Warbixin la soo saaray sanadkii 2024kii, waxa lagu sheegay in diyaaradaha iyo duulimaadyada diyaaradaha ganacsiga ee aduunku (Commercial Aviation) ay abuureen 85.8 Million oo shaqo (si toos ah iyo si dadbanba), waxaana la saadaalinayaa in sanadka 2030ka ay tirada shaqooyinka ay diyaaradaha ganacsigu soo kordhin doonaan ay gaadhi doonto 100 Million shaqo.
Table of Contents
Qaaradaha aduunka iyo shaqo abuurka diyaaradaha ganacsiga
Hadii aynu si gooni gooni ah u eegno, shaqooyinka ay diyaaradaha rayidka ee ganacsigu abuureen qaybaha iyo Qaaradaha kala duwan ee aduunka waa sidan hoos ku qoran:
- Qaarada Africa 8.1 Million oo shaqo ayey diyaaradaha rayidka iyo garoomada ay isticmaalaan abuureen/fududeeyeen. Qaarada Afrika waa qaarada shaqooyinka ugu yar aviationku uu ku kordhiyey, sababtuna waa aviationka oo marka horeba ku yar qaarada.
- Tiradaasi Qaarada Europe waa 15 million shaqo
- Waqooyiga Amerika waa 8.4 million shaqo
- Koonfurta Amerika iyo Caribbean waa 8.3 million shaqo
- Asia iyo Pacific waa 42 million shaqo
- Bariga dhexena waa 4 million shaqo.

Kobcinta dhaqaalaha aduunka iyo diyaaradaha
Dhinaca kale, koboca dhaqaale ee diyaaradaha rayidka iyo garoomada ay isticmaalaan ama guud ahaanba aviationku uu ku kordhiyey dhaqaalaha dunidu waa dhaqaale gaadhaya $4.1trillion oo u dhiganta 3.9% wax soo saarka aduunka (GDP). Haddii aynu sii kala qaadno oo qaarad qaarad isu dul taagno, Qaarada Africa dhaqaalaheeda waxa uu aviationku ku kordhiyey $75 billion, Qaarada Asia-Pacific $890 billion, Qaarada Yurub $1.2 trillion, Koonfurta Ameerika iyo Caribbeanka $240 billion, Bariga dhexe $290 billion, halka uu Waqooyiga Ameerikana ku kordhiyey $1.4 trillion. Mar kale, waxa aad arkaysaa in Afrika ay tahay qaarada uu dhaqaalaha ugu yar ku kordhiyey aviationku.
Tirokoob guud oo ku saabsan aviationka
Hadaba, si aynu fikrad uga qaadano xajmiga uu leeg yahay aviationka iyo duulimaadyada rayidka ee ay sameeyaan shirkadaha diyaaradaha ee ganacsiga ahi, bal tirooyinkan hoos ku qoran oo ku salaysan sanadkii hore ee 20204 aynu dhuuxno:
- Dunidan aynu ku nool nahay sanadkii hore waxa jiray 67,300 dariiq (routes) oo ay maraaan diyaaradaha ganacsiga (commercial) ee rakaabka qaada.
- Waxa ay diyaaradaha ganacsigu qaadeen 4.4 billion rakaab ah.
- Waxa ay diyaaradaha ganacsigu sameeyeen 35.3 million oo duulimaad.
- Diyaaradaha ganacsiga ee hadda shaqeeyaa waa 29,039 diyaaradood oo noocyadooda iyo xajmigooduba kala duwan yahay.
- Waxa jira oo dunida ka shaqeeya 1138 shirkad diyaaradood
- Waxa dunida ka jira 45,547 garoon diyaaradeed oo isugu jira kuwa military, shicib iyo kuwo gaar loo leeyahaba oo ku kala yaala qaaradaha aduunka
- Garoomada dunida ee sida joogtada ah (scheduled) ay diyaaraduhu uga dagaan waa 4072 garoon oo ku kala yaala qaaaradaha aduunka
- Waxa jira 162 shirkadood oo bixiya adeegyada la xidhiidha hagida diyaaradaha (Air Navigation Services).
- Dadka dalxiisayaasha ah ee aduunyada u kala safra, 58% waxa ay ku safraan diyaarad.
- Shidaalka ay shirkadaha diyaaradaha ganacsiga ahi isticmaaleen sanadkii tagay ee 2024, waxa lagu qiyaasay in uu ahaa 348.75 billion litre.

Saamiga duulimaadyada rayidka ee qaaradaha aduunka
Haddii aynu eegno sida ay duulimaadyada rayidku ugu kala badan yihiin waa sidan hoos ku xusan:
- Qaarada Yurub waa 25.9%
- Dhinaca qaarada Afrika tiradu waa 2.9% kaliya
- Halka Asia iyo Pacific ay tiradu ka tahay 34.7%
- Latin Amerika iyo Caribbean waa 8.7%
- Bariga dhexe waa 4.6%
- Waqooyiga Ameerikana waa 21.3%
Dhamaan macluumaadkaa kor ku xusan, waxa aad ka dheehan karaysaa, baaxada iyo xajmiga uu leeyahay aviationka ganacsiga ahi oo ka kooban shirkadaha diyaaradaha, garoomada ay ka degaan iyo shirkadaha bixiya adeegyada loo baahan yahay sida hagida diyaaradaha oo kale.
Jamhuuriyada Somaliland iyo duulimaadyada rayidka
Intaa marka laga yimaado ee aan u soo noqodo Jamhuuriyada Somaliland, wakhtiyo hore ama casru dahabigii aviationka Somaliland, waxa dalka iman jirey oo ka degi jirey garoonada kala duwan ee Hargeysa, Burco, Borama, Ceerigaabo, Berbera iyo Laascaanoood, shirkado diyaaradood oo dhamaantood ay Soomaali lahayd. Shirkadahaa waxa ka mid ahaa;- Daallo Airlines, Damal Airlines, Djibouti Airlines, Puntavia, Gallad Air, Salaama Cargo, Star Airlines, Jubba Airways, Zuhuur Airways iyo African Express Airways. Shirkadahan badankoodu hadda ma shaqeeyaan oo way kaceen, marka laga reebo Daallo Airlines oo ka shaqaysa Somaliland iyo Somaliya iyo Jubba Airways oo ka shaqaysa Soomaaliya.

Shirkadahaas kor ku xusan badankoodu waxa ay ahaayeen kuwo dadka rakaabka ah iyo alaabta xamuulka ama Cargo ah labada u kala qaada Dubai, Sharjah, Nairobi, Djibouti, Jeddah iyo magaalooyinka Somaliland sida Hargeysa, Burco, Berbera, Borama, Ceerigaabo iyo Laascaanood. Duulimaadyada diyaaradahaasi waxa ay sahleen safaradii iyo socodkii dadka ee dalka gudihiisa iyo dibediisaba. waxa kale oo ay diyaaraduhu noqdeen gaadiidka koowaad ee qaada xamuulka iyo daabulka badeecooyinka kala duwan ee dalka soo gaadha sida dharka, kabaha, qalabka electronicska ah iwm.

Dhab ahaantii, Gaadiidkaa cirka la`aantii ganacsatada reer Somaliland iyo inta kale ee ku dhex ganacsanaysa dalka ee isticmaali jirey gaadiidkaa cirku, horumar badan kama ay gaadhi kareen ganacsigooda, maadaama maraakiibta iyo doonyuhu ay wakhti badan alaabooyinka la saaro ku geeyaan dalkii, halka ay diyaaradu saacado kooban ku gaynayso.
https://www.flydubai.com/en-gb
Maanta iyo duulimaadyada rayidka ee Somaliland yimaada
Maanta, waxa duulimaadyo rakaab (Passenger flights) ama xamuul (Cargo flights) ku yimaada Somaliland shirkado diyaaradeed oo kala duwan sida Daallo Airlines, Air Djibouti, Flydubai, Kenya Airways iyo Ethiopian Airlines, kuwaas oo ka diiwaangashan/laga leeyahay dalalka aynu jaarka ama saaxiibka nahay ee Kenya, Djibouti, Midowga Imaaraadka Carabta iyo Ethiopia. Badiba diyaaradahani waxay isticmaalaan garooka Hargeisa International Airport (HGA).

Faaiidooyinka dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ee duulimaadyada rayidka
Diyaaradahan rayidku faa’iidooyin badan oo dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ayey dadka iyo dalka Somaliland u leeyihiin faa`iidooyinkaa waxa ka mid ah shaqo abuurid. Hadaba, inkasta oo aan tirakoob rasmi ah laga haynin tirada shaqooyinka ay abuureen/fududeeyeen shirkadahan diyaaradaha iyo guud ahaanba aviationku gudaha Somaliland, hadana waxa aan shaki ku jirin in boqolaal qof ay si toos ah ugu shaqeeyaan aviationka sida Maamulayaasha xafiisyada, Xog-hayayaasha, Xisaabiyayaasha, Lacag-hayayaasha, shaqaalaha tigidhada, kuwa diyaarada ka dhex shaqeeya, kuwa ka hawlgala airportka, darawalada gaadiidka shirkadaha, waashmaanada, Nadiifiyayaasha xafiisyada shirkadaha iyo kuwo kale.

Waxa jira shaqooyin si aan toos ahayn ugu xidhan shirkadaha diyaaradaha balse si dadban ugu xidhan sida shaqooyinka ay hayaan Masuuliyiinta iyo shaqaalaha ka tirsan Airportka, Customska, laanta socdaalka, Bankiga, Dab damiska, Xamaaliinta, Nadiifiyayaasha, goobaha cuntooyinka laga cuno eek u yaala garoomada, suuqa ku dhex yaala garoonka (duty free) iwm. Shaqooyinkaa dhamaantood waxa u sabab ah duulimaadyada ay diyaaraduhu ku yimaadaan garoonka iyo dalka.

Intaa waxa dheer oo diyaaradahaa la’aantood aan ganacsigoodu suurtogaleen, shirkadaha ka ganacsada Gaaska diyaaradaha (Jet A) iyo Meheradaha ganacsi ee ku yaala garoomada kuwaas oo dhamaantood shaqadoodu ku xidhan tahay dhaqdhaqaaqa iyo imaatinka diyaaradahan.
Intaas oo keliya kuma koobna shaqooyinka ay diyaaraduhu sida aan tooska ahayn u abuuraan, balse waxa jira shaqooyin kale oo ku xidhan diyaaaradaha sida gaadiidka kala duwan ee ay shirkaduhu u kireystaan hawl maalmeedkooda.
Shirkadaha diyaaradaha iyo kobcinta ganacsiyada kala duwan
Shirkadaha diyaaradaha iyo guud ahaanba aviationku waxa uu kaabaa Ganacsiga bulshada isla markaana kobciyaa dhaqaalaha dalka. Shirkadaha diyaaraduhu waxa ay bixiyaan oo khasnada dawlada ku xereeyeen lacago badan oo khidmad iyo adeeg ahaan looga qaado sida lacagta degitaanka garoonka (Landing feega) iyo lacagta haitaanka diyaarada (Navigation charge). Intaa waxa dheer, lacagta cashuurta ah ee laga qaado dadka rakaabka ah ee ka soo dega ama raacaya diyaaradahaas. Sidaa daraadeed, waxaan odhan karaa aviationku waxa uu qayb libaax ka qaataa kobcinta dhaqaalaha dalka iyo bixinta mushaharka shaqaalaha dawlada.

Intaas oo keliya kuma koobna waxtarka aviationku uu dalka iyo dadkaba u leeyahay, balse waxa uu ka qayb qaataa yareynta saboolnimada, maadaama laga shaqaaleysiiyey boqolaal qof, kuwaas oo iyaguna sii masruufa boqolaal qoys, kuwaas oo laga yaabo inay ku sii tiirsan yihiin si aan toos ahayn boqolaal qof oo kale.
Ku darsoo, Mulkiilayaasha iska leh guryaha xafiisyada u ah shirkadaha diyaaradaha, Shirkadaha isgaadhsiinta, Shirkadaha keena shidaalka ay diyaaraduhu isticmaalaan Jet-A, Hudheeladaha diyaariya cuntada lagu cuno gudaha diyaaradaha (Catering), Hotelada ama Albeerkooyin ay seexdaan dadka socotada ah ee diyaaradaha raacaya ama ka soo dega, dukaamada iibiya qalabka computerada ee lagu isticmaalo xafiisyada diyaaradaha iyo dayactirkooda, Dukaamada iibiya qalabka Xafiisyada iyo Buugaagta, Bacadlayaasha iyo Carwooyinka Dharka iyo Kabaha laga iibsado, Dawaarlayaasha tola direyska shaqaalaha shirkadaha, Kolayada qaadka ee ay la macaamilaan muqayiliinta shaqaalaha ka ah shirkadaha diyaaraduhu, maqaaxiyaha bunka iyo shaaha ee ku xidhan shirkadaha diyaaradaha, kaalmaha shidaalka intaas iyo in ka badaniba waa ganacsiyo uu aviationku qayb ka yahay kobcintooda.
Isku xidhka gudaha iyo Dibeda ee diyaaradaha rayidka
Dhinaca xidhiidhka iyo isku xidhka dibeda haddii aynu eegno, Jamhuuriyada Somaliland, ma aha dal weli haysta ictiraaf caalami ah. Waa dal magaca “Somali” la wadaaga dalka Somaliya ee dagaaladu naafeeyeen, taas oo keenta in shirkadaha diyaaradaha ee Ajnabiga ahi aanay hore ugu soo dhiiran in ay duulimaadyo ka bilaabaan. Nasiib wanaag, shirkado kooban oo xog ogaal u ah xaqiiqada iyo nabadgelyada ka jirta Somaliland ayaa duulimaadyo joogto ah ku yimaada Somaliland sida Ethiopian Airlines iyo flydubai.

Shirkadahaa diyaaraduhu waxa ay buuxiyeen kaalintii isku xidhka Somaliland iyo dalalka dibeda, maaadaama dalku aanuu lahayn Gaadiidka xadiidka mara ama tareeno ku xidha dalalka aynu jaarka nahay. Sidoo kalena aanay jirin gaadiidka dhulka oo u habaysan qaadista rakaabka (Buses/Coaches) kuwaas oo Somaliland ku xidha dalalka jaarka. Gaadiid dhinaca badda ah (ferry) oo dalka ku xidha dalalka badda leh ee aynu jaarka nahay isaguna aanuu jirin. Sidaa daraadeed, diyaaradahaa la’aantood Somaliland waxa ay noqon lahayd dal ka go`an aduunka intiisa kale (Remote Country), nasiib wanaagse, waxa kaalintaa buuxiyey shirkadaha diyaaradaha kuwaas oo noqday/ahna gaadiidka keliya ee Somaliland ku xidhiidhiya caalamka intiisa kale.
Intaa kuma dhama faa’iidooyinka aviationku, balse waxa uu qaybta ugu weyn ka qaataa isku xidhka qoysaska, qaraabada iyo guud ahaanba Qurbajooga iyo Qaranjoogta (dadka wadanka jooga). Bal qiimee waalidkaa, xaaskaagii/ninkaagii, caruurtaadii, walaalalahaa iyo dhamaan qaraabadaada oo aanad muddo dheer indho saarin oo aad ku booqatay dalkii adiga oo isticmaalaya diyaaradahaa aan soo sheegay. Bal sawiro adiga oo qabow kugu galay dalalka qabow ee Yurub iyo Amerika oo duhur kulul diyaarad kaga degay Hargeisa International Airport, jidhkaaguna ku raaxaysanayo jawiga diiran. Ma wax loo dhigo ayaa jira, adiga oo kulayl kugu dubtay dalalka aadka u kulul ee Carabaha oo subax hore diyaarad kaga degay garoonka Hargeisa International Airport, halkaas oo ay ka dhacayso neecawdii qaboobayd/macaaneyd ee Masalluhu.
Gunaanad
Guntii iyo gebogebedii, way badan yihiin faa’idooyinka Dhaqan, dhaqaale iyo bulsho ee ay diyaaradaha iyo guud ahaanba aviationku u leeyahay Somaliland, waxase haboonaan lahayd in Wasaarada Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Jamhuuriyada Somaliland – oo hadda qabata shaqadii Civil Aviationku- ay daraasad ku sumayso kaalinta uu aviationku kaga jiro kobcinta dhaqaalaha dalka iyo dadkaba, si loo ogaado muhiimadaiyo kaalinta muhiimka ah ee duulimaadyada rayidku ay ugu jiraan Jamhuuriyada Somaliland iyo dadkeeda.