You are currently viewing Wax ka ogow nidaamka Advanced Passenger Information (API)

Wax ka ogow nidaamka Advanced Passenger Information (API)

Hay`ada socdaalka ee Soomaaliya (Somalia Immigration Agency) waxa ay ku wargalisay shirkadaha diyaaradaha ee caalamiga ah, in ay soo gudbiyaan macluumaadka dhoofayaasha  ama rakaabka (Passengers) ay sidaan, laga bilaabo 31 March 2025. Macluumaadkan khuseeya rakaabka ee ay Hay`adu dalbatay in loo soo gudbiyo waxa loo yaqaanaa Advanced Passenger Information (API)

Waa maxay Advanced Passenger Information?

Advanced Passenger Information (API) waa macluumaadka qofka dhoofaha ama rakaabka ah (Passenger) ay shirkadaha diyaaraduhu ka ururiyaan ama diiwaangaliyaan, marka uu tigitka goosanayo ama uu iska xaadiriyo airportka (check-in), ama si iskii ah uu isaga check in gareeyo websiteka diyaarada uu raacayo (Online check-in).

Macluumaadka ku duugan API waxa ka mid ah:-

  1. Magaca qofka rakaabka ah oo dhamaystiran
  2. Haddii magic/magacyo kale uu leeyahay
  3. Taariikhda uu dhashay
  4. Goobta uu ku dhashay
  5. Lab mise dhedig
  6. Numberka tigitkiisa diyaarada
  7. Dalka uu sito Passportkiisa (nationality)
  8. Nooca Passportkiisa (ordinary, diplomat etc)
  9. Goorta la bixiyey
  10. Goorta uu dhacayo
  11. Numberka Passportkiisa
  12. Magaca diyaarada uu raacayo
  13. Garoonka uu ka dhoofayo
  14. Garoonka uu tagayo
  15. Numberka duulimaadka uu raacayo
  16. Numberka shandadaha uu sito (haddii uu shandado wato)
  17. Numberka kursiga uu ku fadhiyo diyaarada
  18. Numberka visada uu sito iwm.
PASSPORT

Dalalka qaarkood oo dalka Maraykanku uu ka mid yahay waxa ay u baahan yihiin in ay qofka ka helaan macluumaad intan kor ku xusan ka badan.

  1. Qofku waa in uu sheegaa cinwaanka gurigiisa, magaalada iyo dalka uu degan yahay.
  2. Waa in uu sheegaa dadka, cinwaanka iyo magaalada uu ku dagayo ee uu u socdo.
  3. Haddii uu dalxiise ama booqde yahay waa in uu sheegaa hoteelka uu ku degayo.
FLYNAS

Goorma ayaa la sameeyey nidaamkan API?

Markii ugu horaysay Hayada aduunka u qaabilsan kastamyada ee loo yaqaan (World Customs Organisation- WCO) ayaa sanadkii 1993kii soo jeedisay hirgelinta nidaamkan si loo fududeeyo hawlaha kastamada dalalka aduunka. 90 dawladood isla qaatay in nidaamkan la isticmaalo oo xogta dhoofayaasha la isu gudbiyo. Ka bacdina, hayadaha caalamiga ah ee aviationka aduunka sida ICAO iyo IATA  ayaa ku soo biiray nidaamkan hirgalintiisa, sidaa ayaanuu ku noqday nidaam caalami ah oo aduunka oo dhan laga isticmaalo si isku mid ah (Global- Standard). 

ICAO

Imisa qaybood ayuu u kala baxaa API?

API waxa uu u kalaa baxaa laba qaybood oo kala ah:-

  1. Mid fudud (simple API) oo ah hab loogu talogalay in macluumaadka laga ururiyey dhoofayaasha ama rakaabka loogu diro dalka ay u socdaan (Destination) ama ku sii hakanayaan(Transit). Macluumaadkan waxa la diraa marka dhamaan dadku diyaarada wada fuulaan. Waa suurtogal in dalka loo dirayo macluumaadku in aanuu wakhti ku filan u helin baadhitaanka magacyada oo dhan- haddii uu wakhtigu kooban yahay. Habkani waa habkii qadiimka ahaa.
  • Habka API casriga ah (interactive) oo ah hab si toos ah u gudbinaya macluumaadka dhoofayaasha isla marka ay iska xaadiriyaan miiska looga adeegayo dadka dhoofa (check in desk) ee laga qoro macluumaadkooda. Hadaba, maadaama uu macluumaadku si toos ugu gudbayo cida ay khusayso, waxa dhici karaysa in qofka oo taagan miiskii diyaarada ee airportka loo diido in uu raaco diyaarada, haddii dalkii uu u socday dalbado sidaa ama in aanuu soo gali Karin dalkooda cadeeyaan. Nidaamkani waxa uu dhoofayaasha u kala saaraa mid la ogol yahay in uu dhoofo (OK for board) iyo qof aan la ogolayn (NO board).

Sidee ayuu u shaqeeyaa nidaamkan API?

Shirkadaha diyaaraduhu marka ay ururiyaan xogta dhoofaha, waxa ay ku kaydiyaan nidaamka adeega rakaabka ee loo yaqaan Passenger Service System (PSS), ka bacdina waxa lagu shubaa nidaamka airportayadu ku shaqeeyaan ee loo yaqaano Departure Control System (DCS). Ka bacdi, marka dadka oo dhan ay fuulaan diyaarada ee ay kacdo, waxa xogtaa API loo gudbiyaa immigrationka dalka diyaaradu u socoto, iyada oo loogu gudbinayo hab lagu heshiiyey oo la isla yaqaan sida fax (berigii hore), SITA message, E-mail, iwm.

Immigrationka dalka ay diyaaradu u socotaa, marka uu xogtaa helo waxa uu la wadaagaa hayadaha Amniga iyo nabadsugida ee dalka oo iyaguna magacyada dadkaa la eega ama barbardhiga oo ka baadha magacyada dadka ay hayaan ee la raadinayo (wanted), argagixisada ah (terrorist), dambiilayaasha ah (criminals), dadka lala socdo (watchlist) iwm

Haddii ay dhacdo in qof diyaarada la socda magaciisa laga helo liiskaa ay hayadaha Amniga iyo immigrationku hayaan, waxa loo diyaargaroobaa in qofkaa lagu xidho dalka uu u socdo. Ka bacdina xabsiga ayaa loo gubiyaa iyo maxkamada, haddii uu khatar wayn ku yahay dalka, haddii ay khatartiisu yar tahayna tusaale ahaan qof passport aanuu lahayn ku dhoofaya oo dhib kale aan wadin, dib ayaa loogu celiyaa diyaaradii siday, waxaana diyaarada lagu xukumaa ganaax lacageed.

INSIDE AIRCRAFT

Haddii uu qofku yahay mid la raadinayeyna (wanted) dalkii dalbaday in loo soo gacangaliyo ayaa loo dhiibaa. Laakiin, marka uu qofku yahay ‘nadiif’ maba ogaado waxa socda ee si caadi ayuu isaga dhoofaa. Qofka aan dembiile ahayn, argagixiso ahayn ama aan lagu raad joogin ee sida sharciga ah u dhoofayaa (bona fida) isaga hawshani ma khusayso, waxna kalama ee si caadi ah ayuu u dhoofaa una gala magaaladii iyo dalkii uu u socday.

Mararka qaarkood shirkadaha diyaaraduhu liiska dadka tigidhada ka goostay maalmo ka hor duulimaadka ayey u sii diraan immigrationka dalka uu ku socdo. Dhinacoodana, hayadaha socdaalka ee dalalku mararka qaarkood liiska magacyo laga manmuucay in ay dal hebel soo galaan ayey u gudbiyaan shirkadaha diyaaradaha, taasina waa ta keenta in qofkii loo diido in uu diyaarada raaco (denied boarding).

Duuliyeyaasha diyaarada ma looga baahan yahay in ay bixiyaan macluumaadka API?

Dabcan, duuliyeyaasha diyaarada waa looga baahan yahay in ay bixiyaan macluumaadkan API. Waliba duuliyeyaasha macluumaadkooda si dhaw ayaa loola socdaa, maadaama masuuliyada saarani ay wayn tahay oo ay ka masuul yihiin nafo badan iyo diyaaradaba, dhibaatada iyo khasaaraha ay gaysan karaana uu badan yahay, haddii ay si khaldan u dhaqmaan ama ku kacaan falal argagaxiso.

PILOT

Maxay tahay ujeedada loo isticmaalo nidaamkan API?

Ujeedoooyinka loo isticmaalo nidaamkan API way badan yihiin waxaana ka mid ah:-

  1. Sugida Amniga: dawladuhu waxa ay u isticmaalaan xogta loogu soo gudbiyo nidaamkan API in ay ku aqoonsadaan dadka khatarta Amni leh (high-risk individuals), argagixisda (terrorist), dambiilayaasha (criminals), dadka dabagalka lagu hayo (Watchlist) iyo dadka la doon-doonayo (wanted).
  • Hubinta documentiga: waxa nidaamkani fududeeyaa hubinta saxnaanta documentiga uu sito qofkan dhoofaha ahi. ka hor inta aanuu gaadhin halkii uu u socday ee macluumaadkiisa loo sii diray. Immigrationka ayaa hawshan qabta.
  • Hakinta tahriibka; nidaamkan waxa loo adeegsadaa in lagu baajiyo ama hakiyo tahriibta sharci darrada ah iyada oo la hubinayo documentska qofku sito iyo falanqaynta saxnaanta dariiqa uu qofkani marayo (route). Waa shaqo immigration.
  • Taageerida ciidamada kala duwan iyaga oo lagu garabsiinayo dabagalka iyo la socodka Argagaixisada, dambiilayaasha iyo dadka ka shaqeeya waxyaabaha sharci darrada ah
  • Xoojinta xidhiidhka caalamiga ah ee ka dhexeeya shirkadaha diyaaradaha iyo dawladaha si looga hortago khataro amni

Hadaba, sida muuqata ujeedada koowaad ee ugu muhiimsan ee loo ururiyo, la isugu gudbiyo loona isticmaalo xogta ku duugan API waa sugida Aminga.

AIRPORT

Yaa qayb ka ah ururinta, gudbinta iyo isticmaalka xogta API ku duugan?

Ururinta, gudbinta iyo ka faa`iideysiga xogtan rakaabka ee la isugu dirayo nidaamka API, waxa qayb ka ah shirkadaha diyaaradaha, Xafiisyada tigidahada diyaaradaha laga iibsado, websiteyada tigidhada diyaaradaha laga iibssado, Immigrationka, hay`adaha Amniga iyo nabadsugida, hay`adaha ka shaqeeya caafimaadka, customska, shirkadaha ITga sida SITA, haydaha aviationka sida ICAO, IATA, hayadaha caalamiga ah sida INTERPOL, WCO, garoomada diyaaradaha (airports) iwm.

https://www.icao.int/Security/FAL/SitePages/API%20Guidelines%20and%20PNR%20Reporting%20Standards.aspx

Shirkadaha diyaaraduhu ma diidi karaan amarkaa ka soo baxay hayada Socdaalka Soomaaliya marka ay u soo duulayaan Somaliland?

Ma filayo. Hore waxa ay shirkadaha diyaaradaha ee Flydubai iyo Ethiopian Airlines ugu hogaansameen oo u fuliyeen amarkii hayada Duulista hawada Soomaaliya ku soo rogtay ee ahaa in magaca Somaliland laga masaxo Hargeisa (Hargeisa, Somaliland) oo lagu badalo  Somaliya (Hargeisa, Somalia). Sidaa daraadeed, fulinta amarkana way ku khasban yihiin shirkadaha diyaaraduhu.

Qofku ma diidi karaa in uu bixiyo xogta looga baahan yahay?

Haa. Qofku wuu diidi karaa in uu bixiyo xogtan API ee looga baahan yahay, laakiin taa macnaheedu waxa weeye ma dhoofi doono mar haddii uu diiday xogtaa in uu bixiyo. Ma jirto Diyaarad/markab qaadaysa/qaadaya qofka diida in uu bixiyo xogtiisa looga baahan yahay.