You are currently viewing Ku dalxiis Dubai Q 3aad

Ku dalxiis Dubai Q 3aad

  • Post author:
  • Post category:Tourism
  • Post last modified:05/07/2024

Maqaaladii hore ayeynu kaga soo hadalay qaybo ka mid ah goobaha loo dalxiis tago eek u yaala Dubai, qoraalkana waxa aan kaga hadli doonaa goobo kale oo dalxiis iyo macluumaad kale oo ku saabsan Dubai.

Ku dalxiis Dubai – booqo Jumeirah beach

Jumeirah Beach waa mid ka mid ah xeebaha ugu caansan ee ku yaal Dubai. Xeebtan quruxda badan waxa ay ku taalaa xaafadda Jumeirah, oo ah degmo caan ku ah guryo raaxo leh, hoteello, iyo meelo lagu caweeyo. Waa goob ay degaan dadka dalka u dhashay ee loo yaqaan Muwaadiniinta ama Imaaraatiyiinta, kuwa ku nool ee lacagta fiican haysta iyo dalxiiisayaashuba. Waxa ay ku dhereran tahay biyaha buluugga ah ee Gacanka Carbeed.

Jumeirah Beach waxa ay leedahay ciid cad oo jilicsan iyo biyo saafi ah oo buluug ah, taasoo ka dhigaysa meel ku habboon dabaasha, iyo ciyaaraha biyaha. Waxa aad ka heli karaysaa adeegyo kala duwan sida kiraynta doonyaha iyo mootooyinka badda, kuraasi lagu jiifsado xeebta, dalaayado  la hoos galo ama la hadhsado iyo meelo lagu maydho marka la soo dabaasho ka bacdi. Waxa intaa dheer, waxa ku yaala xeebtan hudheelo ama makhaayado laga cunteeyo, bunka iyo shaaha laga cabo oo maxali iyo caalamiba ah.

Jumeirah Beach waxa si joogto ah u ilaaliya badbaadiyeyaal xirfad leh, waxaana jira calaamado cad oo muujinaya aagagga dabaasha ee ammaanka ah. Amniga dadka booqanaya xeebta ayaa aad loo tixgeliyaa, iyada oo xeerar cad loo dejiyay si dadku sawir iyo fikrad wanaagsan uga qaataan xeebta.

Xeebta Jumeirah waxa ay u dhowdahay goobo dalxiis oo caan ah sida Burj Al Arab, Madinat Jumeirah, iyo Jumeirah Beach Residence (JBR). Sidoo kale, waxa ku dhow xarumo dukaameysi oo waaweyn iyo madadaalo sida The Beach at JBR, halkaa oo dalxiisayaashu ku raaxaysan karaan, dukaameysi, cuntooyin, iyo madadaalo noocyo kala duwan ahna ka heli karaan.

beach

booqo Sheikh Zayed Mosque

Masaajidka Sheikh Zayed waxa uu ku yaalaa magaalada caasimada ah ee Abu dhabi. Hase yeeshee, qofka Dubai tagaa si sahlan ayuu ku gaadhi karaa Masaajidkan. Waa mid ka mid ah masaajidyada ugu waaweyn uguna quruxda badan adduunka, waana astaan muhiim ah oo ku taal caasimadda midowga Imaaraadka Carabta. Masaajidkan oo loogu magac daray Sheikh Zayed bin Sultan Al Nahyan, aasaasihii hore ee UAE, waxa uu astaan u yahay dhaqanka iyo dhaxalka Islaamka. Waa meel lagu soo dhaweeo dhamaan dadka meel kasta oo ay ka yimaadaan iyo diin kasta oo ay haystaan.

zayed mosque

Masaajidka Sheikh Zayed waxa uu ku fadhiyaa dhul aad u balaadhan waxaana gali kara ama ku tukan kara dad ka badan 40,000 qof. Naqshada Masaajidkani waa isku dhafka farshaxanka Islaamka casriga ah iyo dhaqanka, waxaana lagu dhisay marmar cad, dahab, dheeman, iyo dhagaxyo kale oo qurux badan.

Masaajidku waxa uu leeyahay 82 qubbadood, mid kasta oo ka mid ahi waxa ay leedahay naqshad gaar ah. Sidoo kale, Masaajidku waxa uu leeyahay Minaarado dhaadheer oo gaadhaya 107 mitir. Gogosha ugu weyn ee gudaha masaajidka taalaa ama roogu waa mid ka mid ah goglaha ugu waaweyn adduunka. Laydhadhka laalaada waa kuwo cajiib ah oo ay ku jiraan mid ka mid ah laambadaha ugu waaweyn aduunka.

zayed mosque minaarad

Masaajidka Sheikh Zayed waxa uu u furan yahay booqdayaasha maalin kasta marka laga reebo waqtiyada salaadda Jimcaha iyo maalmaha ciidaha markaas oo uu u furan yahay oo kaliya muslimiinta. Booqdayaasha waxa haga dad loogu talogalay in ay u sharaxaan oo macluumaad buuxa ka siiyaan naqshadda masaajidka, dhaqanka Islaamka, iyo taariikhda Sheikh Zayed. Booqdayaashu waa in ay dhar xushmad leh ku tagaan masaajidka.

Masaajidka waxa lagu bixiyaa barnaamijyo waxbarasho iyo dhaqameed oo loogu talagalay dadka maxalliga ah iyo dalxiisayaasha labadaba, oo ay ku jiraan fadhiyada su’aalaha iyo jawaabaha iyo barnaamijyo gaar ah. Ujeeddadu waa in la fahmo oo la qadariyo dhaqanka iyo diinta Islaamka, iyada oo la isku wada xidhayo bulshooyinka caalamka. Booqashada Masaajidka Sheikh Zayed waa tajribo fiican oo aan la iloobi karin oo laga dheehan karo quruxda, farshaxanka iyo qoto dheeraanta naqshadaha Islaamka.

Ku dalxiis Dubai – Skydiving ama cir mushaax

Skydiving, oo af Soomaali ahaan loo yaqaan “cir mushaax” waa hawl mid ka mid ah waxyaabaha qofka xiisaynaya ee awoodi karaa caafimaad ahaan iyo dhaqaale ahaanba uu samayn karo inta uu joogo Dubai. Waa qofka oo la saaro diyaarad ka bacdina ka soo booda ama lagala soo boodo iyada oo la isticmaalayo Parachute. Waa mid ka mid ah waxyaabaha ugu xiisaha badan ee madadaalada ah ee ay dadka qaarkood raadiyaan si ay u helaan tajribo iyo xusuus aan la ilaawi karin. Marka uu qofku ka soo boodo ama lagala soo boodo diyaarada, waxa uu dusha ka daawanayaa oo ku raaxaysanayaa muuqaalka quruxda badan ee magaalada Dubai iyo deegaankeeda dabiiciga ah ee cajiibka ah.

Shirkada loo yaqaan “Skydive Dubai” waa shirkada ugu caansan ee bixisa adeegyada cir mushaaxa ee Dubai. Waxa ay leedahay laba goobood oo waaweyn oo loogu talagalay dadka jecel inay isku dayaan cir mushaaxa.

Goobta koowaad waxa loo yaqaanaa “Palm Jumeirah Dropzone” waana goobta ugu caansan ee cir mushaaxa ee Dubai. Qofku waxa uu ka boodayaa ama lagala boodayaa diyaarada marka ay dulmarayso ama ku began tahay Palm Jumeirah, oo ah jasiirad macmal ah oo leh qaabka geedka timirta. Boodayaashu waxa ay dusha ka daawan doonaan Palm Jumeirah, Burj Al Arab, Burj Khalifa, xeebta quruxda badan ee Dubai iyo meelo kaleba.

palm skydiving

Goobta labaad ee loogu talogalay ka booditaanka diyaaradu ama cir mushaaxu waa Saxaraha Dubai dushiisa, meesha loo yaqaano “Al Ain Road, Dubai Desert dropzone”. Goobtan sida goobtaa kale ee Palm Jumeirah Dropzone, waa halka lagu soo dagayo marka diyaarada laga boodo, waana lama degaanka  ama Saxaraha Dubai. Marka uu diyaarada ka soo boodo ama lagala soo boodo, waxa uu qofku daawan doonaa muuqaalka quruxda badan ee lama degaanka cajiibka ah iyo hirarka bacaadka iyo ciida ah ee saxaraha Dubai.

skydiving 2

Labadan goobood ee loo asteeyey cir mushaaxida, Dadka aan kaligood boodi karin waxa loogu diyaariyey waxa loo yaqaano tandem skydiving, oo macnaheedu yahay in qof tababare ama macalin ah oo takhasuska ka booditaanka diyaaradaha lihi uu kula boodi doono adiga oo isaga ama iyada ku xidhan oo wada isticmaalaya hal Parachute. Waxa sidoo kale jira koorsooyin  ama tababaro loogu talagalay dadka doonaya inay bartaan cir mushaaxa. Hadaba, haddii aad tahay qof cusub oo aan waligii sameynin cir mushaax, tandem skydiving (qof kugu lamaan oo kula boodaya) waa habka ugu fiican ee lagu bilaabo cir mushaaxnimada.

skydiving 1

Qofkii doonaya in uu cir mushaax ama sky diving sameeyo, waa in an da`diisu ka yaraan 18 sannadood. Waa in aan miisaankiisu ka badnayn 100 kg. Waa in uu caafimaad qabaa oo uu buuxiyaa shuruudaha caafimaad ee shirkadda cir mushaaxa bixinaysaa ay ku xidho dadka doonaya in ay cir mushaaxid sameeyaan. Dadka qaba xaaladaha caafimaad ee gaarka ah, waxa suurtogal ah in looga baahdo in ay warqad caafimaad oo dhakhtar qoray oo cadaynaysa in ay samayn karaan cir mushaax. Dhinaca labiska, waa in qofku xidhaa dhar waafi ah oo aan haynin oo munaasib ah iyo sidoo kale kabo munaasib ah sida kabo Sports ah oo kale.

skydiving

Qiimaha cir mushaaxa ee Dubai waxa uu ku xidhan yahay hadba goobta aad doorato in aad ku dul boodo  iyo nooca khibradda aad rabto (kali mise lamaane). Tusaale ahaan, tandem skydiving ee Palm jumeirah Dropzone ayaa ka qaalisan tandem skydiving Desert Dropzone. Lacagta tandem sky diving oo Jumeirah ahi qiyaastii  waa AED 2600 oo u dhiganta $710. Qiimahan waxa ku jiri karaa sawirro iyo fiidiyowyo qofka laga qaadayo si uu u xasuusto tajribadan. Booqo bogga rasmiga ah ee Skydive Dubai si aad u aragto qiimaha adeegan iyo macluumaad kale oo faahfaahsan.

https://www.skydivedubai.ae/en/book-your-experience

ku dalxiis Dubai – Dalxiiska Saxaraha

Dalxiiska saxaraha ee Dubai waa mid ka mid ah tajribooyinka ugu cajiibsan ee dadka jecel dabeecadda dhulka iyo dhaqanka carabta. Dalxiiskan waxa lagu dhex maraa ama lagu nagaadaa saxaraha, iyada oo la cunayo casho dhaqameed carabi ah, isla markaan la samaynayo waxyaabo kale oo xiiso leh inta Saxaraha la joogo.

Desert safari waa mid ka mid ah noocyada ugu caansan ee dalxiiska saxaraha ee Dubai. Waa safar lagu dhex marayo saxaraha iyada oo la isticmaalayo gaadiidka 4×4. Safariyada  noocan ah waxa la galaa wakhtiyo kala duwan sida subax, galin danbe iyo habeen.

Safarka subaxdii waa mid la qabto subaxa hore, waxaana lagu sameeyaa sandboarding, kaxaynta baabuurta ATV, iyo booqashada tuulooyinka dhaqanka. Safarka galabtii isagu waa kan ugu caansan, waxa uu bilowdaa gelinka dambe. Waxa uu ka kooban yahay kaxaynta baabuurta 4×4 (dune bashing), fuulitaanka awrta, daawashada qoob-ka-ciyaarka dhaqanka, iyo casho dhaqameed carabi ah oo lagu raaxaysto hawada furan. Waxa kale oo isaguna jira safarka habeenkii lagu dhaxayo Saxaraha. Booqdayaashu waxa ay seexan karaan teendho dhaqameed, waxayna ku raaxaysan karaan daawashada xiddigaha habeenkii.

Waxa jira dhowr meelood oo lagu qabto dalxiiska Saxaraha waxaana ka mid ah:

Dubai Desert Conservation Reserve oo ah meel la ilaaliyey ama la dhawray oo loogu talagalay xanaaneynta xayawaanka. Halkaas waxa aad ku arki kartaa deerooyin, Gumburi iyo xayawaano kale. 

Al Marmoom Desert Conservation Reserve oo ah meel kale oo qurux badan oo lagu qabto hawlo kala duwan oo dalxiiska saxaraha ah iyo dhaqanka.

Gumburi 1

Wakhtiga Ugu Haboon ee la booqdo Dubai

Dubai waxa ay leedahay cimilo kulul oo qallalan inta badan sanadkii oo dhan. Wakhtiga ugu habboon ee la booqdaa waa inta u dhaxaysa bilaha November ilaa March. Cimiladu bilahaas waa qabow, waana mid ku haboon dadka aan xamili karin kulaylka badan.

Dukaamada hadyadaha – Souveneur shops

Waxa jira waxyaabo badan oo Dubai laga iibsan karo oo hadyad ahaan loo qaadan karo sida dharka, cadarada, alaabta guryaha la dhigto, sharaxaado, iwm. Goobaha ugu fiican ee hadyadahaa laga iibsan karaana waa dukaamada loo yaqaano wax walba hayaha ee qiimahoodu jaban yahay ee ku filiqsan dhamaanba magaalada Dubai. Waxa ay iibiyaan alaabooyin qiimahoodu ka bilowdo AED 5 ilaa wixii ka sareeya.

souvenir