You are currently viewing Cabsidii Diyaarada iyo wadne xanuunkii Qurbejooga!

Cabsidii Diyaarada iyo wadne xanuunkii Qurbejooga!

Wakhtigu waa bilowgii sanadihii 2000ka. Waxa aan ka mid ahaa shaqaalaha diyaarada ka dhex shaqeeya ee loo yaqaan “Cabin crew”. Shirkada aan u shaqaynayey waa Damal Airlines oo u kala duuli jirtey Dubai/Sharjah iyo magaalooyin badan oo dhulka Soomaalida ku yaala sida Muqdisho (No 50), Hargeysa, Boosaaso, Garoowe, Burco, Ceerigaabo, iyo Gaalkacayo. Sidoo kale, Damal Airlines waxa ay duulimaadyo Xajka ah ku tagi jirtey Jeddah, Saudi Arabia.

Shaqadaydii Diyaarada iyo duulimaadkii Sharjah ilaa Dubai

Duulimaadka aan ku qoranahay waxa uu ka soo bilaabanayaa Sharjah. Aniga, wiilka aanu wada shaqayno iyo Crewga Ruushka ah ayaa diyaarada ka soo duulinaya Sharjah oo ka soo dejinaya Terminal 2, Dubai Airport, halkaa oo rakaabka laga sii qaadayo. Nooca diyaaradu waa Ilyushin-18. Waa diyaarad 4 mishiin oo marwaxad ah leh oo uu sameeyey midowgii soviet sanadihii 1950s. Diyaaradani waxa ay qaadi kartaa ilaa 110 qof iyo alaabtooda. Waa diyaarad ku haboon dhulka soomaalida iyo garoonada burbursan amaba bacaadka ah. Yacnii waa diyaarad adag.

Wakhtigii Xagaaga iyo dhoofitaankii dadka badan

Wakhtigu waa xilligii kulaylaha ama summerka oo dad badan ayaa dhoofaya. Dad badan oo ka mid ah kuwa diyaarada raacayaa, waxa ay ka yimaadeen dalalka Europe, Australia iyo waqooyiga Ameerika. Halka dad aan badnayni ay ka dhoofayaan Imaaraadka. Sida caadiga ahna, wakhtigaa dadka ka yimaada Europe iyo North America badankoodu waxa ay Transit ku sii mari jireen Dubai oo ay alaabooyin ka sii iibsan jireen, ka bacdina diyaaradaha soomaalida ka sii raaci jireen ilaa dalkii.

Dubai Airport, Terminal 2 iyo rakaabkii Damal Airlines

Subaxdaa diyaaradu waa ay buuxday. Aniga iyo saaxiibkay ayaa dadka u adeegayna. Dadkii diyaaradii ayaa la hoos keenay. Way soo fuuleen oo gudaha u soo galeen. Dadka badankiisu Yurub ayey ka yimaadeen oo diyaarado wanaagsan oo hablo cad cadi fadhiga ugu adeegayaan ayey soo raaceen. Kuwa mar dhoofka ahi way saluugsan yihiin diyaaradan yare e marwaxadaha leh ee foosha xun ee cidhiidhiga ah ee wax ka soo urayaan! Dadka qaar ayaa nagula kaftami jirey waar diyaaarada ma Adhi ayaad ku qaadeen maxaa ka soo uraya. Run ahaantii ma jirin wax ka soo uraya diyaarada ee waa bir gabowday oo kolay lama mid aha birta iyo diyaarada cusub.

https://www.dubaiairports.ae/before-you-fly/which-terminal/check-by-airline

Ka walaacidii Diyaarada Ilyushin-18

Dadkii rakaabka ahaa ayaa soo fuulay diyaaradii. Hase yeeshee, waxa diyaarada ka walaacay nin dheer oo nin wayn ah oo Qurbaawi ah. Magaciisa saxda ah ma sheegayo ee Dheereeye ayaan ula baxayaa oo uu sheekada ku matalayaa hadda iyo wixii ka danbeeya. Dheereye waxa uu ka yimid dalka UK. Mar alla markii uu Dheereeye soo galay gudihii diyaarada ee uu arkay cidhiidhigeeda, foolxumaanta iyo siifada ka soo uraysa ayuu gariiray!

Dheereeye: Adeer, wadnaha ayaa I xanuunaya oo diyaarada ma raaci karo ee iga dejiya.

Waabuu dhididay oo kursi halkan ah ku dhacay oo naqaska tuuray. Cajiib. Biyo qabow Ayaan ku qabtay oo uu wax yar ka cabay.

Xaalad caafimaad ayaa soo korodhay

Arinkan caafimaad (medical case) ee soo kordhay waxaan u sheegay Duuliyiihii diyaarada waday, sidoo kalena Masuuliyiintii shirkada qaarkood oo wali diyaarada hoos joogana warkii waan gaadhsiiyey. Waxa la go`aansaday in Dheereeye dhakhtar la geeyo. Waxa loo dalbay Ambulance oo qaaday. Dib ayaa loogu celiyey gudaha dhismaha airportka (Terminal 2). Cabaar ayaa lala maqnaa oo aanu sugaynay in uu raaci karo iyo in aanu ka tagayno oo markaa ay khasab noqon doonto in alaabtiisiina la dejiyo. Dheereeye waa la soo baadhay, hase yeeshee wax wadno xanuun ah, macaan kacsan/dhacsan, dhiigkar ama xaalad caafimaad ah oo keeni karaysa in uu diyaarada ka hadhaa ma hayso. Kaliya waxa haysay baqdin (phobia) uu ka qaaday diyaaradan foosha xun! Adeer waad caafimaad qabtaa ee diyaaradaada raac ayaa lagu yidhi.

Wax ka ogow Diyaarada Ilyushin-18

Aan ku noqdee, nooca diyaaradaa uu ka wiswisay Dheereeye waxa ay ahayd Ilyushin 18. Waa diyaarad rakaab oo lagu sameeyey dalkii Midowga Soofiyeeti (USSR). Diyaaradaa wakhtiyadaa aad ayaa loo isticmaali jirey oo shirkado badan oo diyaaradeed sida Daallo Airlines, Damal Airlines, Jubba Airways, Inter Somal Airways iyo kuwo kale ayaa isticmaali jirey. Waxa ay ku wanaagsanayd diyaaradaasi garoon kasta oo xaadh xaadhan way dagaysaa. Laakiin waxa ay ahayd diyaarad gaabisa (waxa ay ahayd kuwa marwaxada weyn leh) marka loo eego kuwa jetka ah, waanay foolxumayd marka loo eego kuwan casriga ah. Diyaaradani ma lahayn wax maqal ama muuqaal ah (TV) oo ay dadku ku madadaashaan inta ay safarka ku jiraan (Inflight entertaintment). Taa badalkeeda waxa aanu dadka u shidi jirnay cajalad video oo ay qaybta danbe ee diyaarada ee VIPda ah lagu daawan jirey. Dadka saaca bi saaca ayaanu uga dhigi jirnay. Wakhti waxa aanu u shidi jirnay cajalad wacdi diini ah. Wakhti kalena waxa aanu u shidi jirnay cajalad riwaayad soomaali ah. Si kastaba ha ahaatee, diyaaradaa ILYUSHIN 18 aad baa loogu reeyey oo waa lagu ladnaa xaga isku xidhka safarka.

Dheereeye oo lagu khasbay in uu Diyaarada raaco!

Dheereeye dib ayaa diyaaradii loogu soo celiyey. Kursi halkan ah ayuu isku tuuray isaga oo kelmado ingiriisi ah ku hiiftaamaya. Oo yaa dan ka leh. Aniguna albaabkii diyaarada ayaan si bilaa naxariis ah u xidhay. Qam. Isaguna indho kulul oo aad moodo kuwii Indho-leebkii Hargeysa joogi jirey (AHN) ayuu igu soo gubay. Mikirifoonkii ayaan qabsaday oo aan dadkii u sheegay in ay diyaaradu kacayso oo ay suumanka xidhaan, waxa kale oo aan u sheegay inta saacadood ee loo soconayo Hargeisa oo ahayd 5 saacadood. Dheereeye oo sidaa ii soo eegayey ayaa madaxa luxay isaga oo ka yaaban saacadahan badan ee uu diyaaradan foosha xun ee cidhiidhiga ah ku sii dhex jirayo.

U adeegidii rakaabka iyo ilnugeylkii Dheereeye

Markii ay diyaaradii cabaar hawada ku jirtay, ayaanu bilownay qaybinta cuntadii loogu talogalay rakaabka (catering). Dadka badankiisu way iska seexan jireen, dad yar oo kooban ayaa cuntada cuni jirey oo soo jeedi jirey. Kuwa seexday cuntada miiska ayaanu u saari jirnay oo marka ay soo toosaan subaxdii ayey cuni jireen. Qaarkood ayaaba magaalada u qaadan jirey cuntada.

Dheereeye isagu manuu seexan oo wadne uu ku seexdo ma laha, cuntadii aan hor dhigayna afkaa muu saarin oo nafsadba uma hayo, appetitekiiba wuu ka guuray baqdin daraadeed. Ma hadlayo. Waxa ka soo hadhay uun indho waaweyn oo uu kolba sidaa iigu soo eegayo marka aan diyaarada ka dhex shaqaynayo. Daaqada ayuu kolba eegayaa markii waagii baryey (dilaacay) mise waa caad, daruuro iyo cir madaw. Dhul kaa dheer, cir kaa dheer ayuu ku jiraa. Waa nasiib ayuu kolay hoosta ka lahaa (qiyaastii).

Hadaba waa kuma Dheereeye?

Ninkan Dheereeye mar danbe ayaanu si fiican u sheekeysan doonaaye, waxa uu ku dhashay oo ku koray Miyiga. Yaraantiisii waxa uu ahaa Geeljire karti badan. Libaaxa iyo isagu Ugaadha ayey kala goosan jireen. Waraabaha dhirta ayuu la hadh gali jirey. Maska iyo bahalka hoose dhulka ayey wada goglan jireen. Nin dhiiran oo aan libiqsan ayuu ahaa. Gaajo, Haraad iyo Daal toona waxba ma yeeli jirin. Guga iyo Jiilaalku isugu mid ayey ahaayeen oo muu ka daali jirin xanaanaynta Geela, Xergeyntiisa iyo ilaalintiisa. Aan soo koobee, nolol adag oo miyi ayuu ku soo koray. Wuu tacabiray oo xagaa iyo Badda ayuu u dhoofay. Wuxuu noqday Seaman, salka dhigtay dalka Ingiriiska. Waxa uu maqnaa 40neeyo sannadood. Waxa uu go`aansaday bal in uu dalkii iyo dadkii soo eego, wax dhintay iyo wax nool. Waa kaligii safarkan.

Hargeisa International Airport

Illaahay mahadii, waxa aanu si nabad gelyo ah ku dagnay madaarka Hargeisa. Markii uu Dheereeye salaankii diyaarada lagaga soo degayey ka dhamaaday ee uu cagaha dhulka saaray ayey neef weyni ka soo booday, dhawr naqas oo neecawdii Masalaha ka dhici jirtey salaada horena wuu jiiday, markaasuu yidhi “Alxamdullilaah”. Waan soo gaadhay markaasaan ku idhi Adeer, illaahay wuu ina nabad qab keenay Hargeisa, Alxamdullilaah, naftuna mar uun bay baxdaa, Aniguna diyaaradaa aanad jeclaysan (dee kuma cadayn karo oo ma odhan karo diyaaradaa aad ka baqataye) ayaan ka dhex shaqeeyaa oo maalin walba raacaa, imikana dib ayaan ula noqonayaa. Isaga oo aan ii jawaabin ayuu xagaa iyo dhismihii garoonka Hargeisa u dhaqaaqay. Xaalkiisu waxa uu ahaa walee dhulow kaama kaco!

Dheereeye iyo Hargeysa

Dheereye magaaladii Hargeysa ayuu galay. Guri uu isagu soo dhistay oo hadda walaalkii ku jiro ayaa qol looga habeeyey. Maalintii wuu seexday ilayn waa nin xalay oo dhan diyaarada guuxeeda dhagaysanayey oo baqdin daraadeed laba indhood isu keeni waayaye. Fiidkii ayuu soo toosay markaasuu waraysi iyo hadal bilaabay. Hebel ka warama? Ilma Hebel yaa ka nool? Geelii maxaa ka jooga? Reeruhu halkee bay yaalaan? Dad maxaa iga dambeeyey? Iyo Boqol su`aalood oo la mid ah ayuu walaalkii ku asqaysiiyey. Waa looga wada jawaabay inkasta oo ay goor dambe noqotay sidii idaacadiisaa loo dhagaysanayey, hadana ileyn waa Xaaji soo dagaye cid ku dhacda oo tidhaahda hadaba naga seexo waa goor dambee waa la iska waayey.

Iswaraysigii Dheereeye iyo Saaxiibadii

Subaxdii ayuu magaalada galay. Walaalkii ayaa raacay. Makhaayadii Tayuub ee suuqa hoose ku taalay ayuu fadhiistay. Waxa uu ka helay dhawr oday oo ay berri fog isugu dambaysay. La is bariidi, la is gacan qaad, la is waraysay, shaah iyo sheekoba waa la wadaagay. Dadkii ay isku kacaanka ahaayeen miyi iyo magaalaba ayuu warayastay. Dadkaa badankoodu waa wax dhintay, in sariirta taala, qaar dheeldheeliyaya oo talax gabay balse wali socda iyo mid mid geed adayg u dhashay oo wali xoog ah.

Iswaraysigii Dheereeye iyo Tolkii

Markii duhurkii la gaadhay ayuu Dheereeye ka soo kacay fadhigii makhaayada Tayuuub. Gurigii ayuu u qado tagay. Galabtiina waxa la geeyey guri uu tolku fadhiisto oo arimaha reerka lagu xaliyo laguna faaleeyo. Rag badan oo aanuu hore u aqoon oo maanta taladii reerka gacanta ku haya ayey isbarteen. Isaguna durba tolkii la qabsay. Berri Qaadkiina/Jaadkiina aniga ayaa qaba ayuu ragii meesha fadhiyey ku yidhi. Dheereeye bad buu galaye, markii waagii baryey ayuu nin waliba kolay Qaadka/Jaadka lagu iibiyo oo guriga hortiisa ah oo innan tolka ahi haysato ayuu nin waliba wixii uu cuni karayey Qaad/Jaad ka qaatay. Haddii ay jeebkooda ka bixinayaan way yaraysan lahaayeen, laakiin mar haddii Xaaji Dheereeye lacagta uu bixinayo loo nixi maayo. Oo sidee loogu naxaa isagaaba lacagihii Giniga iyo Dollarka sitee. Miyuu kaba war hayaa wixii ina soo maray dal nabad ah ayuun buu iska soo galaye? Intan haddii lagaga tago ayaabuu buro sidaa. Iyo erayo la mid ah ayaa ninkaa xoolihiisa la cunayo lagu durayaa!

Xaaji Dheereye makhsinkii ayuu galabtii yimid, sheekadii iyo shaahii la bilaw, isaguna feedha ayuu kaga daray. Wax yar oo aan badnayn oo Qaad/Jaad ah ayuu cunay. Raamsiga ayaa isu baxay. Hebelow shaahaa ii tiigso, iyo biyahaa isa soo dhaafi. Hebelow adiga ayaa ku haystee waxaan ku idhi ….Raga meeshaa fadhiya qaarkood waa local oo warkii wargeysyadu maalintaa qoreen ayey ku murmayaan. Qaarkood ayaa idaacadaha dhagaysta oo heer caalami dooda iyo hadalka ka yara dhigayey. Fiidkii markii la kala caraabayey ayey innantii kolayga Qaadka/Jaadka lahayd ee laga sii qaatay odaygii Dheereeye lacag badan ka tirisay. Waabay u ducaysay ilayn wax mar kaliya Qaad/Jaad sidaa uga wada iibsada oo waliba lacagtiina naqad ugu wada tiriya may arkin beryahaase.

Dalxiiskii Dheereeye ee Hargeysa

Dheereeye intii aanuu Qurbaha u tacabirin, magaalada ayuu waxoogaa joogay oo wuu kala yaqaanaa Hargeysadii hore, hore, hore. Wuxuu ku falayey mooyee, meelo badan ayuu yidhi isoo tusa sida Masjid Jaamicii hore, Jameeco wayn, Laba Nuux, Qudhaca Farax Nuur, Geed Goble, Xero Hadhuudhii, Heegada, Beerta Suldaanka, Beerta Xoriyada, Sayladii hore, Lokal Gabarmanka (local government), Taar dheer, Malko durduro, Xero Jaadii iyo meelo ku dhawdhawaa! Al muhiim Dheereeye intii uu Hargeisa joogay dal iyo dadba wuu bartay. Magaalo is wada badashay, dad cusub oo dhulkii buuxiyey, dadkii uu yaqaanay oo faro ku tiris ah, ayuu la kulmay.

Dhaqankii Miyiga ayaa jiitay Dheereeye oo waxa uu gaadhi u raacay Miyiga. Shidhka ayuu raacay. Tuulihii markii uu gaadhay ayuu xagaa iyo reerkii miyiga ku caraabay. Waa la weheliyaa oo kaligii maaha. Socodka waa loo yara gaabinayey oo waa nin wayn oo hadana reer magaal ah. Aakhirkii reerkii waa la soo gaadhay. La is wada salaan, la is waraysay. Waxoogaa Sonkor, Shaah, Bariis iwm oo ay tunka ku sideen ayaa loo dhiibay marwadii reerka. Alaabtii iyo raashinka intii kale tuulahga ayaa la dhigay oo berri ayaa Awr lagu soo qaadayaa.

Dheereeye ardaagii Geela ayaa gogol loo dhigay. Oodo dhacamo ahna dhaxanta ayaa lagaga soo dugsiyey. Qoryo ruud ah oo la shitona waa la soo tuulay. Dhiilalkii Geela lagu maali lahaa ayaa culay loola dhaqaaqay. Waa fiid cawl. Koorihii Geela ku xidhnaa ayaa dhawaaqoodu soo baxay.Waa Koor, Boodaan, Aleen iwm. Geelii xeradii ayaa lagu soo shubay. Waa la tiriyey, waanuu dhamaa intii subaxdaa xerada ka dareertay.

Kuraydii geela waday iyo Dheereeye ayaa la isbaray. Waxoogaa arad-beel ah oo uu u siday inamada Geela haya ayuu siiyey. Yaryarkii kale ee reerka ayaa ku soo xoomay. Mid mid ayuu Nacnac iyo Buskud u siiyey. Waanuu wada bartay. Iyaguna kuray waliba markii uu faraqa ka buuxsaday macmacaan magaalo ayuu aqalkii tagay. Geelii waa la maalay, caanihii la cab, dumarkii iyo caruurtii loo gee caanahoodii. Qorog caano ka buuxaan ayaa Xaajiga dushiisa la dhigay si uu habeenkii u mirto oo u dacar baxo.

Habeenkii oo dhan ayuu inamadii reer miyiga ahaa uga sheekeynayey cajaaibu dunyaa, dad indho buluug ah leh iyo wuxuu bad iyo berri soo maray. Way la dhaygageen waxan uu shubayo Dheereeye. Waa habeen cado niidhiye ah. Hadalka Xaajiga iyo Raamsiga Geela ayaa wax sanqadh ah la maqlayaa. Kolba dabka ayaa qoryaha la is raacinayaa oo oog laga dhigayaa. Inamadii waabay hiyi kaceen. Goor dambe ayuu maskaxda ka shaqaysiiyey oo uu is yidhi inamadan aad barwaaqada iyo meel lacagta gidaarada lagala baxayo aad uga sheekeynaysaa armay Geela iskaga tagaan oo magaalada galaan. Waa sidii uu isaguba yeelay wakhti hore. Ku yeh, Adeer meel walba soo maray oo waaniga caawa ardaagii Geela ee aan 40sanno ka hor ka tagay caawaba jooga. Lama huraan waa caws jiilaal, aduunyaduna waa iska gabogabo ee xoolaha ayaa la isugu imanayaaye inoo celiya oo inoo xanaaneeya. Madaxa ayuu u salaaxay labadii kuray. Waana la kala seexday.

Subaxdii hore ayaa la toosay oo Geelii la lisay, caanihii la cab, Geelii iyo xoolihii kale la dareeri. Xaaji Dheereeye dhiil ayaa caano looga buuxiyey oo loo dhigay geed hadhwayn oo loo goglay oo guriga kambalkiisa ah. Yaamis (raashin ,magaalo) isagu ma rabo, caano geel oo uu ku dacar baxo ayuunbuu dhamayaa. Muddo ayuu caano geel uun cabayey. Wuu nafisay oo fududaday. Maalmaha qaarkood tuulada ayuu gaadhaa. Marmar Geela ayuu raacaa. Kolkol sahan ayuu raacay. Maalmaha qaarkoodna dhaan ayaabuu raacay. Waa ragii hore oo waxa ku adag in uu guriga dumarka iyo ciyaalka la joogo maalintii oo uu ku soo hadho.

Muddo ka dib, Dheereeye wuu ka soo ambabaxay miyigii, reerkii wuu soo nabadgalyeey, tuulihii ayuu tagay oo gaadhi ka soo raacay ilaa Hargeisa. Durba waxa uu bilaabay qalqaalo safar iyo sidii uu ugu noqon lahaa halkii uu ka yimid iyo ingiriiskii. Xafiiskii diyaarada ayuu tagay, booking ayuu samaystay, dadkii oo dhan soo nabadgalyee. Wax uu u bogay iyo wax uu diideyba wuu soo arkay.

Dheereeye oo dib u raacay Diyaaradii uu ka baqday!

Subaxdii hore ayuu airportka tagay, diyaaradii aan la socdayna way soo cago dhigatay. Dadkii iyo alaabtii Hargeisa u socday way dageen, dadkii dhoofayey ee Dubai u socday ayaa soo fuulay. Mise Dheereeye ayaaba dadka ka mid ah. Wuu I gartay ilayn habeen dhan ayuu indhaha igu gubayey oo iga buuxsadaye. Is bariidinay, diyaaradii soo gal, kursi ku dhaw halka shaqaaluhu fadhiisto ayuu fadhiistay. Dadkii tiriyey, warqadihii kala gudoomanay (Passenger manifest), albaabkii xidhay, dadkii mikirifoonka kala hadlay si ay suumanka u xidhaan, diyaaradii kacday ilaa Boosaaso oo aanu sii mari jirey.

Anigu waxaan is leeyahay xaajigu goorma ayuu wadhiisii iyo wadno xanuunkii bugta ahaa bilaabi doonaa. Mise kamaba qasna, wuu qoslayaaba, wuu soo kacay oo I dul yimid aniga oo fadhiya.

Dheereeye: Adeer, diyaaradii hore miyaad badasheen?

Aniga: maxaad aragtay?

Dheereeye: Dee tani waa diyaarad cusub?

Aniga: Adeer maanu badalin ee adiga ayaa isbadalay, ayaan ugu jawaabay.

Boosaaso ayaanu ka dagnay, dad ku dajinay kuwo kalena ka sii qaadnay, ka dibna waxaanu u duulay xagaa iyo Dubai anaga oo sii marnay madaarka Rayaan , Mukallah, Yemen oo aanu shidaal ka sii qaadanay. Adeegii aanu dadka ugu talogalayna waanu siinay. Dadka qaar way seeexdeen. Qaarkood way qayilayaan. Qaarkood way iska fadhiyaan iyaga oo aan haysan wax ay ku maararoobaan ama isku maaweeliyaan inta duulimaadka lagu jiro (boring), Qaarkoodna way sheekeysanayaan.

Xaaji Dheereeye waxoogaa aan badnayn oo Qaad/Jaad ah ayuu sitaa. Kursi iska banaanaa oo xaga hore ah ayaan fadhiisiyey. Markii aan shaqadii dhameeyey ayaan aniguna la fadhiistay oo sheekada ka guray. Waxaa aan idiinka soo sheekeeyey oo dhan ayuu iiga waramay. Miyi ilaa Magaalo, Bad ilaa Berri, noloshiisaba wuu soo koobay. Markii aan in badan dhagaysanyey ayaan xasuusiyey habeenkii uu yara xanuunsaday (ilayn waad baqaysay ma odhan karee), markaasuu yidhi Adeer habeenkaa wax baa iga si ahaa. Is fahamnay.

Aniga: Oo Adeer waxaan ku weydiiyey, naftii kugu jirtay waagii aad Geeljiraha ahayd, miyaanay tii uuni kugu jirin imika? Miyaa lagaa badalay.

Dheereeye: Dee Adeer ma naf baa la badalaa??

Aniga: Oo Adeer hadaa sawdigan nuglaaday ee naftii jeclaaday ninkaagii waagii hore Libaaxa la legdami jirey.

Dheereeye: Adeer waagaa nin yar oo aan safetyga aqoon ayaan ahaa, imikase nin wayn oo wax badan arkay ayaan ahay, qofku marka uu sii weynaadona nafta ayuu sii jeclaanayaa ee ha ila yaabin.

Aniga: Xaasha kula yaabi maayo.

Wakhti ka dib, waxa la gaadhay xiligii ay diyaaradu hoos u soo dagaysay (descend), dadkii ayaan u sheegay in suumanka la xidho oo degitaan loogu diyaar garoobo.

Diyaaradii waxa ay ka degtay Terminal 2, Dubai Airport, odaygii Dheereeyena waxa aanu isku macasalaamaynay garoonka Dubai oo uu diyaarad kale ka sii raacayey ilaa UK, aniguna magaalada ayaan galayey.

Hadaba, xikmada ku jirta sheekadani waxa ay tahay in duruufaha iyo waayo aragnimada nololeed (life experience), iyo degaankuba (environment) in ay qofka badalaan muuqaal ahaan iyo maskax ahaanba. Dheereeye la yab malaha!