You are currently viewing Ku Dalxiis Dubai Q 1aad

Ku Dalxiis Dubai Q 1aad

  • Post author:
  • Post category:Tourism
  • Post last modified:23/06/2024

Sannado badan waxa aan ku noolaa Dubai. Waxa aan ahaa shaqaale degan oo ka xoogsada. Wakhtiyo badana waxa aaan tagay aniga oo ah dalxiise. Sidaa daraadeed, waxa aan ku kalsoonahay in aan si fiican u kala aqaano Dubai. Waxa aan garan karaa qofka dalxiisaha ahi waxa uu Dubai ka doonayo iyo halka uu xiisaynayo in uu tago. Waxa aan si fiican dadka ugu soo bandhigi karaa Dubai iyo goobaha ku haboon dalxiiska ama caanka ah ee ku yaala, wakhtiyada ku haboon booqashada Dubai iyo macluumaad kale oo la xidhiidha Dubai. Ku dalxiis Dubai!

Taariikhda Dubai

Dubai waxa ay ahayd tuulo yar oo leh xeeb yar oo kallumaysi qarniyadii dhexe. Qarnigii 19-aad, waxa ay noqotay xarun muhiim u ah ganacsiga, gaar ahaan ganacsiga Fooxa iyo Luubaanta. Sanadkii 1833, qabiilka Bani Yas oo uu hoggaaminayay qoyska Al Maktoum, ayaa qabsaday Dubai waxayna ka dhigeen xaruntooda maamul.

OLD DUBAI

Qarnigii 20-aad, Dubai waxa ay noqotay xarun ganacsi oo muhiim ah. Sanadkii 1966, markii saliida ama shidaalka laga helay dalka Emirateka, dhaqaalaha Dubai ayaa si xawli ah u koray. Lacagtii Saliidda laga helay waxa ay keentay maalgelin ballaadhan oo lagu sameeyey kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta magaalada. Wakhtigaa waxa Dubai xukumi jirtay Boqortooyadii Ingiriiska

Kadib markii la aasaasay dalka Midowga Imaaraatka Carabta (UAE) oo ka kooban 7 imaaradood oo kala ah Abudhabi, Dubai, Shaariqa, Cujmaan, Rasulkhaymah, Fujairah iyo Umul Quwain sanadkii 1971, Dubai iyo Abu Dhabi waxa ay noqdeen labada Emirate ee ugu waaweyn dalka.

UAE FLAG

Dubai, iyada oo uu hoggaaminayo qoyska reer Al Maktoum, ayey billowday in ay si xoogan u maalgashato dalxiiska, nidaamka maaliyadda, bangiyada, iyo ganacsiga caalamiga ah. Tani waxa ay keentay horumar balaadhan iyo kobac dhaqaale oo aan ku tiirsanayn shidaalka ama saliida.

Maanta, Dubai waxaa loo aqoonsan yahay inay tahay mid ka mid ah magaalooyinka ugu casrisan caalamka, oo leh dhismayaal cirka isku shareeray sida Burj Khalifa, xarumo ganacsi oo caalamiga ah, iyo goobo dalxiis oo badan sida Palm Jumeirah. Dubai waxa ay martigalisay dhacdooyin waaweyn oo caalami ah sida World Expo 2020. Waxa ay kulmisay dhaqankii carabta ee soo jireenka ahaa iyo ilbaxnimada casriga ah, iyada oo soo jiidata malaayiin dalxiisayaal ah sanad walba.

DUBAI

Ku dalxiis Dubai – Imaatinka Dubai

Dubai waxa ay leedahay madaar wayn oo loo yaqaan Dubai International Airport. Waxa uu leeyahay 3 terminal ama dhisme oo ay rakaabku ka dhoofaan kana soo degaan.

Marka aad Dubai u socoto, haddii aad raacdo diyaarada Emirates Airlines oo ah diyaarad ay leedahay xukuumada Dubai, waxa aad ka degaysaa dhismaha ama Terminalka 3aad oo ah kan ugu wayn, uguna cusub oo gaar u ah shirkada diyaaradaha ee Emirates Airlines. Marka aad ka degto diyaarada, waxa aad u lugaynaysaa (gudaha airportka) dhismaha ama terminalka 1aad halkaa oo uu ku yaaalo Imigrationkii iyo halkii laga baxayey. Dadka waaweyn, xaasaska iyo caruurtu waxa ay raaci karaan gawaadhi yaryar oo dadka ka soo gura dhismaha 3aad oo keena dhismaha 1aad (waa lacag la`aan).

https://www.tripadvisor.co.uk/Attractions-g295424-Activities-oa30-Dubai_Emirate_of_Dubai.html

TERMINAL 3 DUBAI AIRPORT

Haddii aad Dubai ku tagto diyaaradaha ee Flydubai, waxa aad ka dagaysaa dhismaha ama Terminalka 2aad oo ka go`an dhismayaasha ama termilada kale ee madaarka Dubai. Waxa aad halkaa ka raaci karaysaa taxi ama bus haddii aad magaalada kala garanayso, laakiin tareenku ma maro dhismaha ama terminalka 2aad.

Haddii aad Dubai ku tagto diyaarad aan ahayn Emirates iyo Flydubai, waxa aad ka dagaysaa dhismaha ama Terminalka 1aad, halkaa ayaad ka bilaabaysaa galitaanka Dubai adiga oo sii maraya Immigrationka.

Gaadiidka laga raacayo Madaarka

Dubai International Airport waxa aad ka raaci karaysaa Bus haddii aad kala garanayso magaalada. Sidoo kale, waxa aad ka raaci karaysaa tareenka oo ku gaynaya gudaha magaalada-waa haddii aad kala taqaano magaalada. Laakiin, haddii aad ku cusub tahay magaalada ama aanad si fiican u kala aqoon, waxa fiican in aad Taxi ka raacdo Madaarka, Taxigaa ayaa ku gaynaya halkii aad doonaysay- waana ammaan darawalada Tagaasidu oo dawlada ayey u shaqeeyaan. Qiimaha taxigu waxa uu ka bilowdaa 20 Dirham iyo hadba masaafada uu socdo oo lacag kale kugu qormayso.

Hoteelada la seexdo ee Dubai

Dubai waxa ay caan ku tahay hoteelo waaweyn oo heer sare ah oo qaalli ah. Sidoo kale waxa laga heli karaa Hoteelo dadka badankiisu awoodi karaan in ay seexdaan.

Tusaale ahaan, Hoteelka Burj Al Arab waa hoteelka ugu raaxada badan aduunka. Waa hotel haysta 7 xidigood oo muujinaya heerka adeegiisa iyo raaxada. Waa hoteelka kaliya ee 7-xiddigle ah aduunka. Waxa uu yaalaa jasiirad macmal ah, waxaana uu shabahaa qaab-dhismeedkiisu shiraaca doonyaha dabayshu wado.

BURJ AL ARAB

https://www.jumeirah.com/en/stay/dubai/burj-al-arab-jumeirah

Armani Hotel waa 5 xidigood, waxaana uu ku dhex yaalaa gudaha dhismaha dheer ee Burj Khalifa. Hoteelkan waxa naqshadeeyay naqshadeeyaha caanka ah Giorgio Armani.

BURJ AL KHALIIFA

https://www.armanihotels.com/en/hotels/armani-hotel-dubai

Atlantis, The Palm – waxa uu ku yaalaa jasiiradda Palm Jumeirah. Waa hotel raaxo badan oo ay ku yaalaan goobo laga daawanayo badda hoosteeda waxa ku jira iyo madxaf badda hoostiisa ah.

ATLANTIS 1

https://www.atlantis.com/atlantis-the-palm

Ramada by Wyndham Downtown Dubai – waa Hotel 4 xidigoodle ah, waxa uu si toos ah ugu began yahay Burj Khalifa. Waa hotel qiimihiisu macquul yahay oo ku yaala meel u dhaw goobaha muhiimka ah sida Dubai Opera.

https://www.wyndhamhotels.com/en-uk/ramada/dubai-united-arab-emirates/ramada-downtown-dubai/overview

Ibis Al Barsha – waa Hoteel 3 xidigood leh. Waxa aad ka heli kartaa qolal raaxo leh iyo qiimo jaban. Waa hotel ay dagi karaan dadka dalxiiska ah ama dadka ganacsiga u taga Dubai.

Shirkadaha Isgaarsiinta ee Dubai

Etisalat waa shirkada ugu weyn ee isgaadhsiinta dalka UAE. Waxa ay bixisaa adeegyo isgaadhsiineed oo ay ka mid yihiin telefoonka gacanta, internetka xawaaraha sare, iyo adeegyada TV-ga. Waxa ay bixisaa adeega muhiimka ah 5G gudaha UAE.

Du waa shirkada 2aad ee isgaadhsiinta ee dalka UAE. Waxa ay bixisaa adeegyo la mid ah kuwa Etisalat. du waxa ay si joogto ah ula tartantaa Etisalat dhanka qiimaha iyo tayada adeegga.

ETISALAT AND DU SIM CARDS

Muddo kasta oo aad joogayso Dubai, waxa aad u baahan tahay in aad hesho sim card UAE ah.

Helitaanka SIM card-ka Dubai waa hawl fudud oo dhakhso leh. SIM cards waxaa laga heli karaa garoomada diyaaradaha, dukaamada waaweyn, iyo dukaamada shirkadaha isgaarsiinta. Sidoo kale, waxa jira mashiinno iswada oo ku yaal meelo badan oo Dubai ah, halkaas oo aad si dhakhso leh uga iibsan karto SIM card. Si aad u hesho SIM card, waa in aad haysato aqoonsigaaga (sida baasaboorkaaga) si aad isu diiwaangeliso.

Etisalat iyo du labaduba waxay bixiyaan xidhmooyin ka kooban xogta, hadal iyo fariimo, waxaana ay ku kala duwan yihiin qiimaha iyo faa’iidooyinka ay bixiyaan.

Gaadiidka la raaco ee Dubai

Dubai waxa ay leedahay nidaam gaadiid casri ah oo aad u horumarsan, kaas oo ka kooban tareenno, basas, iyo taksiyo. Nidaamkan gaadiidku waxa uu fududeeyaa isu socodka dadweynaha iyo dalxiisayaasha, isaga oo siinaya xulashooyin kala duwan oo ku haboon dookha iyo jeebka qof kasta.

1. Dubai Metro

Dubai Metro waa mid ka mid ah mashaariicda gaadiidka dadweynaha ee ugu waaweyn ee laga hirgeliyey Dubai. Waxa la furay sanadkii 2009, waxaana uu ka kooban yahay laba khad oo waaweyn: Khadka Cas (Red Line) iyo Khadka Cagaaran (Green Line).

Dubai Metro waxa ay adeegsataa tareenno casri ah oo iswada oo aan qof bini`aadam ahi wadin, waxayna ku socdaan xawaare sare, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah gaadiidka ugu degdega badan ee la raaco gudaha magaalada. Saldhigyada metro-da waxaa laga helaa meelaha muhiimka ah ee magaalada, sida Airportka, Burj Khalifa, Dubai Mall, iyo Dubai Marina.

DUBAI METRO

2. Baska Dubai

Nidaamka basaska ee Dubai waxa uu daboolaa baahida safar ee gudaha magaalada. Waxa uu tagaa dhamaan qaybaha ay ka kooban tahay Dubai, xataa xaafadaha fogfog. Basasku waa kuwo casri ah oo qaboojiyeyaal leh, maadaama cimilada magaaladu ay kulushahay. Qiimaha basku aad ayuu u jaban yahay gudaha magaalada.

DUBAI BUS

3. Taksiyada Dubai

Taksiyada ayaa aad ugu badan Dubai, waa hab sahlan oo lagu tago meel kasta oo magaalada ah. Taksiyada waxaa maamula shirkado dhowr ah, laakiin dhammaantood waxa lagu aqoonsan karaa midabkooda kareemka ah iyo calaamadaha taxiga. Taksiyada waxaa laga heli karaa si fudud garoomada diyaaradaha, hoteelada, iyo goobaha muhiimka ah. Taxiyada qaarkood waa online sida Uber iyo Careem, kuwaas oo u sahlaya isticmaalayaasha inay dalbadaan taksi iyaga oo adeegsanaya app-kooda mobileka.

DUBAI TAXI

4. Gaadiidka Badda

Doonta la raaco ee loo yaqaan “abra” waa mid ka mid ah hababka gaadiidka dhaqameed ee ugu caansan Dubai. Abra waa doonyo yaryar oo dhaqameed oo loo isticmaalo in loogu kala goosho kanaalka weyn ee Dubai ee loo yaqaan Dubai Creek. Doonyahan yaryar waxa isticmaala dadweynaha ku nool Dubai iyo dalxiisayaasha oo ugu kala goosha labada dhinac ee Dubai ee kala ah Deira iyo Bur Dubai.

Doonyahani waxa ay shaqeeyaan maalin kasta, laga bilaabo subaxda hore ilaa xilli danbe oo habeenimo. Lacagta lagu raacaa waa mid aad u jaban waa 1 dirham oo kaliya. Waxa jira dhowr goobood oo laga raaco doonyahan yaryar, kuwaas oo ku kala yaal labada dhinac ee Dubai Creek sida Al Sabkha Abra Station iyo Dubai Old Souk Abra Station.

DUBAI ABRA BOAT

5. Gaadhi kirayso

Waxa kale oo dadka dalxiisayaasha ah qaarkood ay sameeyaan, in ay gaadhi kiraystaan oo ay ka maarmaan isticmaalka gaadiidka dadweynaha iyo Taxiga labadaba. Dubai waxa ku yaala shirkadaha ugu waaweyn aduunka ee gawaadhida kireeya sida Hertz, Sixt, Thrifty, Europcar, Budget etc. Sidoo kale, waxa jira shirkado maxali ah oo iyaguna baabuurta kireeya.

Lacagta Dubai iyo sarifka lacagaha qalaad

Lacagta rasmiga ah ee Dubai waa Dirham-ka Imaaraatka Carabta, waxaana loo yaqaan si gaaban “Dirham.” Waxa sidoo kale loo soo gaabiyaa AED ama Dhs. 1kii Dirham waxa uu ka kooban yahay 100 fils. Lacagaha birta ahi waa 1 Dirham, 50 fils, 25 fils, 10 fils, iyo 5 fils. Lacagaha warqada ahina waa 5 AED, 10 AED, 20 AED, 50 AED, 100 AED, 200 AED, 500 AED, iyo 1000 AED. Dirham-kan Imaaraatka Carabta waxa la soo saaray sanadkii 1973.

Dubai waa xarun ganacsi oo caalami ah, waxaana maalin walba la kala sarifaa lacago qalaad oo badan. Sarifka lacagaha qalaad waxaa lagu sameeyaa bangiyada sida Emirates NBD, Abu Dhabi Commercial Bank (ADCB), iyo Dubai Islamic Bank, xarumaha sarifka sida Al Ansari Exchange, UAE Exchange, iyo Al Rostamani International Exchange, Hoteelada waaweyn iyo goobaha dalxiiska ee Dubai iyaga oo u fududeynaya dalxiisayaasha inay helaan lacagta maxalliga ah.  

Intaa waxa dheer, ATM-yada ku yaal Dubai ayaa sidoo kale bixiya adeegyo sarif lacag, gaar ahaan kuwa la shaqeeya shirkadaha caalamiga ah ee bixiya adeegyada ATM-yada, sida Visa iyo MasterCard. Dalxiisayaashu waxay lacag ka qaadan karaan ATM-yada iyagoo isticmaalaya kaararka bangiga ee dalkooda.

Qaar ka mid ah lacagaha qalaad ee inta badan la sarifo waxaa ka mid ah:- Dollar-ka Mareykanka (USD), Euro (EUR), Pound Sterling (GBP), Riyal-ka Sucuudiga (SAR). Rupee-da Hindiya (INR). Yen-ka Japan (JPY) iyo kuwo kale.

UAE DIRHAM