar ah u watay ganacsigiisa gaarka ah. Laakiin, waxa jiray shirkado aan badneyn oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed oo shuraako ahi.
Ganacsiga Soomaalidu wax xidhiidh ah oo toos ah lama uu lahayn Rugta Ganacsiga ee Dubai, taas oo muujinaysa in ganacsiga Somalida intiisa badani uu ahaa ganacsi aan nidaamsanayn ama aan hababka casriga ah ee aduunweynaha ka jira intiisa badani waafaqsanayn, marka laga reebo shirkadaha waaweyn.
Warbixintan kooban waxa aan kaga warami doonaa qaybo ka mid ah Shirkadihii Diyaaaradaha iyo Ganacsigii Soomaalida ee Dubai.
Table of Contents
shirkadihii diyaaradaha iyo ganacsigii soomaalida ee Dubai – Ganacsiga Dahabka ee Soomaalida iyo Suuq al dahab.
Sida aad magaciisaba ka arkaysid Suuq Aldahab waxa lagu iibiyaa Dahabka Iyo Dhagxaanta wanaagsan (Macdanta iyo Dheemanta). Suuq al Dahab waa goob caan ah oo ku taala badhtamaha magaalada Dubai. Waa goob ay ku soo jiidanayso bilicdeedu, gaar ahaana habeenkii marka laydhadhka kala duwani ay dib u soo celiyaan dhalaalka Dahabka lagu iibinayo suuqan. Suuqani waa goob iyo bar kulan ay yimaadaan maalin kasta, boqolaal dalxiisayaal ah oo ka kala socda dalalka dunida, iyaga oo u soo daawasho taga bilicda iyo quruxda suuqan, isla markaana sawiro maqal iyo muuqaal ahba ka duubta iyaga oo aad ula dhacsan , dibna ugu laabta dalalkii ay ka yimaadeen iyaga oo sita sawiradaa/filimadaa Suuq al dahab Dubai ee xambaarsan xusuusta qaalliga ah.
Meheradaha ama Dukaamada suuqan ku yaala ee dahabka iibiya ama lagu farsameeyo, badankooda waxa iska leh ganacsato Hindi ah oo iyagu caan ku ah ka ganacsiga Dahabka. Hase yeeshee, waxa jiray dukaamo badan oo ay Soomaalidu ku lahaayeen suuqan dahabka. Mulkiilayaasha dukaamadan dahabka iibiya ee Soomaalida ah badankoodu waa Dumar.
Tiro rasmi ah lagama hayo tirada dukaamada Dahabka Soomaalida ee ku yaala Suuq al dahab. Laakiin, waxa aan shaki ku jirin in ay Soomaalidu yihiin jaaliyada 2aad ee ku xigta Hindida ee ka ganacsata dahabka. Meheradaha Soomaalida ee caanka ahaa ee dahabka lagu iibiyo waxa ka mid ahaa meherada loo yaqaano ALSADAD JEWELERRY oo lagu iibiyo dahabka Jumlad iyo tafaariiqba.
Suuqa dharka, kabaha iyo electronicska ee Murshid Al bazaar iyo Soomaalida
Suuq al Murshid waa suuq weyn oo caan ah oo qadiim ah kuna yaala badhtamaha magaalada Dubai. suuqan waxa lagu iibiyaa Badeecooyin iyo Bucshurado kala duwan oo dharka iyo kabuhu ay ka mid yihiin, waana suuqa labaad ee ganacsiga Somalidu ay xooga ku lahayd.
Wakhtiyadii hore, maad arki karin ama ma ay jirin dukaan ama meherad ay Somalidu ku leeyihiin suuqan, laakiin sanadihii 90kii ka dib, Soomaalidu meherado badan oo lagu iibiyo Dharka, Kabaha, Cadarada, Saacadaha, Rikoodhada, Cosmeticska iyo dhamaanba qalabka Electronicska ah ee kala duwan ayey ka furteen suuqan.
Shirkadihii diyaaradaha ee Soomaalida
Wakhtiyadii bilowgii 1990kii ilaa dabayaaqadii 2010kii, shirkado badan oo diyaaradeed oo Soomaalidu leedahay ayaa ka shaqayn jirey oo u kala gooshi jirey dalka imaaraatka carabta iyo dhulalka Soomaalida. Shirkadaha diyaaraduhu waxa ay ahaayeen ganacsiga ugu baaxada weyn, uguna habaysan ee ay Somalidu ku leeyihiin guud ahaanba dalka Imaaraadka Carabta, gaar ahaana Dubai.
Dubai waxay ay xarun u ahayd shirkado diyaaradeed oo ay ka mid ahaayeen;- Daallo Airlines, Inter Somal Airlines, Damal Airlines, Djibouti Airlines, Star Airlines, Jubba Airways iyo African Express Airways. Anigu waxa aan muddo dheer shaqaalw ka ahaa shirkadii diyaaradaha ee Damal Airlines.
Badanka shirkadahaa diyaaradaha ee kor ku xusani waxa ay lahaayeen qaybaha adeega ee rakaabka qaada (Passenger services) iyo qaybta alaabta (cargo services) ka qaaada Dubai ee gaysa dhulalka ay Soomaalidu degto.
Duulimaadyada diyaaradahani waxa ay sahleen safaradii iyo socodkii dadka ee dalka gudihiisa iyo dibediisaba. Waxa kale oo ay diyaaraduhu noqdeen gaadiidka koowaad ee qaada xamuulka iyo daabulka badeecooyinka kala duwan ee loo rari jirey dalkii, dharku haba ugu badnaadee.
Gaadiidkan cirka la`aantood ganacsatadu horumar badan kamay gaadheen ganacsigooda, maadaama maraakiibta iyo doonyuhu ay wakhti badan ku geeyaan dalkii alaabta ay qaadaan.
Shirkadihii xawilaada lacagta ee Soomaalida
Shirkadihii xawaaladaha ee Soomaalidu waxa ay kaalin muhiim ah kaga jireen ganacsiga somalida ee Dubai. Waxa ay buuxiyeen isla markaana qabteen shaqooyinkii uu qaban lahaa Banku sida xawilaada lacagaha iyo kaydinta labadaba. Dhamaan lacagta lagu soo iibin jirey alaabta dalkii loo dirayo ee laga dhoofinayo Dubai, waxa ay soo mari jirtey oo fududeyn jirey xawaaladaha Soomaalida.
Shirkadihii xawaladaha Soomaalida waxa ka mid ahaa;- Xawaaladii Barakaat oo ugu weyneyd, Dahabshiil oo kaalinta 2aad ku jirtey, Dalsan, Amal, Sagal, Al Mustaqbal, Barwaaqo, Amaano, Sahan, Tawakal, Red Sea, Uhud, Xamdi, Heegan iyo kuwo kale oo aanan hadda xasuusan.
Hoteelada la seexdo ee Soomaalida Dubai
Wakhtiyadaa aan kor ku soo xusay, waxa Dubai ka jiray Hoteelo waaweyn oo la seexdo oo Soomaalidu leedahay, kuwaas oo ku yaalay badhtamaha magaalada Dubai. Hoteeladaas heerkoodu wuu kala sareeyey, waxaana ay u badnaayeen * Star iyo ** star. Hoteeladaa waxa ka mid ahaa;- Qasrul Siyaaxa Hotel, City Gold Hotel, Al Uruba Hotel, Jubba Hotel, Golden Star Hotel, Aljazeera Hotel, Hijaz Motel iyo kuwo kaleba. Hoteeladaasi dhamaantood waxa ay lahaayeen qayb cuntada ah ama Restaurant.
Hudheelada cuntada ee Soomaalida Dubai
Waxa iyaguna ku badnaa Dubai wakhtiyadaa ganacsiga Soomaalidu uu ku xooganaa, Hudheelada ama makhaayadaha Cuntada ee ay leeyihiin Somalidu, kuwaas oo laga heli jirey Cunto Somali iyo Cunooyin kale oo Caalami ah labadaba. Hudheeladaa waxa ka mid ahaa Al Baraara Restaurant, Hargeisa Restaurant, Banadir Restaurant, Shabeele Restaurant, Masha Allah Restaurant iyo Al Makaarim Restaurant
Sidoo kale, waxa jiray Caffeteriyo iyo bibitooyin yar yar oo laga cabo cabitaanka fudud sida sharaabka iyo shaaha, kuwaas oo ay lahaayeen dad soomaaliyeed kuna filiqsanaa magaalada Dubai qaybaheeda kala duwan.
Dukaamadii iibin jirey qalabka Electronicska iyo Computerada ee Soomaalida
Ganacsiga Somalidu kuma koobnayn uun ganacsiga soo jireenka ah, balse waxa ay Soomaalidu door muuqda ku lahaayeen ka ganacsiga technologyada iyo qalabka casriga ah sida Computerada iyo waxyaabaha soo raaca .
Dukaamadan lagu iibin jirey Qalabka Computerada la xidhiidhaa waxa ay si toos ah ugu xidhnaayeen shirkadaha waaweyn ee soo dejiya qalabka casriga ah ee Computeradu ay ka midka yihiin sida Printerada , Fax-yada , Scannerada , Khadadka , iyo waxyaabaha la xidhiidha.
Dukaamadaas waxa ka mid ahaa;- Hatta Computers, Mabrook Computers, Al uyuun Computers iyo kuwo kale.
Goobaha laga isticmaalo Internetka (Internet Caffee)
Wakhtiyadaa dabayaaqadii 1990kii waxa si wayn u soo shaac baxay waxan loo yaqaano internetka iyo technolijadan casriga ah ee lagu wada xidhiidho. Maadaama wakhtigaa qof waliba aanuu haysan telephone internet ugu xidhan yahay, amaba aanuu jirinba, sida iyo habka ugu fudud ee lagu wada xidhiidhi jirey waxa uu ahaa in aad tagto internet caffee oo aad ka isticmaasho Paltalk ama messenger iwm.
Hadaba, Dubai waxa waagaa xoog ugu fiday meheradaha ama goobaha soomaalidu leedahay ee laga isticmaalo internetka loo yaqaanay Internet Caffe,
Goobahan waxa inta badan ka isticmaali jirey internetka dhalinyarada ku nool Dubai, oo iyagu Internetka inta badan u adeegsan jirey xidhiidhka dibeda , raadinta tabo iyo dariiqooyin ay ku dhoofaan , kasbasho saaxiibtinimo , guur iwm.
Waxa kale oo iyaguna isticmaali jirey internetka, dadka ganacsatada ah kuwaas oo ku maamusha kuna dabagala hawlahooda ganacsi.
Meheradaha noocan ah ee ay lahaayeen soomaalidu si xawli leh ayey ugu sii kordhayeen Dubai, waxaana ka mid ahaa;- Mabrook internet caffee, East light internet caffe, Jubba internet caffe, Aljazeera Internet, Maasha Allah Internet, Al hijaz Internet caffe.
Ganacsiga Xoolaha Nool
Inkasta oo ay cunaqabatayn guud ka saarnayd xoolaha somalida dalka Saudi Arabia oo ahaa suuqa ugu wayn ee loo dhoofiyo xoolaha Soomaalida, hadana waxa xoolaha Soomalida loo iib geyn jirey Imaaraatka Carabta iyada oo laga dejin jirey dekedaha Dubai .
Xoolahan nool ee la keeno Dubai waxa ay ka koobnaayeen Lo` Iyo Adhiga oo ugu badnaa oo lagu keeni jirey Maraakiib iyo Doonyo. Waxa kale oo la keeni jirey dalka imaaraatka Adhi Soomaali la soo qalay oo lagu keeni jirey diyaaradihii xamuulka ee ay lahaayeen shirkadihii Soomaalidu.
Somalidu waa jaaliyada ugu horeysa ka ganacsiga Xoolaha Nool dalka imaaraadka carabta. Hilibka Xoolaha Soomaaliduna waa mid aad looga jecel yahay dalka imaaraatka carabta waxaana loo yaqaanaa adhiga somalida Barbaraawi (Berberi waa dekeda ay ka dhoofaan xoolaha ugu badan ee loo iib geeyo khaliijku, sidaas ayaanuu ku raacay adhiga somalida magaca Barbaraawi).
Ganacsiga Baabuurta
Ka ganacsiga Baabuurtu waxa uu ka mid ahaa dhaqdhaaqyada ganacsi ee Soomaalida ku nool ama safarka ku timaada Dubai. Ganacsatada qaarkood si toos ah ayey uga dalban jireen baabuurta dalalka sameeya sida Japan , South Korea iwm , halka ganacsatada qaarkoodna ay doorbidi jireen in ay ka iibsadaan baabuurtaas macradyada waaweyn ee Dubai iyo Sharjah iyaga oo u sii dhoofinaya hadba halkii iyo meeshii kale ee looga baahan yahay.
Baabuurtani waxa ay isugu jiraan yar yar iyo waaweynba waxaanay u badan yihiin kuwo dhinaca midigta Isteerinka ama Shukaanta ku leh. Wright Hand.
Gaadiidka Badda iyo Kireyntooda
Waxa jiray tiro maraakiib iyo doonyo ah oo ay lahaayeen ganacsato somaliyeed kuwaas oo badeecadaha kala duwan ka qaadi jirey Dubai una qaadi jirey dekedaha kala duwan ee geeska Afrika sida Berbera , Djibouti , Bossaso , Muqdisho , Kismayo , Mombasa iwm.
Sidoo kale waxa jiray dad soomaali ah oo iyagu ka masuul ah ama kireeya maraakiib iyo doonyo ay leeyihiin dad ajnabi ah oo isugu jira carab , hindi , iiraan iyo jinsiyado kaleba.
Gaadiidkan baddu waxa ay ka gooshi jireen dekedaha Rashid port, Hamriya, Mina Jadeed, Ajman, port khalid Iyo Jebel Ali port oo laga raro maraakiibta waaweyn ee qaada kontiinarada. Dekadahani waxa ay ku kala yaalaan magaalooyinka Dubai , Sharjah iyo Ajman.
Hadaba, Ganacsigii xooganaa ee waagaa ay Soomaalidu ku lahayd Dubai, waxa xagal daac iyo dib u dhac ku keenay mamnuucidii ay Dawlada Emirateku mamnuucday in ay ciqaamad iyo Vise siyaaro ku bixiso oo dalkeeda lagu joogo ama lagu soo galo Passportka Somaliga ah. Mamnuucidaasi waxa ay meesha ka saartay dadkii visaha wakhtiga kooban ah ku geli jirey Dubai ee ka soo muraadsan jirey (Caafimaad, Ganacsi, Qaraabo salaam iwm). Sidoo kale, waxa ay caqabad ku noqotay ganacsatadii alaabooyinka ka iibsan jirey Dubai, kuwaas oo markii danbe u wareegay meelo kale sida China oo kale.
Beri samaad wuu badnaa ee nolol ayaa ka badatay!