You are currently viewing The great escape from Istanbul, Turkey to the UK, through Sofia, Bulgaria!

The great escape from Istanbul, Turkey to the UK, through Sofia, Bulgaria!

Qaybtii hore ee sheekada, waxa aan ku xusay in warqadii baadhitaanka COVID19 oo negative ah aan soo qaatay. ka bacdina, aan tigit bas soo iibsaday si aan u tago Sofia, Bulgaria, ka bacdina uga sii gudbo ilaa UK.

Warqada caafimaadka COVID19 ee aan sitaa waxa ay shaqaynaysaa 3 maalmood. Waxa aan doonayaa in aan 3 wadan ku maro (Turkey/Bulgaria/UK). Maalintii hore waxa ay igaga dhacday gudaha Istanbul. Fiidkii dambe ayaan istaankii Buska tagay. Passporadii ayaa na laga ururiyey. Si weyn ayaa loo soo hubiyey. Warqadii caafimaadka ayaa nala weydiiyey. Waan dhiibay. Waa ok. Visa aan ku galo Bulgaria uma baahnayn oo Passportka aan sitaa waa BRITISH PASSPORT.

Buskii ayaanu fuulay. Dadka la socdaa Waa Turkey iyo Bulgarian (cadaan). Kaligay ayaa madow ka ah. Isma af naqaano. Buskii 09:30pm ayuu nala dhaqaaqay. Adeeg fiican ayaa na loo sameeyey. Cunto fudud, cabitaan, iyo hand sanitizers ayaa nala siiyey. 5-6 saacadood ka dib ayaanu gaadhnay xadkii Turkiga iyo Bulgaria.

Buska waa laga dagaa oo lug ayaa lagu soo maraa labada immigration ee labada dal. Ka bacdi, ayaa buskii oo dhinaca Bulgaria kugu sii sugaya la fulaa. Baskii waan ka dagay. Immigrationkii xadka Turkiga looga sii baxayo ayaan saf u galay.

image 7

Hubintii Immigrationka xadka Turkida

Daaqadii Immigrationkii Turkey ayaan soo istaagay. Gabadh ayaa igu soo hagaagtay. Waxoogaa isha ayaa la iga buuxsaday. Aad ayaa la iigu fiirsaday. Qiyaastii waxa ay u maleeyeen in aan tahriibayo. La yaab ma laha oo Turkey waa laga sii tahriibaa. Si wayn ayaa Passportkaygii iyo anigaba loo baadhay.

Su`aalo badan la I weydiiyey. Documents kale iyo bank cards ayaan la soo baxay. Aakhirkii is furfuray. Waa la ii shaanbadeeyey Passportkaygii (Exit) ka bacdina waan dhaafay immigrationkii Turkey. Alxamdullilaah. Wax yar markii aan socday ayaan ka talaabay meel u dhaxaysa xadka labada dal. No man`s land.

Xanibaadii Immigrationka xadka Bulgaria

Waxa aan gaadhay immigrationkii xadka Bulgaria. Passportkii ayaan u dhiibay. Waaba la igu qoslay. Ma garan sababta laakiin waxaan iska sawirtay in ay ku qoslayaan xabadan madow ee Afrikaanka ah ee tahriibaysa. Qol gaar ah ayaa la I geeyey. Passportkii la arag in uu sax yahay. Ka bacdina, suaalo ayaa la igu bilaabay.

Immigration: Xagee ayaad u socotaa

Aniga: waxaan u socdaa UK

Immigration: Maxaad halkan u soo martay?

Aniga: Diyaarad ayaan waayey.

Immigration: Intee ayaad joogaysaa Bulgaria?

Aniga: Maalin ama laba maalmood.

Intaa wax la I waydiinayo mid ka mid ah askarta immigrationka ayaa computer khaas ah oo data badani ku jirto (qiyaastii) ku baadhay Passportkaygii. Waxa u soo baxday in aan Bulgaria hore u imid sanadkii 2016kii. Markaa ayey su`aalihii badnaa iga daayeen. Sawirkaygaygii ayaa la I tusay.

Immigration: Qofkaasi ma adigaa?

Aniga: Haa waa Aniga.

Nafis ayaabaan dareemay. Markaasaa la ii shaanbadeeyey passportkaygii (Entry) oo la I sii daayey. Ka bacdina, Buskii oo aniga kaligay I sugaya oo dadkii kale oo dhami wada saaran yihiin ayaan gaadhay. Kolay way I karaahiyeysteen, laakiin sida Soomaalida la iguma qaylin la imana dagaalin. Buskii fuulay ka bacdina nala dhaqaaq.

Magaalada Plovdiv iyo subax hore

Saacado ka dib ayaanu gaadhnay Caasimada labaad ee Bulgaria oo ah magaalada loo yaqaano Plovdiv. Magaaladan Plovdiv waa magaalo qadiim ah oo jirtay muddo ku siman 8000 sannadood. Waxa ku nool qiyaastii 500,000 qof. Dadka muslimiinta ah ee ku nool oo u badan Turkey waxa lagu qiyaasaa 20,000 qof.

Magaaladan waxa ku yaala jaamacado aad u fiican oo lagu barto caafimaadka oo arday badan oo Soomaali ahi ay dhigtaan. Dad aan badnayn ayaa ku dagay magaaladan, ka bacdina waxa uu buskii u jihaystay Sofia.

image 8

Magaalada Sofia iyo salaad hore

Waxa uu busku u kala socday labada magaalo 2 saacadoood iyo badh. Ugu danbayntii, waxa aanu soo gaadhnay caasimadii Bulgaria ee Sofia.  Sofia waa magaalo qadiim ah. Dadka ku nool waxa lagu qiyaasaa 1.2 million. Waxa magacan Sofia magaalada loo bixiyey 1376kii. Boqortooyo ayaa ka dhisnaan jirtey.

Hase yeeshee, boqortooyadii islaamiga ahayd ee Cusmaaniyiinta ayaa cagta mariyey boqortooyadii Bulgariyiinta, waxaana ay qabsadeen Sofia sanadkii 1393kii. Ka bacdi, waxa ay Cusmaaniyiintu uga sii gudbeen dhinacaa iyo Balkanska (Bosnia iwm). Muddo dhan 500 sanadood ayey boqortooyadii Cusmaaniyiintu ka talinaysay Bulgaria. Ilaa hadda jaaliyad badan oo asalkoodu Turkish yahay ayaa ku nool Bulgaria. Goobo badan oo islaam ayaa ku yaala Sofia. Anigase in aan ka sii baxo ilaa UK ayuun baa ii daran!

Goobta aan Buska kaga dagay waa xarunta wayn ee basaska ee loo yaqaan Central Bus Station. Wali waa subax hore. Magaaladu wali may soo wada toosin. Daal, qaadiro iyo hurdo la`aan badan ayaa I haysa wajigaygana way ka muuqataa. Werwer iyo maxaa dhici doona ayaa ii weheliya. Tolow diyaarad ku qaada ilaa UK maad heli ayey maskaxdu aad ugu celcelinaysay.

Wax kale kuma garatide, dabeecadii ayaa iga xumaatay oo cadho iyo neerfis ayaan dareemayaa. Laba shandadood ayaan jiidanayaa, mid yarna dhabarka ayaan ku sitaa. Waxaan ku itaalay xaruntii ama istaankii tareenada gudaha magaalada laga raacayey. Yoolkaygu waa in aan tago Sofia Airport si aan xafiisyada diyaaradaha mid ka mid ah tigit aan UK ku tago uga soo iibsado.

image 9

Sakhraamiintii farajka ii noqday ee i tilmaamay!

Intii aan tareenka ku sii socday, waxa aan ka hoos dusay meel dhulka hoostiisa ah (underground). Waxa meel halkaa oo kale ah iiga soo muuqday koox sakhraansan oo ilaa xalay (qiyaastii) cabayey oo xareedinaya. Waa 4 nin iyo qof dumar ah. Inta xun ayaan soo saraysiistay. Dagaal iyo wax iska celin ayaan ku talogalay. Dhinac ayaan isaga barbariyey oo is idhi dhaaf. Gabadhii ayaaba I salaantay.

Iyada: Hello

Aniga: Hello

Hore ayaan isaga sii socday aniga oo jidh diidsan. Waan dhaafay. Waan lumay oo meel khaldan ayaan maray. Meeshii tareenka waan waayey. Dib ayaan ugu soo noqday halkii aan maray iyo sakhraamiintii. Gabadhii ayey dantu igu khasabtay in aan weydiiyo halka uu tareenku iga xigo. Way ii tilmaantay. Waar wali sakhraamad ka wanaagsan. 1 Euro ayaan siiyey. Raga hadal kuma jiro oo ilaa xalay ayey miranayeen biyahaa kulul, laakiin gabadhu way yara sunaysay uun ayaan u malaynayaa, ragana iyada ayaa gaadh ka haysa nabadgelyadooda. Al muhiim, Tareenkii waan helay oo xagaa iyo airportkii ayaan u baqoolay.

Sofia International Airport

Airportku waa iska cidla oo dad badani ma joogaan. Waa subax hore, waana wakhtigii xanuunka COVID 19 jiray ee socodka iyo dhoofka dadku yaraa. Markiiba xabadan madaw ee shandadadaha waaweyn jiidanaysa ee wajiga xun ayaa la wada arkay. Waxa aan noqday TUKE baalcad. Yeelkadoode, Anigu Xafiiskii diyaarada Ryanair ayaan tagay si aan tigit uga iibsado. Nasiib darro wuu xidhnaa. Waan iska hor fadhiistay si aan u sugo inta la furayo.

https://www.sofiaairport.bg/en

image 10

Shakigii la iga qaaday iyo Aygii la igu soo fasaxay!

Wax yar ka dib markii aan fadhiistay xafiiska diyaarada hortiisa, aniga oo iska fikiraya oo yabaalsan ayuun baan ku war helay 2 askari oo hubaysan oo xoog waaweyn oo I dul taagan!

Askartii: Maxaad ahayd?

Aniga: Musaafir.

Askartii: Xagee ayaad ka timid?

Aniga: Turkey.

Askartii: Xagee ayaad u socotaa?

Aniga: UK.

Askartii: Keen passportkaaga?

Aniga: Hooya, waan u dhiibay

Passportkii ayey cabaar eeeg eegeen, waxoogaa ayey igu maraateeyeen oo ila joogeen ka bacdi way iga tageen. Alxamdullillaah. Laakiin, wali la igama qoob qaadine, wax yar ka dib, waxa ii yimid 2 askari oo midkood hubaysan yahay, ka kalena waxa uu wadaa ay/ey ah kuwa daroogada iyo waxyaabaha qarxa uriya.

Alaabtaydii ayaa Aygii/Eygii farta loogu fiiqay oo lagu fasaxay si uu u baadho, markaas ayuu dhan walba ka uriyey. Oo muxuu ka heli maryo uskag ah ayaa ka buuxee, dee dhididkaygii ayuun buu cabaar sanka la raac raacay! Iyagiina markii Aygii/Eygii waxba sheegi waayey ayey iga tageen.

Laakiin, isha ayaa la igala socdaa dhaqdhaqaaqayga oo waxa aan ahay target. Ma garan karo waxa ay ka shakiyeen. Waan xanaaqay laakiin maxaan samayn karaa?? Dee waxba.

Xafiiskii Diyaarada iyo iibsashadii Tigitkii UK aan ku tagi lahaa

Xafiiskii diyaarada waa la furay. Tigit qaalli ah ayaan iibsaday oo aan waliba abaal ku qabay. Wakhtiga dhoofku waa berri 05ta subaxnimo. Tigitkii gacanta ayaan ku dhigay. Wifi gii airportka ayaan mobilka ku xidhay. Hotel aan seexdo caawa ayaan booking garaystay online. Ka bacdina taxi dibeda taagnaa ayaan tusay cinwaanka oo I qaaday. 20 minutes ka bacdi hotelkii ayaan tagay. Lacagtii bixiyey. Qolkii la I gee. Waan maydhay oo yara nafisay.

https://www.ryanair.com/ie/en

Hotelkii aan ka dagay magaalada Sofia

Maanta waa maalintii 2aad ee warqada caafimaadku ii shaqaynaysay. Berri oo aan baxayo ilaa UK ayaa ugu dambaysa. Hawli ma yaree, waxa aan buuxbuuxiyey documentskii loo baahnaa marka aad UK ka dagayso ee la odhan jirey Locator form. Waa in aad online ku gudbisaa/buuxisaa information badan sida magacaaga, halka aad ka timid, diyaarada aad raacayso, kursiga numberkiisa, halka aad ku dagayso iwm. Waxa kale oo khasab ahayd in aad sii booking garaysato COVID19 test lagaa qaadi doono marka aad UK tagto maalinta 2aad iyo maalinta 8aad.

image 13

Dhamaan hawlihii la iga doonayey oo dhan waan dhameeyey. Waxoogaa nafis ah ayaan dareemayey. Ugu yaraan wixii aan kaga bixi lahaa Bulgaria waan haystaa. Laakiin wali fari kama qodna safarkaygii.

Raadintii cunto xalaal ah

Markii aan hawlahaa oo dhan dhameeyey ayaan naftii igu jirtay xasuustay. Waan google gareeyey meel aan in uun cunto xalaal ah ka heli karo, laakiin nasiib darro maan ku guulaysan. Dibeda ayaan isaga baxay bal in aan meel xalaal ah uun helo. Waxa aan helay meel vegetarian food lagu iibinayo. Maafishkaba keen ayey noqotay. Halkii ayaan tagay oo cunto vegetarian ka soo cunay, waxoogaana ka soo qaatay aan ilaa caawa ku noolaado.

Hotelkii ayaan ku soo noqday. Wakhtigu waa casar. Waan tukaday salaadihii oo jamac gaaban ah. Cabaar ayaan is yara kala bixiyey sariirta. Reerkii iyo UK oo talaabo talaabo ula socday safarkayga ayaan wargeliyey halka xaal marayo. Xaaska ayaa lacag iigu shubtay cardkii bankiga, ka dib markii aan u sheegay in aan goostay shidaalkii. Waxa qorshayagu yahay in aan cabaar yara nasto, fiidkana magaalada soo yara daadaawado, caawa xilli hore seexdo, salaada horena airportka tago.

image 11

Dalxiiskii Sofia iyo dareenkii dadka aan ka qaaday

Wakhtigu waa horaantii bisha May. Waa Xagaa ama xilligii kulaylaha horaantiisii. Casar gaabkii ayaan ka soo baxay Hotelkii aan degenaa. Cajiib. Mise magaaladuba banaanka ayey tuban tahay. Qaar beeraha (park) fadhiya. Qaar jardiinooyinka wax ku cabcabaya. Qaar ordaya. Qaar music waalan dhagaysanaya oo madaxa lulalaya. Qaar gacmaha iyo afka iskula jira! Caynba cayn. Wax kale kuma garatide sidii summerka ayey ahayd Sofia. Haba yaraatee wax cabsi ah oo dadkaa xanuunkaa COVID 19 ka haysay iimay muuqan. Waxa lagu jirey mirqaan. Maalintu maalinta ay ahayd ma hubo, laakiin waxa aan u malaynayaa in ay Jimce ama Sabti ahayd. Yacnii weekend iyo wakhtiga biyaha kulul xoog loo cabo.

Waa yeelkadoode, Anigu waan iska lugeeyey oo dariiqyada waaweyn ayaan maray si aanan u lumin. Dariiqba dariiq ayuu ii dhiibay. Qiyaastii saacad markii aan lugaynayey ayuu gabalkii dhacay. Suuqa badhtankiisii ayaan ku soo noqday. Waa camiran yahay. Dhalinyaro laba laba (Inamo iyo Hablo) u wada socota ayaa meel walba buux dhaafiyey. Qof waliba, hada waa qof waliba, waxa uu gacanta ku sitaa daasad ama quraarad uu wax ka cabayo.

Bac ayaa igu xidhantay ka dib markii dhawr qof si xun ii soo eeg eegeen. Waxa aan ka shakiyey in mid sakhraamay uu madaxa quraarad igu dilaaciyo. Oo sidee ayaad isku difaaci kartaa. Dee adiguba quraarad soo qaado ayey naftu I tidhi. Waa sidii ninkii reer Jigjiga ee ninka ka soo horjeeda ee qayilaya ee muraaayada madow xidhan, ka yabaalay ee isaguna inta uu kacay muraayada madow soo iibsadaye, inta aan yabaalay ayaan dukaan galay oo xabad sharaab ah (hadda waa sharaab caadi ah) oo quraarad ku jira ka soo iibsaday ayaan laalaadsaday. Shaadhkana badhamada sare ayaan dhawr furtay. Talaabadana waan yara badalay. Calashaan sidii Atoorayaasha ayaan u soconayey! Haye. Quraaradi quraarad maxay ka qaadi. Dee waxba.

Cabaar markii aan warareegay ayaan hotelkaygii iskaga noqday. Waxa aan isku sii balamiyey ninkii qaabilaada ama receptionka fadhiyey ee caawa shaqaynayey in uu I toosiyo marka ay saacadu gaadho 02da subaxnimo. Waa yahay ayuu yidhi. Wax yar ayaan u laabay. Waan iska tukaday, khudradii aan maalinimadii soo iibsaday ayaan ku casheeyey, mobilkiina waxaan ku buuxsaday wakhtigii aan doonayey in aan kaco, ka bacdina waan iska iska seexday.

Hurdadii koobnayd iyo u diyaargarawgii safarka subaxdii

Hadaba, si ay wax u dhaceenba, wakhtigii aan ku buuxsaday mobilka kumaan toosin. Miyuu qayliyey oo waan maqli waayey. Ma codka ayaa ka xidhnaa. Mooyi. Nasiib wanaag waxa I toosiyey ninkii aan lacagta yar siiyey ee aan isku sii balamiyey.  Degdeg ayaan u diyaar garoobay oo hoosta ugu soo dagay. Taxi ayaan ku idhi iila hadal. Mise maba jiro Taxiba. Talo ayaa igu cadaatay.

*Miyaan airportka saq dhexe u lugayn karaa?/ dee Maya.

*Ma shandado waaweyn ayaan jiidan karaa?? Dee Maya.

*Miyaan ka hadhi karaa diyaaradaa I gaynaysa UK. Xaasha.

*Dee hadaba dhako keen.

Markiiba fikrad ayaa igu soo dhacday. Ninkii ayaan la hadlay.

Aniga: Gaadhi ma leedahay?

Isaga: Haa

Aniga: Halkee ayuu yaalaa??

Isaga: Banaanka parkinka.

Aniga: Ka waran haddii aan lacag ku siiyo oo aad airportka I gayso.

Isaga: Shaqada kama bixi karo.

Cabaar ayaan aamusay. Yara niyad jabay. hadana is canaantay si aanan isu dhiibin.

Ninkii ayaan ku jeestay.

Aniga: Hadaba inankan kaala shaqaynaya hoteelka u sii dhiib gaadhiga si uu airportka ii geeyo, lacag fiicana waan ku siinayaa

Isaga: Waa yahay.

Waxa aan u sii qadimay 50 Euro oo labanlaab ka badan lacagtii uu Taxigu igu gayn lahaa airportka. Gaadhigii ayaan alaabtii ku gurtay, Airportkii ayaana la I geeyey. Alxamdullilaah.

Wali kar ayaa igu taagane, si aan ula socdo bal in diyaaradii I qaadaysay ay ka soo duushay UK iyo in kale. Waxa aan mobilkayga ku soo dajistay (download) applicationka lagula socdo dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ee loo yaqaano flightradar24. Waxaan ku baadhay flight numberkii, garoonkii ay ka soo kacaysay (origin) iyo halka ay ka dagaysay (destination). Waan arkay in ay soo duushay oo dhexda ku soo jirto. Waan farxay. Saacadiiba dhawr goor ayaan eegayey mobilka si aan u hubiyo bal in ay diyaaradii wali soo socoto iyo in wax kale ku dhaceen oo laba xawilay!

Sofia International Airport iyo salaadii subax

Saacad ka hor soo degitaankii diyaarada ayaa nala fayliyey. Dadku ma badna. Passporadii, tigidhdii iyo warqadii COVID 19 ayaa la iga qaaday. Waa la hubiyey. Wax waliba waa ok. Waa la I check gareeyey. Warqadii boarding passka ayaa la I siiyey. Immigrationkii ayaan dhaafay. Gudihii airportka ayaan galay. Salaadii subax ayaa soo gashay. Meel koone ah ayaan koodhkaygii dhigtay oo ku tukaday. Askar ayaa igu yara maraateeyey laakiin ilama ay hadlin. Waa yeelkadood. Diyaaradii soo dagtay. Dadkii saarnaa ka soo dage, anaguna fuulay. Wax yar ka bacdina way nala duushay. Bye bye Bulgaria. Alxamdullilaah.

London Stansted Airport

Airportka ay diyaaradu ka dagaysaa waa London Stansted oo ka baxsan magaalada London masaafo dhan 42 mile.

image 12

Anigu Magaalada aan ku socodo ee reerkaygu dagan yahay waa Bristol. Ku dhawaad 5 saacadood ayaa loo kala soconayaa, waaba haddii gaadiid toos ah la helo. Diyaaradii waxa ay ka dagtay Stansted airport. Kala fogaada. Afka xidha. Iyo sheekadii COVID 19 ee aan Sofia ku soo ilaaway ayaa markiiba nalagu bilaabay. Immigrationkii ayaan imid. Passportkii, warqadii COVID 19 iyo warqadii bookinka testka ayaan u dhiibay. Nin weyn ayuu ahaa. Waxaagu waa very organized ayuu igu yidhi. Thank you ayaan ku idhi oo sii waydaartay. Shandadahaygii ayaan ka qaatay suunka wareega (conveyor belt) ee shandadaha lagu soo gaadhsiiyo gudaha airportka. Dibeda ayaan u baxay. Mise wax la raacaaba ma jiro!

https://www.stanstedairport.com

Annaga oo dhawr qof ah oo cidla taagtaagan ayuu mid timojilic ahi yidhi aniga ayaa idin gaynaya London Victoria oo ah halka centreka magaalada ee laga raaco buseska iyo tareenada u kala goosha magaalooyinka kale. Waar laylatul khadarkan la idiin soo diray muxuu ahaa ayaan hoosta ka idhi! Lacagtii ayaanu cabaar kula gorgortanay. Aakhirkii heshiinay. 8 qof ayuu nagu xareeyey bus yar oo ah nooca Van ka loo yaqaano. Iga durug iyo COVID 19 iyo waxaasi ma jiraan. Busku waa cidhiidhi. Waxa aanu abaal ku qabnaa wax na gaadhsiiya meel aaanu bus ama tareen ka heli karayno. Hadal iska badane London Victoria ayaan kaga dagay buskii timojilica.

Safarkaygii London iyo Bristol

Waxa aan Victoria Coach Station ka soo raacay buska la yidhaahdo National Express ilaa Bristol. Waa 3 saacadood oo kale. Waa sidii aan xalay 2dii u kacay. Daal, gaajo, haraad iyo hurdo la`aan intuba way I hayaan, laakiin mar haddii aan UK soo gaadhay reerkaygiina u socdo waa iska ooraydh! 3 saacadood ka dib ayaan gaadhay gurigaygii iyo caruurtaydii. Xanuun iskumaan ogayn hadana waxa aan ka werwersanaa in aan xanuun u soo waarido reerka. Salaan guud ayaan salaamay. Qol gaar ah ayaan isku karantiimeeyey. Maalintii 2aad ayaan iska qaaday testkii. Waan direy samplekii. Maalintii xigtay ayaa la ii soo sheegay by email in aan negative ahay. Alxamdullilaah. Markaa ayaan si caadi ah ula noolaaday reerkaygii iyo caruurtaydii.

https://www.nationalexpress.com/en

NATIONAL EXPRESS