You are currently viewing Wax ka ogow sirta ku duugan noocyada tigidhada diyaaradaha!

Wax ka ogow sirta ku duugan noocyada tigidhada diyaaradaha!

  • Post author:
  • Post category:Travel
  • Post last modified:23/08/2024

Qormadii hore waxa aan kaga hadlay, sida ay muhiim u tahay in uu qofku doorto diyaarad iyo dariiq ku munaasib ah safarkiisa, si uu uga badbaado caqabado ku yimaada socdaalkiisa. Qormadan, waxa aan kaga hadli doonaa muhimada ay leedahay doorashada tigidhada diyaaradaha iyo doorka doorashada Ticketka saxda ahi iyo saameynta taban ama togan ee uu ku yeelan karo safarka qofka.


Wakhti hore diyaarso tigitka aad ku dhoofayso

Sideedaba, waxa munaasib isla marka uu qofku go`aansado inuu safro billo ka diba ha noqotee in uu booking sii sameysto ama tigitkaba goosto. Talaabadaasi waxa ay u sahlaysaa qofka in uu heli karo tigit qiimihiisu macquul yahay, ta kale ee ka sii muhiimsana waa isaga oo qofkii xaasiliyey kursigiisii diyaarada, werwer la`aana seexanaya oo ka gam`aya.

Sida aynu ka wada warqabno, Ticketka diyaaradu (Airline Ticket) waa heshiis ay wada galayaan qofka dhoofaya iyo diyaarada qaadaysaa. Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska waxa ka mid ah, in diyaaradu qofka iyo alaabtiisaba ay si nabadgelyo ah uga qaado magaalada ama dalka ABC ee uu ka dhoofayo, wakhti la cayimay una geyso magaalada ama dalka BTJ ee uu ku socdo wakhti la cayimay. Intaa waxa raaca oo heshiiska ku qoran, shuruudo iyo hadal tiro badan oo aan Soomaalidu isku dhibin amaba xiise badan u haynin akhrintiisa! Waana halka dhibtu ka timaado, haddii ay wax khaldamaan.

Cabin

Heerarka iyo derejada Tigidhada diyaaraduhu way kala duwan yihiin

Heerarka iyo derejada Tigidhada diyaaraduhu way kala duwan yihiin. Guud ahaan, waxa loo qaybiyaa derejada tigidhada diyaaradaha saddex qaybood oo kala ah derejada Koowaad (First class), derejada ganacsatada (Business class) iyo derejada danyarta (Economy class). Labada derejo ee hore waxa caadiyan raaca dadka lacagta leh, masuuliyiinta dawladaha, dadka caanka ah iyo dadka “Tadhahay” ama ay Somalidu tidhaahdo “kor ayuu u kaajay”, lacagta lagu raaco diyaarada qaybteeda hore ee First iyo Business classes aad ayey uga qaalisan tahay, lacagta lagu raaco diyaarada qaybteeda danbe ee dadka caadiga ahi raacaan!.

Farqiga lacagta ee u dhexeeya First class iyo Economy class

Tusaale ahaan, ticket first class ah oo London ilaa Dubai ahi, waxa uu noqon karaa qiimihiisu $8000. Qiimahaasi waxa uu u dhigmaa lacagta 10 tigit oo Economy class ah. Laakiin, mar haddii aanay diyaaradu kala hortagayn oo isku mar uun aad gaadhaysaan halkii aad u soccotay, Adiga iyo Aniga oo economy raacay iyo ninka First class raacay, dan ka gali mayno ka sii hadalka First iyo Business class, wakhti badana kuma lumin doono. Laakiin, waxa aan yara taataabanayaa tigidhada derejada saddexaad oo ah halka dadka caadiga ah ee Adiga iyo Aniga oo kale ahi ay raacaan ee ay ku safraan.

Tigidhada loo yaqaan Economy class

Tigidhada derejada sadexaad ee diyaaraduhu way noocyo badan yihiin, mudada ay shaqaynayaana way kala badan tahay sida 1 bil, 3 bilood, 6 bilood ama 1 sanno. Dabcan,  sicirkooduna wuu kala qaalisan yahay, isku meelba hakaga yaalaan diyaaradee. Tusaale ahaan, waxa dhici karaysa Faarax iyo Xaliimo oo diyaarada wada saaran, wada fadhiya qaybta saddexaad ee loo yaqaano economy class, ku kala fadhiya laba kursi oo isku dhaw, in ay hadana kala bixiyeen lacag kala badan iyada oo ay taa keenayso derejada ay kala haystaan goobta ama Zone-ha kursigu kaga yaalo diyaarada sida Y, V, W, H classes iwm.

Qiimahan kala duwan isla darajada saddexaad ee kuraasta diyaaradu, waa sir ay og yihiin oo keliya xafiisyada Tigidhada jara oo aan qofka caadiga ahi ogaan karin. Wakhtiyada qaarkood waxa dhici karta, in kursi banaan oo qiimihiisu jaban yahay oo sumadiisu tahay V am W oo ku yaala qaybta economyga ee Y, in hadana xafiiska tigidhadu uu qofka ka iibiyo kursi aan kaa ka fogayn oo Y ah oo lacagtiisu ka badan tahay, si uu waxoogaa khidmad ah oo dheeraad ah uga helo. Waa amaano darro ay xafiisyada tigidhada qaarkood sameeyaan.

Lufthansa

Tigidhada tigtigan (restricted tickets)

Tigidhada qaarkood qiimahooda ayaa aad u jaban waxaana loo yaqaanaa tigidhada tigtigan (Restricted Tickets). Tigidhadan mar haddii la jaro, lama bedeli karo, lamana celin karo, waana in aad maalinta iyo saacada ku qoran oo keliya ku raacdo diyaarada. Haddii aad u baahato in aad bedesho maalmaha ama saacada dhoofkaaga, taasi waxa ay ku kharash gareynaysaa lacag aan ka yarayn Tigit cusub. Ka sii darane haddii aad ka habsaanto saacada aad ku qoran tahay diyaarada, taa macanaheedu waxa weeye inaad Tigit cusub goosato, lacag hor lehna bixiso waase haddii kursi banaanba laguu heli karo.

Midna ogow, Tigitka aad wakhti yar ka hor uun dhoofkaaga goosataa wuu ka qaalisan yahay, Tigitka aad muddo ka hor sii goosato. Waayo diyaaradu waxa ay og tahay in aad ku khasban tahay iibsashada tigitkaa qiimihiisu wax kasta ha noqdee, haddii ay kaa goa`an tahay in aad duulimaadkaa raacdo. La isu nixi maayo. Sidaa daraadeed, si aanad u kabash-kabashleyn goor xeedho iyo fandhaal kala dheceen, taladaydu waa marka horeba ha goosan Tigit tigtigan (Restricted) qiimihiisu haba jabnaadee, haddii ay dhici karto inaad ka baaqanayso maalinta iyo saacada dhoofkaaga.

Tigidhada diyaaradaha ee xaraashka ah

Wakhtiyada qaarkood, diyaaraduhu waxa ay iibiyaan tigidho qiimo gaar ah lagu bixinayo (Special fare-offer Tickets). Sida caadiga ahna wakhtiyada aan diyaaradu buuxin ama “karaahiyada” ah sida saqda dhexe habeenkii ama xiliyada salaada subax oo kale ayaa lagu dhoofi karaa tigidhadan. Sidoo kale, tigidhadan waxa la iibiyaa bilaha aan dhoofka dadku badnayn sida February oo kale ee ay diyaaraduhu sida Raha dhoobada ku dhegsan yihiin, iyaga oo sugaya xiliyada fasaxa ee dadku aad u dhoofo.

Waxba kuma jabna in aad ku dhoofto Tigit noocan ah haddii aad tahay qof diyaarsan oo safarku u fudud yahay, saacad iyo goor kasta oo diyaaradu baxaysana dhoofi kara. Waxase tigidhadani aanay munaasib ku ahayn, dadka ama qoysaska caruur yaryar jiidanaya ee laga yaabo in ay habeenimo dhoofayaan, suurtogalna ay tahay in ay ka imanayaan magaalo ka baxsan magaalada uu ku yaalo airportka ay ka dhoofayaan.

Sidaa daraadeed, qiimaha Tigitkan ee wanaagsani yaanuu kuu qarin saacadaha qalqalooca ee dhoofka, kana fiirso inaad safar kabash-kabash ah oo karaahiyo ah habeenimo bilowdo, Adiga oo heli karaya inaad habeenkii seexato hurdo raaxo leh, quraac fiicana ku sii dhufato subaxdii, ka dibna toobiyaha qabsato ilaa Airportkii oo aad iska xaadiriso miiskii diyaarada (Counter-Check-in desk) adiga oo laagan!

Aircraft

Dooro wakhti ku haboon safarkaaga

Si la mid ah doorashada wakhti munaasib ah xilliga bixitaanka, waxa iyana muhiim ah inaad goosato Tigit aad ku gaadhi karayso halkii aad doonaysey wakhti munaasib ah. Tusaale ahaan, marka aad ka baxayso Europe, America ama Australia ee aad tagayso Dubai waxa haboon inaad magaalada gaadho fiidka hore, si aad u abaarto halkii aad ku degeysey una hesho wakhti aad hurdada kaga bogan karto, ugana nasan karto daalkii safarka, si aad maalinta xigtaba u bilaaban karto hawlahaaga, adiga oo aan daal iyo caajis toona ku haynin.

Dubai International Airport

Haddii aad u sii gudbayso Somaliland/Somalia oo aanad magaalada Dubai gudaha u galahaynin, waxa haboon in aad fiidka hore gaadho madaarka Dubai si wakhti fiican loogu heli karo wareejinta shandadaha aad sidato oo aanay uga hadhin flightka aad raacayso. Sida caadiga ah duulimaadyada diyaaradaha taga Somaliland ama Somaliya waxa ay ka dhoofaan dhismaha 2aad (Terminal 2) ee madaarka Dubai. Wakhtiga ay duulaan waa 3da subaxnimo iyo wixii ka dambeeya. Ogowna mar kasta oo aad goor hore gaadho madaarka Dubai waxa kordhaya fursada ay boorsadaadu kugu raaci karto; mar kasta oo aad dib u sii dhacdona waxa yaraanaysa fursada ay agabkaagu kugula safri karaan.

Sidaa daraadeed, go`aanka goorta aad gaadhayso halka aad u socotay adiga ayuu kugu xidhan yahay, waxaana asal u ah hadba Tigitka aad goosato maadaama diyaaradaha waaweyni maalintii tiroba dhawr duulimaad ay ku tagaan magaalo kasta oo ay tagaan. Tusaale ahaan, Emirates Airlines waxa ay ka duushaa dalka UK una gooshtaa Dubai maalin kasta 16 duulimaad oo ka kala baxa London, Birmingham, Newcastle, Manchester iyo Glasgow. Halka British Airwaysna ay ku tagto Dubai ugu yaraan 4 duulimaad maalin kasta. Hadaba, dhoofe, dooro wakhtiga ku haboon safarkaaga, wakhtiga bixitaanka iyo wakhtiga degitaankaba.

Airport

Iibso tigidho la badali karo haddii loo baahdo

Tigidhada aan qof kasta oo dhoofaya kula talin lahaa waa tigidhada la bedeli karo, haddii loo baahdo, maalinta iyo saacada uu qofku dhoofayo ee loo yaqaan (flexible Ticketska). Tigidhadani sida caadiga ah malaha wax qiimo-dhimis ama Discount ah qofkuna waa in uu bixiyaa lacagta oo dhamaystiran (full fare). Qofka tigit full fare ah iibsadaa, waxa uu xaq u yeeshaa inuu mar iyo laba bedeli karo tigitka (lacag la`aan ama qiime yar bixin karo).

Tigidhadan full fareka ahi waa tigidho ku haboon qoysaska ama familyada caruurta badan wata ee ay suurtogal noqon karto in ay mar iyo lababa dib uga dhacaan wakhtigii safarkooda, haddii hawshii loo baqoolay wakhtigii loogu talo galay ay ku dhamaan weydo, amaba ay goaansadaan in ay soo qadimaan maalintii ay baxayeen haddii Xaajiga/Xaajiyada madaxu xanuuno si loola gaadho dhakhtarkii wanaagsanaa (GP-gii) ku yaalay xaafada agteeda, amaba caruurtu ay dhibsato dhaska iyo boodhka, isla markaana khaati ka istaagaan Dukhsiga duulduulaya ee aanay ishoodu hore u qaban jirin wakhtigii ay qurbaha joogeen!

Dooro tigit ku haboon xaaladaada iyo safarkaaga

Dhoofe, Tigitka aad iibsanaysaa waxa uu saamayn weyn ku leeyahay safarkaaga oo dhan. Waxa uu safarkaaga ka dhigi karaa mid la mahadiyey, raaxo leh oo aanad wax dhibaato ah kala kulmin, ama waxa uu safarkaaga ka dhigi karaa mid cadaab ah, diiq iyo cidhiidhi naftaada galiya oo karaahiyo ah. Sidaa daraadeed doorashada hore ee Tigitku yaanay kaa xumaan. Dooro tigit la badali karo oo aan tigitignayn. Dooro saacad ku haboon bixitaankaaga iyo safarkaaga iyo sidoo kale wakhti munaasib ah in aad gaadho halkii aad u socotay. U sheeg, xafiiska tigidhada aad ka goosanayso waxa aad doonayso. Haddii aaad online ku goosanayso tigitkana, si taxadir leh uga baaraandeg nooca tigitka aad goosanayso.

Travel 1

Guntii iyo gabgabadii, ha iska dhoofin uun ee si xarago leh u dhoof. U meel day wakhtigaaga iyo maalkaaga wakhtiga aad safrayso. Ha noqon sidii Odaygii Aw Xasan ee ku yidhi inankii xafiiskii tigidhada iibinayey “Adeer tigitka ugu jaban ii goo, mid waliba way I geyneysaa halkii aan doonayey ina soo celinaysaaye” Aw Xasan waxa loo jaray tigit tigtigan oo aan la badali karin, waxaana ku dhcday in uu ka habsaamay duulimaadkiisii Dubai-London tigitkiina sidaa kaga gubtay!