You are currently viewing Si taxadir leh u dooro Diyaarada aad raacayso iyo dariiqa aad marayso!

Si taxadir leh u dooro Diyaarada aad raacayso iyo dariiqa aad marayso!

  • Post author:
  • Post category:Travel
  • Post last modified:23/08/2024

Sida caadiga ah, wakhtiga ay soo dhowaadaan ama la gudo-galo xilliyada fasaxa ee xagaaga, waxa dadka badankiisa gasha naruuro iyo nashaad hor leh. Waan dhoofayaa, lixda bisha ayaan ku qoranahay, aniga ayaa kaa horayna oo 2da ayaan baxayaa, Caruurta ayaan kaxaynayaa, Guri ayaan soo dhisanayaa, waan soo Guursanayaa, Waalidkii iyo ehelkii ayaan soo eegayaa, wadankii waxaan soo mooganaa 20 sanno iyo ereyo la mid ah ayaad ka maqlaysaa bulshada Somalida, marka la isugu yimaado goobaha lagu sheekeysto sida makhaayadaha oo kale.

Wakhtiga Xagaaga iyo Safarada Dadka

Wakhtigan xagaaga ah, waxa midiyaha soofeysta shirkadaha diyaaradaha oo qiimaha tigidhada xoog kor ugu qaaada ilaa heer dadka qaaarkii ay awoodi kari waayaan in ay dhoofaan. Sidoo kale, waxa iyaguna jaaniska ka faa`iidaysta xafiisyada tigidhada diyaaradaha jara ee loo yaqaano Travel Agencyga oo inta badan suuqoodu liito marka laga reebo wakhtiyada fasaxyada oo ganacsigoodu kor u soo kaco.

Dalabka Xafiisyada Tigidhada diyaaradaha iibiya

Waxa aad ku arkaysaa xafiisyada Soomaalida ee tigidhada diyaaradaha lagu iibiyo, dad raabo raabo, koox koox ama keli keli ah oo baayacaya tigidhadii ay ku dhoofi lahaayeen wakhtigan xagaaga ama kulaylaha. Intaa waxa barbar socda Telefoonada xafiisyada tigidhada oo qawda haya iyada oo ay khadka ku jiraan dad doonaya inay ogaadaan sicirkii ugu dambeeyey ee dhoofka. Inkasta oo wakhtigan xaadirka ah tigidhada diyaaradaha laga goosan karo shabakada Internetka, iyada oo la isticmaalayo kaadhka Bankiga, hadana dad badan oo Soomaalidu ka mid tahay marka ay dhoofayaan, waxa ay doorbidaan inay tigidhada ka goostaan dukaanka tigidhada iibiya.

Travel

Maxay dad badani u doortaan in ay tigidhka ka iibsadaan travel agency?

Sababo dhawr ah ayaa jira oo kelifaya in dadka waaweyn ee Soomaalida ahi ay Travel Agencyga ka doorbidaan Internetka:-

1. Internetku malaha gorgortan ama baayacaad, halka qofka Tigitka iibinaya aad kala hadli karto qiimo-dhimis.

2. Dadka waaweyni kalsooni badan kuma qabaan aadna ugama dhaadhacsana, quraarad-computer la yidhaahdo ayaa dhamaan hawshii safarkaaga kuu dhamaynaysa oo lagaga maarmayaa, inankii wanaagsanaa ee xafiiska Tigidhada joogay ee wax walba u dhamayn jirey marka ay dhoofayaan!

3. Qaar ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee ka hawlgala dhulka Somalidu malaha website fiican oo laga goosan karo tigidhadooda; halka keliya ee aad ka heli kartaana waa Travel Agency iyaga wakiil u ah. Waxa intaa dheer, diyaaradahaa Soomaalidu wax xidhiidh ah (sida codeshare, interline agreement iwm) lama laha diyaaradaha kale, sidaa daraadeed waa in aad mid kasta gooni u iibsato tigitkeeda oo aad wakhtiga isku beegto, taas oo aan suurtogal u ahayn badanka dadka waaweyn.

4. Dadku waxa ay ka baqaan haddii ay Internetka isticmaalaan oo ay tigitka ka goostaan, in ay wax ka khaldamaan Tigitkii iyo dhoofkoodii, ka dibna hadhaw meel ay u raacaan lacagtoodii iyo cid ay la xaajoodaan toona garan waayaan. Sidaa daraadeed, dadku waxa ay ku hagaagaan inankii isaga iyo reerkoodaba la garanayey ee dukaanka Tigidhada diyaaradaha iibiya joogay ee haddii ay wax khaldamaan aan marnaba lisaga iyo Aabihii toona la waayahaynin!

GULF AIR

Dhibaatada ay la mararka qaarkood la kulmaan dadka dhoofa

Maanta, inkasta oo dad badani ay Travel Agency ka goostaan tigidhada si wax waliba OK u noqdaan, hadana marar badan safarka qurbejooga Somalidu ay ku tagaan wadankii, waxa uu noqdaa safar ay dhibaato kala kulmaan. Waxa marar badan dhaca khaladaad badan oo dadka kharash gareeya lacag badan, ciil iyo cadho ku beera, nacsiiya safar dambe inay ku tagaan dalkii, dayn badan galiya, dhib iyo rafaad ku mutaan caruurta iyo dumarku, mararka qaarkoodna agabkii (shandadihii) ay la safrayeenba kaga lumaan amaba ka sii darane kelifa inay tigidho cusub goostaan.

Maxaa xal ah

Hadaba, si looga taxadiro in safarkii wanaagsanaa ee uu qofku mudada dheer ku sii naaloonayey, isaga oo rajeynayey inuu ku soo iloobi doono buuqa, cidhiidhiga cadhada iyo diiqada nolosha qurbuhu ay leedahay in uu safarkaasi isu bedelo socdaalkii Gulliver oo kale, farxadii, qosolkii iyo raynrayntiina ku dambeyso firka-nax, firxad iyo waxaan loo fadhiyin, waxa muhiim ah in marka horeba si taxadir leh looga fikiro diyaarada la raacayo iyo dariiqa la marayo!

Dooro diyaarad iyo dariiq haboon marka aad safrayso

Doorasahada diyaarada aad raacayso iyo dariiqa aad maraysaa (Airline & Route) waa muhiim, waana halka koowaad ee khaladku ka yimaado. Inta badan dadka u socda Somaliya ama Somaliland waxa ay maraan dariiqa Dubai, halkaas oo ay ka sii qabsadaan diyaarada Daallo Airlines ama Flydubai. Waxa isaguna irmaan dariiqa Addis-Ababa oo ay inta badan maraan dadka tagaya Somaliland ee raaca diyaarada Ethiopian Airlines. Waxa isaguna jira dariiqa Istanbul oo ay maraan dadka tagaya Muqdisho ee raaca diyaarada Turkish Airlines. Sidoo kale, dariiqa Doha ayaa jira oo ay maraan dadka raacaya diyaarada Qatar Airways.

Wax badan ayaan ka odhan karaa dariiqa Dubai, maadaama aan muddo badan ka shaqeynayey Airportka Dubai, xog-ogaalna u ahay diyaaradaha taga dalkii iyo duruufta ay la kulmaan Somalida transferka ku marta Dubai.

TERMINAL 3 DUBAI AIRPORT

Safarka London ilaa Dubai

Tusaale ahaan, marka aad ka dhoofayso London ee aad u socoto Dubai, waxa jira in ka badan 20 diyaaradood oo u baxaya Dubai. Ugu yaraan 4 ka mid ah diyaaradahaas oo kala ah Emirates Airlines, British Airways, iyo Royal Brunei waa toos duulimaadkoodu, halka inta soo hadhayna ay yihiin diyaarado sii maraya wadankii laga lahaa ka bacdina u sii gudbaya Dubai.

HAMAD AIRPORT

Adeega rakaabka ee shirkadaha diyaaradaha ee waaweyn

Guud ahaan, adeegyada rakaabka (Passenger Service) ee shirkadaha diyaaradaha ee waaweyn ee u kala goosha aduunku wuu isku dhow-dhow yahay, waana la hubaa in diyaaradii aad raacdoba aanad ku qadi doonin, cunto iyo cabitaan dhadhan lehna aad ka heli doonto. Dhinaca madadaalada diyaarada gudaheeda (in-flight entertaintment) iyana waa waa la hubaa inaad heli doonto madadaalo kugu filan.

Sidaa daraadeed, macno badan ma samaynayso inaad sii kala doorato laba diyaaradood oo hal Airport ka wada duulaya saacado isku dhow, si toos ahna u tagaya hal magaalo saacado isku dhow, haddii aan qiime badan, saacadao badan ama service kale oo aad ku kala doorataa aanuu jirin.  Laakiin, waxa macno weyn sameynaya dariiqa (Route-ka) ay diyaaradu marayso ma toos baa mise waa qalooc? Waa intee saacadaha la joogayo airportka dhexe ama transfer la ahaanayaa??

Ha dooran tigidh jaban ee dooro tigidh munaasib ah

Sida caadiga ah, dadku marka ay tigidhada goosanayaan waxa ay ka dalbadaan xafiiska tigidhada jaraya in uu u gooyo tigidhka diyaarada ugu jaban ee tagaysa halka ay doonayaan. Waxase haboon in maanka lagu hayo in qiimaha tigidhada diyaarada tooska ah (direct flight) iyo ta soo wareegaysaa (Indirect flight) kala badan yahay. Waxa dhici karaysa in diyaarada soo wareegaysaa ay ka jaban tahay waxoogaa lacag ah ta tooska ah. Dadka qaar waxa ay lexejecleystaan waxoogaagaa lacagta ah ee farqiga ah, waxaanay gundhada jaraan diyaarad ka soo wareegaysa Kalkata! Halka dadka qaarkoodna ay doorbidaan in ay raacaan diyaarada tooska ah si xumada safarku markaba uga jabto oo aan safarku ugu lulmin!

Safarka diyaaradaha iyo qoysaska Soomaalida

Marka aad tahay family balaadhan oo safraya (waana sida ay Soomaalidu u badan tahaye), waxa dhici karta in qadarkaa yare ee lacagta ah ee u dhexeeya labada diyaaradood uu kuu baaqdo oo aad hawlo kale ku deberato. Laakiin, waxa aad ku talogashaa saacado ka badan saacadaha diyaarada tooska ahi ku tagayso magaaladii aad u socotay in ay kugu qaadan doonto. Waxa dhici karta in diyaarada aad raacday u baahato inay saacado dhawr ah fadhido candho-dhexe (magaaladii ay sii maraysay) si shidaal loogu shubo, Crewga loo bedelo, cunto iyo biyo cusub loo saaro, Checking loogu sameeyo amaba diyaarada laftigeeda la bedelo. Waa khasab in diyaarada laga dego oo airportka la galo hadana diyaarad kale lagu wareego.

Caruurta oo caajis dareema

Waxa dhici karta in caruurtu khaati ka istaagaan saacadahaa badan ee ay ciyaartii ka xaniban yihiin oo ay ku caajisaan (boring). Waxa dhici karta in dumarku ay ku dawakhaan kala badalka diyaaradaha, isla markaana u baahdaan caawimo gaar ahaan marka caruurtii ay wadeen ay faraha kala raacaan ee midiba jiho u dhaqaaqo gudaha Airportka (in badan ayaan tan oo kale goob joog u soo ahaa).

Shandadihii oo la waayo

Intaa waxa dheer, mararka qaarkood shandadihii qofku sitay waxa ay ku hadhaan Airportkii dhexe ee lagu sii degey, qofkiina waxa uu magaaladii uu ku socday gaadhaa isaga oo aan boorsooyinkiisii la socon flightka. Waxaana dhici karta, wakhti yar ka dib in uu qofku ku qoran yahay diyaaradii u qaadi lahayd Somaliland/Somalia, ka bacdina uu qofkaasi ku khasban yahay in uu sidaa ku baxo oo diyaarada raaco, isaga oo aan wadan boorsooyinkiisii hadyadaha iyo alaabta shakhsiga ahi ku jirtey. Haddii uu nasiib leeyahay oo hooyadii u ducaysey, marka ugu soo horeyso ee uu boorsooyinkaa heli karaa waa maalmo ka dib, haddiiba aan sidaa lagu waayin.

Dhibaatooyinkaa ka dhasha diyaaradaha aan tooska ahayni waa wax inta badan dhaca oo aan anigu shakhsiyan qaarkood goob joog u soo ahaa madaarka Dubai. Hase yeeshee taa macnaheedu maaha in qof kasta oo raaca diyaarad aan toos ahayni inuu la kulmayo dhibtan oo kale. Waxa jira flightyo badan oo aan toos ahayn oo dadku iyaga oo nafis ah oo aan boors ka lumen halkii ay u socdeen gaadha.

Gabogabo

Sidaa daraadeed, taladaydu waa in marka aad dhoofayso, haddii ay suurtogal kuu tahay, in aad raacdo diyaarad toos ah (direct flight) si aad saacado yar hawada ugu jirto, alaabtaadana u hesho marka aad cagaha dhigto halkii aad u socotay, hubaalna u noqoto in agabkaagu kula raaco diyaarada aad u raacayso Somaliland/Somaliya.