You are currently viewing Ku dalxiis Dubai Q 2aad

Ku dalxiis Dubai Q 2aad

  • Post author:
  • Post category:Tourism
  • Post last modified:05/07/2024

Qormadii hore waxa aan kaga hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan Dubai sida taariikhda Dubai, sida aad ku tagayso Dubai, garoonka diyaaradaha ee Dubai, Gaadiidka aad ka raacayso, Hoteelada Dubai, gaadiidka ka dhex shaqeeya Dubai, lacagta Dubai iwm. Qormadan 2aad waxa aan kaga hadli doonaa goobaha dalxiiska ama muhiimka ah ee ku yaala Dubai. Hadaba ka bogo qoraalkan oo ku dalxiis Dubai!

https://www.visitdubai.com/en

Ku dalxiis Dubai – booqo Suuqa Dahabka

Suuqa Dahabka ee Dubai, oo loo yaqaan Gold Souk, waa mid ka mid ah suuqyada ugu caansan ee dahabka lagu iibiyo ee ku yaalla magaalada Dubai, gaar ahaan deegaanka Deira. Suuqan ayaa ah meel soo jiidasho leh oo ku yaal qayb ka mid ah magaalada taariikhiga ah ee Dubai, waxaana la aasaasay 1940-yadii, waqti uu gobolku bilaabay inuu noqdo xarun muhiim u ah ganacsiga dahabka.

Gold Souk waxa uu ka kooban yahay dhowr sakadood oo isdabayaal oo ay safan yihiin dukaamo badan. Dukaamada halkan ku yaal ayaa iibiya noocyo kala duwan oo dahab ah, oo ay ku jiraan 18 ilaa 24 karat. Waxaa intaa dheer, waxaad ka heli kartaa alaabooyin kale sida lacagta, dheemanta, luulka, iyo jawharadaha kale oo qurux badan. Qiimaha dahabka ee suuqani guud ahaan waa gorgortan iyo baayacaad.

Marka aad booqato suuqan, waxa aad markiiba maqlaysaa dhawaaqa ganacsatada oo ku xayeysiinaya dahabkooda, dadkana ku casuumaya in ay soo galaan dukaanadooda oo wax ka iibsadaan. Dukaamada suuqan ku yaalla ayaa si qurux badan u soo bandhiga dahabkooda, iyaga oo dahabka si taxaddar leh ugu soo bandhiga daaqadaha dukaamada, taas oo soo jiidata indhaha dadka dukaameysiga ah. Dalxiisayaal badan ayaa booqda suuqan si ay u arkaan suuqan cajiibka ah, iyaga oo aan wax dahab ah ka iibsanahayn.

Dubai Gold Souk 1

Souk Almurshid

Souq Al Murshid ama Al Murshid Souk, waa suuq dhaqameed ku yaalla Dubai, gaar ahaan agagaarka deegaanka Deira. Waa mid ka mid ah suuqyada qadiimiga ah ee magaalada, waxaana aad ka dareemaysaa marka aad dhex joogto dhaqankii Carbeed. Suuqa Al Murshid wuxuu caan ku yahay inuu yahay meel ay dadka maxalliga ah, ganacsatada iyo dalxiisayaashuba yimaadaan si ay uga iibsadaan alaab kala duwan, oo ay ku jiraan dharka, dahabka, udugga, Electronicska iyo alaabta guriga.

Booqdayaasha Suuqa Al Murshid waxa ay dareemaan ama arkaan wajiga dhabta ah ee Dubai, iyaga oo arkaya sida ganacsatada maxalliga ah iyo macaamiishu u dhaqmaan. Booqashada Suuqa Al Murshid waa waayo-aragnimo dhaqameed oo xiiso leh. Ogow, gorgortanka qiimaha alaabtu waa qayb muhiim ah oo ka mid ah khibradda dukaameysiga ee suuqan, iyada oo iibsadayaashu ay inta badan ka wada xaajoon karaan qiimaha alaabada kala duwan.

https://www.tripadvisor.co.uk/Tourism-g295424-Dubai_Emirate_of_Dubai-Vacations.html

murshid

Burj Khalifa

Burj Khalifa waa dhismaha ugu dheer aduunka. Dhererkiisu waa ku dhawaad 828 mitir. Dhismahani waxa uu ka kooban yahay 163 dabaq, waxaana la dhammaystiray sanadkii 2010. Burj Khalifa ma aha oo kaliya xafiisyo iyo guryo, laakiin sidoo kale waxaa ku yaal hoteello iyo makhaayado cunto.

Dhismahani waa astaan muhiim u ah Dubai iyo calaamad muujinaysa horumarka dhismayaasha casriga ah ee ka hanaqaaday Dubai. Burj Khalifa waxa ku yaala hoteelka Armani Hotel. Dalxiisayaashu waxa ay booqan karaan ‘At the Top’, oo ah figta ugu saraysa oo laga daawan karo dhamaan magaalada Dubai.

burj khalifa

Dubai Mall

Dubai Mall waa mid ka mid ah suuqyada ugu weyn adduunka, waxaana ku yaal in ka badan 1,200 dukaan. Waxa ku yaala goobo cunto oo tiro badan, aagagga ciyaaraha carruurta, iyo xarunta barafka ee Dubai Ice Rink. Sidoo kale, Dubai Aquarium & Underwater Zoo, oo gudaha mall-ka ku yaal, waa mid ka mid ah aquarium-yada ugu waaweyn adduunka, waxayna soo bandhigtaa kumanaan noole badeed ah oo ay ku jiraan libaax badeedyadu.

Mallku waxa uu martigeliyaa dhacdooyin kala duwan sida bandhigyada fashion-ka iwm, waana xarun ganacsi iyo madadaalo oo dhammaystiran.

dubai mall

Palm Jumeirah

Palm Jumeirah waa jasiirad gacanta lagu sameeyay oo qaab geed timireed ah. Waxaa la dhammeystiray 2006-dii. Waxa ay hoy u tahay oo ku yaala hoteello raaxo leh, guryo gaar loo leeyahay, villooyin gaar loo leeyahay, makhaayado caalami ah iyo naadiyo xeebeedyo raaxo leh (clubs).

Jasiiraddan waxa ku yaal Atlantis the Palm, oo ah huteel raaxo oo caan ah oo leh madadaalo sida Aquaventure Waterpark iyo The Lost Chambers Aquarium.

palm

Dubai Fountain

Dubai Fountain waa biyo-fadhiisinka ugu weyn adduunka, waxaana uu ku yaalaa harada ku hor taala Burj Khalifa. Bandhigyada biyaha ee fountanka ayaa isku daraya muusiga, laydhadhka iyo biyo, waxayna dhacaan maalin kasta dhowr jeer. Waxa aad ka helaysaa daawasho qurux badan oo muusiga iyo laydhku isku ladhan yihiin, taas oo jiidata dadweyne fara badan.

Muusiga la shidaa waxa uu isugu jiraa heeso caalami ah iyo kuwo Carbeed, taas oo ka dhigaysa bandhigyada kuwo soo jiita daawadayaal kala duwan.

fountain

Dubai Frame

Dubai Frame waa dhisme dhererkiisu yahay 150 mitir oo loo qaabeeyey sida qaabka frame-ka sawirka. Dubai Frame, oo ku taal Zabeel Park, waxa ay ay noqotay mid ka mid ah meelaha ugu sawir galida badan Dubai.

Dubai frame dhererkiisu waxa uu u dhigmaa 48 dabaq ama 150 metre. In ka badan 2000 ton oo xadiid ah ayaa lagu dhisay. Lacagta lagu gala waa 50 AED oo u dhiganta $13.5.

frame 1

Burj Al Arab

Burj Al Arab hotel oo la dhisay sanadkii 1999kii, waa huteel heer sare ah oo loo qaabeeyey qaabka shiraaca doonyaha. Waxa uu ku yaal jasiirad macmal ah oo u dhow xeebta Jumeirah. Waa huteelka kaliya ee 7-xiddig leh adduunka. Waa hotel ku suntan adeeg sare iyo raaxo.

Burj Al Arab waxa laga heli karaa qolal iyo suites si qurux badan loo qurxiyey, makhaayado caalami ah, iyo adeegyo heer sare ah.

Hoteelkan waxa booqda dalxiisayaal badan oo aan daganayn hoteelka. Waxa la bixiyaa lacag dhan 249AED oo u dhiganta $68 si loo galo hoteelka.

burj al arab 1

Dubai Miracle Garden

Dubai Miracle Garden oo la furay sanadkii 2013ka, waa beer lagu beeray malaayiin ubax ah. Beertani waa meel aad u qurxoon oo si farshaxanimo leh loo beeray ubaxyada qaabab iyo naqshado kala duwan oo soo jiidasho leh. Beertani waa mid ka mid ah beeraha ugu weyn adduunka ee noocan oo kale ah.

Dubai Miracle Garden waa beerta ugu ubaxyada badan adduunka, marka laga hadlayo beeraha aan dadnayn, waxayna hoy u tahay in ka badan 50 milyan oo ubax ah oo ku fidsan 72,000 mitir murabac. Beerta waxa loo qaabeeyey naqshado ubaxeed oo cajiib ah, oo ay ku jiraan qaababka diyaaradaha, guryaha, iyo xayawaanka, beertan waxa lagu qurxiyey iftiin iyo farshaxan si loogu dabaaldego munaasabadaha gaarka ah iyo xilli ciyaareedyada.

dubai miracle garden

Emirates Mall

Mall of the Emirates, oo ku yaala Dubai, waa mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu waaweyn uguna caansan caalamka. Suuqan wayn waxa la dhisay sanadkii 2005, wuxuuna noqday meel muhiim ah oo loogu talagalay dukaamaysiga, madadaalada, iyo faakihaysiga.

Mall of the Emirates waxa uu leeyahay qaab dhismeed casri ah oo soo jiidasho leh. Waxa ku dhexyaal in ka badan 600 oo dukaamo kala duwan oo lagu iibiyo noocyada kala duwan ee alaabooyinka sida dharka, kabaha, qalabyada kala duwan ee elektarooniga ah iyo alaabta guryaha. Suuqa waxaa ku yaal sidoo kale dukaamo caalami ah oo ay ka mid yihiin Gucci, Chanel, Apple, iyo H&M, kuwaas oo soo jiita dadweynaha dukaamaysiga jecel.

emirates mall

Al Ghurair Centre

Al Ghurair Centre waa mid ka mid ah xarumaha ganacsiga ugu da’da weyn Dubai, waxaana la furay sanadkii 1981. Xaruntan ganacsi waxay ku taallaa xaafadda Al Rigga ee deegaanka Deira, Dubai. Waa goob caan ku ah ganacsiga, madadaalada, iyo hoyga. Waxa aad ka heli kartaa dukaameysi dhammaystiran iyo madadaalo loogu talagalay dadka deegaanka iyo dalxiisayaasha labadaba.

Al Ghurair Centre waxa ku yaala in ka badan 200 dukaan oo iibiya alaabooyin kala duwan sida dharka, elektarooniga, qalabka guryaha iyo waxyaabaha la isku qurxiyo ama jidhka lagu daryeelo. Waxa ku yaala dukaamo caalami ah iyo kuwo maxalli ah, taas oo ka dhigaysa meel ku habboon in ay tagaan dadka doonaya in ay hal meel ka adeegtaan baahidooda oo dhan.

Alghurair centre waxa kale oo ku dhexyaala makhaayado cunto, kafateeriyado, iyo baararka cuntooyinka fudud laga cuno. Waxa kale oo ku dhex yaala goobo madadaalo oo kala duwan oo ay ku jiraan goobaha caruurtu ku ciyaarto, meelo lagu daawdo filimada, iyo goobo lagu qabto bandhigyada gaarka ah ee munaasabadaha kala duwan.

Xarunta Al Ghurair waxa ku dhexyaal hoteelka caanka ah ee Swissotel Al Ghurair, oo ah hoteel raaxo leh oo bixiya adeegyo heer sare ah iyo hoy qurux badan.

dubai al ghurair

Mutxafka Mustaqbalka ee Dubai

Museum-ka Mustaqbalka Dubai, oo sidoo kale loo yaqaan The Museum of the Future, waa dhisme aad u cajiib ah oo ku yaal badhtamaha magaalada Dubai. Dhismahan waxa la furay bshii February sanadkii 2022da.

Dhismaha Museum-ka Mustaqbalka waxa uu leeyahay naqshad wareegsan oo aan lahayn tiirar muuqda, oo dusha sare lagu qurxiyey xarfo Carabi ah oo laga soo xigtay hadallo uu yiri Sheikh Mohammed bin Rashid Al Maktoum, hoggaamiyaha Dubai. Naqshaddan gaarka ah waxay muujinaysaa isku xirka dhaqanka carbeed ee qadiimka ah iyo tiknoolajiyada casriga ah.

Museum-ka Mustaqbalka ma aha oo kaliya meel lagu soo bandhigo teknolojiyadda; waa madal loogu talagalay in lagu dhiirrigeliyo fikirka hal-abuurka ah iyo in la saadaaliyo sida tiknoolajiyada cusubi u qaabayn karto mustaqbalkeenna. Waa meel waxbarasho iyo wacyigelin, oo dhiirrigelinaysa doodda ku saabsan saameynta teknolojiyadda ee nolosheena iyo meeraha.

Museum-ka Mustaqbalka Dubai waa mid ka mid ah meelaha ugu cusub uguna xiisaha badan ee laga booqdo Dubai, waxaana uu ku habboon yahay dadka xiiseynaya teknolojiyadda, hal-abuurka, iyo mustaqbalka.

future museum dubai

Matxafka Etihad

Matxafka Etihad ee Dubai, oo sidoo kale loo yaqaan Union Museum, waa goob cajiib ah oo ku taal magaalada Dubai. Matxafkani waxa uu kayd u yahay taariikhda muhiimka ah ee midowgii iyo asaasitaankii dalka Imaaraatka Carabta. Waxa lagu soo bandhigaa dhacdooyinkii iyo halgankii ay soo mareen madaxda aasaasay dalka UAE.

Union Museum waxaa la furay sanadkii 2017 si loo xuso 45-guuradii ka soo wareegtay aas-aaska Midowga Imaaraatka Carabta. Waxaa laga dhisay goobtii ay madaxda Imaaraatka ku saxiixeen heshiiskii midowga ee dhacday 2-dii Diseembar 1971. Matxafkan waxaa loogu talagalay inuu xasuusiyo dadweynaha iyo booqdayaasha ahmiyadda ay leedahay midowga iyo sida wanaagsan ee uu u saameeyey nolosha dadka Imaaraatka.

Matxafku wuxuu ka kooban yahay dhowr qaybood oo kala duwan oo si casri ah loo dhisay. Dhismaha cusub ee matxafka waxaa ku xeeran dhismihii hore ee ay madaxda Imaaraatka ku kulmeen, oo si qurux badan loo dayactiray. Qaabka dhismaha cusub waxaa loo sameeyey si uu ugu ekaado calaamadaha calanka Imaaraatka, isagoo leh muuqaal casri ah oo soo jiidasho leh.

etihad museum

Matxafkan waxa lagu soo bandhigaa bandhigyo fara badan oo ku saabsan taariikhda, dhaqanka, iyo horumarka Imaaraatka Carabta. Waxyaabaha ugu muhiimsan ee lagu arki karo waxaa ka mid ah sawiro iyo filimaan taariikhi ah, agabkii taariikhiga ahaa iyo hadaladaii iyo sheekooyinka Madaxda. Sidoo kale, waxa lagu soo bandhigaa horumarka iyo guulaha casriga ah ee Imaaraatka, sida horumarka dhaqaalaha, teknolojiyada, iyo waxbarashada.

Union Museum ee Dubai waa goob muhiim ah oo lagu xasuusto taariikhda iyo horumarka Isutagga Imaaraatka Carabta. Waa meel ku habboon in lagu barto taariikhda, dhaqanka, iyo horumarka Imaaraatka, iyadoo booqdayaashu ay si qoto dheer ugu dhex milmaan sheekooyinka iyo dhacdooyinkii taariikhiga ahaa. Matxafkani wuxuu yahay goob cajiib ah oo ku habboon qof walba oo doonaya inuu fahmo taariikhda iyo horumarka Isutagga Imaaraatka Carabta.