You are currently viewing Wax ka baro garoonka diyaaradaha ee Dubai International Airport

Wax ka baro garoonka diyaaradaha ee Dubai International Airport

  • Post author:
  • Post category:Travel
  • Post last modified:28/08/2024

Dubai International Airport, waa meesha ay maraan Somalida ugu badan ee ka soo dhoofa ama u dhoofa dalkii hooyo. Waa madaar aan muddo badan ka shaqayn jirey, kana dhoofi jirey. Sidaa daraadeed, wax badan Ayaan ka ogahay, garanayaa, kana qori karaa.

Garoonkan diyaaradaha waxa la bilaabay dhismihiisa sanadkii 1959kii. Wakjhtigaa waxa dalkaa xukumayey (dhab ahaantii, dal ahaan uma uu jirin ee magaalooyin yaryar oo mid walba qoys xukumo ayey ahaayeen) Ingiriiska. Madaarku waxa uu soo maray marxalado kala duwan. Dhawr jeer ayaa la balaadhiyey ama la kordhiyey dhismayaashiisa iyo runwaygiisaba. Maanta, Airportku waa mid ka mid ah kuwa ugu caansan, quruxda badan, dadka badan ama mashquulsan aduunka.

Macluumaad guud oo ku saabsan Dubai International Airport

Badka uu ku fadhiyo ama xayndaabka airportka Dubai waa 7 Km X 2.5 KM. Cabirka ama badka ay ku fadhido qaybta Cargo ama alaabta ee madaarku waa 35,000 sqm. Waxa sanadkii lagu qabtaa qaybtaa qaabilsan Cargoga alaab dhan 3.1million ton oo Cargo ah. Madaarka Dubai waxa uu ka mid yahay 10ka madaar ee ugu mashquulka badan aduunka xaga alaabta (Cargo).

Madaarku waxa uu leeyahay 526 check in counters oo ah miisaska ay shaqaaluhu fadhiistaan ee dadka dhoofaya looga adeego, laga miisaamo alaabta, lagana qaato boarding passka ama warqada diyaarada lagu raaco. Waa marka la isku daro 3da dhisme (Terminal) ee kala ah 1, 2 iyo 3.

Garoonka Dubai, markii ugu horaysay sanadkii 2014kii ayuu taariikhda galay oo noqday garoonka ugu dadka (dhoofayaasha) badan aduunka. Waxa sannadkaa ka dhoofay kana soo dagay Airportka 70.4m qof (international Passengers). Bishii ugu dadka badnayd madaarka Dubai, waxa ay ahayd bishii August 2018kii, bishaa oo dad gaadhaya 8.3 million rakaab ahi ay ka dhoofeen kana soo dageen garoonka (waa 280,000 qof maalintii ama 11,500 qof saacadii).

Wakhtigan xaadirka ah, maalin walba waxa garoonkan ka soo daga kana duula duulimaadyo ka badan 600 duulimaad oo uu kala socda ama ka yimaada dacalada aduunka.

Qalabka shandadaha qaada ee ku yaala airportka Dubai, haddii la isku wada xidhiidhiyo ama la isku dabataxo waxa uu gaadhi karaa 175Km dherer ahaan. Qalabkani waxa uu ka kooban yahay 15,000 tray ama saxan oo qaada shandadaha. Qalabkani bishii waxa uu qaadi karaa 9m shandadood.

Baggage

Emirates catering waa qaybta qaabilsan cunto siinta diyaaradaha oo ku dhex taala madaarka Dubai. Qaybtani waxa ay maalin walba cunto, cabitaan iyo wax kasta oo la quuto oo loo baahan yahay u diyaarisaa 490 duulimaaad oo u kala gooshaya dacalada aduunka. 215,000 cunto (meal) ayaa maalin kasta lagu diyaariyaa qaybtan. Waxa ka shaqeeya 1400 Cook ama cunto kariye oo cuntooyinka aduunka oo dhan karin kara.

Dubai Duty Free waa suuq wayn oo ku dhex yaala madaarada dubai. Suuqan oo la asaasay sanadkii 1983kii, waxa lagu iibiyaa dhamaan wax kasta oo loo baahan karo sida cadarada, sigaarka, macmacaanka iwm. Maanta, suuqan waxa ka shaqeeya dad gaadhaya 5900 qof oo ka kala socda dhamaan dalalka aduunka. Sanadkii 2023 lacagta iibka ee suuqan soo gashay waxa ay ahayd $2.16 million.

DDF SHOPPING COMPLEX CON A 4 JAN 2022

Dhismaha koowaad ee madaarka Dubai (terminal 1)

Madaarka Dubai waxa uu leeyahay 3 dhisme (Terminal) oo dadka rakaabka ahi ka dhoofaan kana soo degaan. Dhismaha 1aad waxa isticmaala diyaaradaha shirkadaha waaweyn ee aduunka oo dhan (marka laga reebo Emirates Airlines) sida kuwa laga leeyahay dalalka Carabta, Africa, Yurub, Maraykan, Asia amaba Australia. Waxa ka mid ah shirkadaha diyaaradaha ee isticmaala Dhismaha 1aad Qatar Airways, Gulf Air, Kuwait Airways, Ethiopian Airlines, Kenya Airways, British Airways, American Airlines, Malaysian Airlines, Lufthansa, Qantas, iwm. Terminalkan 1aad waxa la yidhaahdaa Sheikh Rashid Terminal, waxaana loogu magac daray ninkii Xukumi jirey Dubai ee Sheekh Rashid Bin Saeed Al-Maktoum.

Dhismaha 2aad ee madaarka Dubai (Terminal 2)

Terminalka labaad waxa isticmaala oo ka daga Daallo Airlines iyo Flydubai. Waxa kale oo ka dega shirkadaha diyaaradaha dalxiiska qaada (Tour operators), la kiraysto (Charters), Xajka qaada (Hajj Flights)  iyo kuwa yar yar sida  Rwandair oo kale. Dhismahan labaad, waxa uu ka soo horjeedaa dhismaha koowaad, waxa uu u jira masaafo durugsan (30 daqiiqo gaadhiga), waxaana labada dhisme u dhexeeya Runwayga ay diyaaraduhu ka haadaan kana soo dagaan.

DUBAI METRO


Dhismaha Saddexaad ee madaarka Dubai (Terminal 3)

Dhismaha saddexaad (Terminal 3)ee madaarka Dubai leeyahay waa ka ugu baaxada weyn, casrisan, uguna quruxda badan dhamaanba dhismayaasha uu ka kooban yahay garoonku. Dhismahani waxa uu u gaar yahay shirkada dalka laga leeyahay ee Emirates Airlines. Sidoo kale, dhismahani waxa uu u gaar yahay diyaaradaha waaweyn ee ay isticmaasho Emirates Airlines ee loo yaqaano A380. Diyaaradani waa diyaarad rakaab qaada ta ugu weyn. Waxa ay hal mar qaadi karaysa 550 qof. Terminalkan 3aad waxa uu ka kooban yahay 3 qaybood oo kala ah concourse A, concourse B & concourse C.

image

Hagida socotada transferka ah ee ka degaya dhismaha 1aad (Terminal 1)

Haddii aad ku timaado madaarka Dubai diyaarad wayn oo aan ahayn Emirates Airlines, waxa ay u badan tahay in ay ka dagayso dhismaha koowaad (Terminal 1). Sidaa daraadeed, haddii aad rabtay in aad gudaha u gasho Dubai, marka aad diyaarada ka degto, raac calaamadaha kuu tilmaamaya Immigrationka ama halka lagu hubiyo Passporada ee lagaaga shaanbadaynayo ama aad ka isticmaalayso electronic gateska casriga ah.

Laakiin, haddii aad u xadhko-xidhneyd inaad u sii gudubto Somaliland/Somalia adiga oo raacaya Daallo Airlines ama Flydubai, waa in aad tagtaa miiska transfer desk la yidhaahdo ee dadka laga wareejiyo ilaa Terminal 2.  Miiskani waxa uu ku yaala gate No 114 hoostiisa, Terminal 1.

Transfer 1

Hagida socotada transferka ah ee ka degaya dhismaha 3aad (Terminal 3)

Haddii aad la socotay diyaarada Emirates Airlines waxa aad ka degeysaa dhismaha saddexaad (Terminal 3). Haddii aad u socotay Dubai, waa in aad abaartaa dhismaha koowaad si aad dibeda ugu baxdo, adiga oo sii maraya immigrationka.

Haddiise aad tahay transfer u sii gudbaya dalkii oo raacaya Daallo Airlines ama Flydubai, iska xaadiri miiska ama xafiiska yare ee loo yaqaano transfer desk ee ku yaala Gate No 114 hoostiisa, Terminal 1.

Caawimada aad ka heli karto dismaha 3aad (Terminal 3)

Dhismahan saddexaad aad ayuu uga fog yahay dhismaha koowaad inkasta oo ay isku xigaan, waxaana labada dhisme oo isku xidhiidhsan loo kala soconayaa masaafo dheer. Sidaa daraadeed, haddii aad tahay qof waayeel ah oo socodku dhibayo, ama aad wado qof waayeel ah oo aan masaafo dheer socon karin, waxa aad raaci karaysaa gawaadhida yaryar  ee ka dhex shaqeeya gudaha airportka, kuwaas oo loogu talogalay in lagu qaado dadka aan socon karin masaafada dheer sida waayeelka, dumarka uurka leh, caruurta iyo shandadaha ay sitaan.

Haddii aad u baahato Push-chair aad caruurta ku qaadato, waxa aad si ku meelgaadh ah oo lacag la`aan ah u isticmaali karaysaa -gudaha airportka- push- chair ay leedahay shirkada Emirates Airlines, kaas oo sida caadiga ah aad ka qaadan karto afaafka aad ka soo galayso dhismaha Airportka, marka aad diyaarada Emirates Airlines ka soo degto. Waxa isaguna goobtaa laga heli karaa wheel-chair amaba kursiga dadka waaweyn lagu riixo. Lugee, gaadhi raac ama wheelcahair ha lagugu riixee, halka aad abaaraysaa waa dhismaha koowaad (Terminal 1) haddii aad gudaha u galaysey Dubai iyo haddii aad transfer tahay labadaba.

Dadka u sii gudbaya Somaliland/Somaliland

Haddii aad raacayso diyaaradaha Daallo Airlines ama Flydubai oo ka duula dhismaha labaad ee garoonka Dubai (Terminal 2), ku hagaag halka ay ku qoran tahay wareejinta dhismaha labaad (Terminal 2 transfers) ee ku yaala terminal 1. Sii diyaarso Tigitkaaga iyo Passportkaaga  kuna talogal in aad sii marayso security check ama baadhitaan.

Miiska wareejinta dadka iyo alaabooyinkooda

Marka aad ka gudubto baadhista, ku hagaag miiska (Counterka) dadka u socda dhismaha labaad laga wareejiyo, halkaas oo ay inta badan joogaan shaqaale Hindi ah oo ka socda shirkada Dnata ee qaabilsan adeega garoonka Dubai. Sida caadiga ah, shandadaha qofku sito waxa laga soo wareejiyaa diyaarada uu la socday, waxaana loo saaraa diyaarada uu raacayo iyada oo aan qofku ogaynba. Hase yeeshee, waxa aad iyo aad u muhiim ah inaad shaqaalahaa qaabilsan kala wareejinta dadka iyo alaabtooda in aad u dhiibto numberka shandada aad sidatay (Tag Number) si loo hubiyo in la wareejiyey oo la saaray ama saari doono diyaarada aad u raacayso Somaliland ama Somalia. Waa muhiim.

Qaado warqada aad ku raacayso diyaarada (Boarding pass)

Isla Counterkaa dadka laga wareejiyo, waxa lagaa siinayaa Boarding-passkii aad ku raacaysey diyaarada flydubai ama Daallo Airlines (haddii aanad hore u haysan). Intaa ka dib, waxa lagu lagu saari doonaa Bus u kala shaqeeya labada dhisme ee 1aad iyo 2aad oo socon doona qiyaastii 20 -30 daqiiqo, sidaana waxa aad ku tagaysaa Terminal 2. Dhismahan waxa aad ka heli kartaa goobihii wax laga cunayey/cabayey, duty free-gii alaabta laga iibsanayey, Musqulihii iyo goobihii lagu tukanayey intaba.

Galitaanka gudaha magaalada Dubai

Haddii wakhtigii ay diyaaradaadu kacaysay uu fog yahay oo aad doonayso in aad magaalada Dubai gasho oo soo joogto saacado kooban, isla markaana aad sidato Passport vise la`aan lagu gali karo Dubai iyo guud ahaanba dalka UAE, waxa aad samayn kartaa in aad tagto qaybta arrivalka ee dadka magaalada galayaa ay maraan adiga oo sii maraya immigrationka. Ka bacdi, waxa gelitaan (entry) laguugu dhufan doono passportka, ama waxa aad isticmaali kartaa electronic gateska. Ka bacdi, haddii alaabtaadu ay ku eekayd ilaa Dubai oo tag numberka shandadada ee aad sidataa sheeegayo in alaabtaadu Dubai uun ku eeg tahay, boorsooyinkaaga waxa aad ka qaadan kartaa halka shandaddaha laga qaato (Baggage hal).

Gaadiidka laga raaco madaarka Dubai

Ka bacdi, marka aad customka sii marto ee aad dibeda uga baxdo Airportka, waxa aad raaci kartaa Taxi ku geeya halka aad doonayso. Waxa kale oo aad raaci kartaa buska ama tareenka, haddii aad magaalada kala garanayso, alaab fudud oo aad jiidan kartona aad sidato. Haddii kale, tagsiga ayaa kuu fiican. Marka aad hawlahaaga soo dhamaysato, waxa madaarka ku gaynaya Taxi adiga oo bixinaya lacag dhan 30-40 Dirham oo u dhiganta $10-$15 dollar. ka bacdi, raadsado counterkii diyaarada aad raacayso ee dadka iyo alaabtooda loogu adeegayey.

Marka aad ka timaado Somaliland ama Somaliya

Marka aad ka timaado Somaliland ama Somaliya adiga oo la socda Daallo Airlines ama Flydubai, waxa aad ka degeysaa dhismaha 2aad (terminal 2). Sidaa daraadeed, haddii aad u socotay magaalada Dubai hore u soco oo ku hagaag immigrationka. Laakiin, haddii aad meel kale u sii dhoofayso, waxa aad ku hagaagtaa qaybta ay ku qoran tahay transfer. Halkaa waxa aad ku mari doontaa security check, ka bacdi waxa lagu lagu saari doonaa Bus u kala shaqeeya Termila 2 iyo terminal 1 oo socon doona qiyaastii 20 -30 daqiiqo. Ka bacdi, raadso counterkii diyaarada aad raacaysaya.

Caawimo iyo tilmaan

Haddii aad lunto ama caawimo u baahato, wax weydii shaqaalaha fadhiya miisaska iyo xafiisyada yar yare ee ku dhex yaalla Airportka ee loo yaqaan “Information centre” adiga oo waydiinaya macluumaadka aad u baahan tahay. Ha ku lugo`in in aad wax weydiiso shakhsiyaadka khamiisyada cadcad xidhan ee dhex warwareegaya Airportka!.


Gabogabo

Waxa aan qoraalkan kooban ku soo gunaanadayaa, dhoofe, garoonka Dubai waa meel ay adag tahay sida aad ugu luntaa, waa meel aan laga waayin cid ku tilmaanta-haddiiba aad u baahato-waase goob kharashkeedu badan yahay amaba qaalli ah. Waxa muhiim ah diyaarad kasta oo aad raacaysaba, wakhti hore in aad iska xaadiriso goobta iyo meesha ay ka socoto hawsha dadka diyaarada raacaya loogu adeegayo ee loo yaqaano Counterka. Hana seexan si aan diyaaradu kaaga tagin!